WAR-SAXAAFADEED
Kenya (TNN)-Weftigii
Jamhuuriyadda Somaliland ee soo gaadhsiiyey deeqda dadka tabaalays
an ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dalka Kenya oo maalimihii u
danbeeyey ku sugnaa Dalka Kenya ayaa maanta si rasmi ah kulan ula
qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Kenya,mudane Raila Omolo Odinga.
Kulankan oo ku ka dhacay xafiiksa Ra'iisal wasaaraha dalka
Kenya,dhnka Somaliland waxaa u meteleyey Wasiirka Diinta iyo
Awqaaaffta, mudane Sh. Khaliil oo weftiga hoggaaminaye y,was iirka
Gananacsiga,warshadaha, iyo Dalxiiska,mudane Abdirisaaq
Khalill,xildhibaan Abdiqaadir I ndhiindhi, Imaamaka Masaajidka Ali
Mataan sheekh Axmed Adan,Maareeyaha Ha'adda Waddo oyinka mudane
Abdiwaaxid iyo safiir ku xigeenka Somaliland ,mudane Abdirisaaq
Axmed Kara ani
Dhanka kale,waxaa Ra'iisal Wasaaraha kulankan ku wehelinayey
Guddoomiye ku xigeenka Baa rlamanak Kenya,mudane Faarx Macallin iyo
Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha
,mudane Dr. Maxamed Abdi Isaxaaqiya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ,mudane Sh Khaliil ayaa Ra'iisal
Wasaaraha u gudbiyey salaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland,mudane Ahmed Maxamuud, ka dibna sha raxaad uga bixiyey u
jeedada ay u yimaadeen dalkna oo ah inay caawiyaan qaxootiga Sooma
aliyeed ee ku sugan xeryaha ku yaalla dalkna Kenya,kaalmada ay
sideenna tahay mid ay soo dhiibeen shacabka Jamhuuriyadda
Somaliland, sidoo kale wuxuu aad ugu mahad celiyey dawla dda Kenya
oo si fiican dalkeeda ugu soo dhaweysay.
Ra'iisal Wasaare Raila Odinga ayaa dhankiisa isna ka muujiyey sida
uu ugu faraxsan yahay
inuu arko dadaalka ay Somaliland muujisey ee ay taageerayso
dadka tabaalaysan ee qaxoo tiga ku ah dalkooda ,Raiisal Wasaarahaha
ayaa ku ammaanaya dadaalkaas isagoo sheegay in uu ogsoon yahay in
abaartu xitaa saameysay Jamhuuriyadda Somaliland,balse dadaalkani uu
yahay uun ficil walaalnimo iyo maamul wanaag oo ay Somaliland
go'aansatay inay taageerto Somalida tabaalaysan ee ku kala nool
xeryaha qaxootiga Kenya iyo waliba gudaha Somaliya.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa si taxadar leh carabka ugu adkeeyey in
aragtidiisa gaarka ah uu qa bo in Jamhuuriyadda Somaliland
mutaysatay in la aqoonsado oo ay beesha caalamka ka mid noqoto.Wuxuu
si gaar ah u xusay in doorashooyinka dimuqraadiyadda ku dhisan
iyo weliba da daalada kale ee horumarineedba uu ku ammaanayo
Jamhuuriyada Somaliland,wuxuu xusay Ra'iisal Wasaaruhu in uu
hore u booqday Dalka Somaliland imikana diyaar u yahay inuu booq
do.Kulnakaas ayaa ku soo idlaaday jawi farxad leh
Allaa Mahade leh
Republic of Somaliland
Somaliland Liason Office in Kenya
Office:2542714012/13 |Cell:254-715056641,254-735056641.254-722215577
Fax:2542714018 |P.O.BOX 57694-00200 nAIROBI
5thNgogng Avenue House 7th Floor
Somalilandliason.kenya@gmail.com
https://www.somalilandliason.co.ke
|