War-saxaafadeed

 

 



16 January 2013
Ref: 130116PR
 

Wefti sare oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa maanta la kulmey Masuuliyiin sare oo ka tir san xukuumada Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE), gaar ahaan Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dib edda Dr. Anwar Mohammed Gargash iyo Wasiir-ku-xigeenka Md. Faris Mohammed Al Mazrouei. Weftiga Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cum ar, ayna ku wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Xassan Cali, Wasiirka Macdanta, Biy aha iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale.Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxa med.

Waxaa weftiga lagu qaabilay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalkaasi waxaana loo fidiyey ha b-maamuus dhamaystiran. Tani Waxay ahayd markii ugu horeysay ee Wefti ka Socda Somaliland loo qaabilo hab-maamuuskan oo kale.

Labada dhinac waxay shirka kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashiga, iskaashiga horumarinta iyo wadahadalada dhexmaray Somaliland iyo Soomaalia. Waxaanay laba da dhinac isla meeldhigeen in Dawlada Imaaraadku ay u fidiso Mucaawinada qaabka ay dalalka k aleba gacan uga gaysato, iyo inay fudadayso isla markaana taageerto dib-u-bilawga wadahadal adii labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia isla markaana sii wado doorkii firfircoonaa ee a y hore uga qaadatay wadahadaladii hore. Sidookale xukuumada Imaaradku waxay balanqaaday inay usoo jiido Somaliland maalgashi dibadeed.

Weftigu waxay isla maanta la kulmeen Madaxdasare ee Shirkadda Maamusha Dekedaha ee Dup ai Port World waxaanay ka wada hadleen sidii dekeda Berbera loo casriyayn lahaa, loogana dhi gi lahaa xarun u adeegta dhaqaalaha geeska afrika.
 

 


Press Office
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga
Jamhuuriyadda Somaliland