Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL

 

 

Ku: Laamaha Warbaahinta Dawladda Somaliland
 

Ku: Laamaha Warbaahinta Madaxa-bannaan
 


Ujeeddo: War Saxaafadeed:

Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee Hargeysa oo ka jawaabayaa dhawaaqii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain 27th January, 2013 ee lagu wargeliyay mu waadiniinta Ingiriiska inay ka baxaan Somaliland sababo nabadgelyo, wuxu caddaynayaa xa qiiqada nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland iyo feejignaanta xukuumadda Somalila nd inay tahay mid muwaadin iyo ajaanib cidkasta oo cariga Somaliland ku sugani ay ku kalso ontahay sida ay Somaliland caan ku ahayd wakhti dheer mana aha nabadgelyada Somalila nd mid sinaba loo barbar dhigi karo xaaladaha ka taagan wadamada gobolka qaarkood.

Qurba-joogga Somaliland ee haysta dhalashada dalka Britain waa kuwa ugu badan ee ku ha wlan maalgashiga dalkooda amniga ah, in badan oo ka mid ahina ay sannad walba ku soo gu ryo noqdaan dalkooda si ay u maalgashadaan, waxna uga qabsadaan

Waxannu leenahay Qurba-joogga Somaliland, waxad u tihiin xog ogaal amniga iyo nabad gel yada dalkiina, waxannu caddaynaynaa inaanay jirin wax ku soo kordhay Somaliland oo aad ka warwartaan haba yaraatee.

Waxannu ku tilmaamaynaa warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK inay ahayd tall aabo aan laga fiirsan, isla markaana aanay reer Somaliland ka filaynin dawladda Ingiriiska.
 

 


Maxamuud Cabdi-raxmaan Cali

Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL