WAR SAXAAFADEED

December 30,2010
iMadaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa
Maanta kulan Balaa dhan oo uu Qasriga Madaxtooyada kula
yeeshay Guddida Cadaalada, Garsoorayasha Maxkamada ha iyo Xeer
illaalinta Qaranka waxa uu ka Cadeeyey in ay Siyaasada Xukuumadu
Muhiimada Koob aad Siinayso Cadaalada iyo Garsoorka diyaarna
uu u yahay in wax laga Qabto Goldalolooyinka jiri kara ee la
xidhiidha Cadaalada.
Madaxweynuhu waxa uu Garsoorayaasha, Darajooyinka kala Duwan ee
maxkamadaha ku adkee yey oo uu si adag ugu Dar-daaray in ay
Masuuliyada Culus ee ay ummadda u hayaan sida ay tah ay u
gutaan, uguna Dadaalaan in ay noqdaan Garsoorayaal Caadil ah.
Madaxweynuhu waxa uu Waaxda Garsoorka ku amaanay Dedaalka iyo u
adkaysiga Duruufaha A dag ee ay ku shaqaynayeen intii uu
Qarankani jiray waxaanu ku dhiiri geliyey in ay Xil-gudashad oodu
noqoto mid la Mahadiyo.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u gudbiyey Cabashada
Shacabiga ee Dhinaca Garsoorka.
Ugu Danbayna Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadu Diyaar u
tahay in ay waaxda Garsoorka iyo Cadaalada noqoto Mid tayo leh oo u
qalanta Xilka ay umadda u hayso.
Hadalka uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u jeediyey ka hor waxa uu
Warbixin Mugleh ka Dheg aystay Gudoomiyaha Maxkamada Sare,
Xeer illaaliyaha Guud, Xubno ka mida Guddida Cadaalada iyo
Garsoorayaashii kulanka ka qayb galay.
kulankan uu madaxweynuhu ugu yeedhay Garsoorayaasha, Maxkamadaha
Kala Duwan ee Dalka, Xeer illaalinta iyo Guddida Cadaaladu waxa uu
ka mid yahay Qorshaha ay Xukuumadu ay doonay so in lagu toosiyo,
laguna tayo geliyo Cadaalada.
Afyaheenka Madaxtooyada Somaliland
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
|