Ujeeddo: War-saxaafadeed Caddayn Mawqif Ku Aadan Ururada Siyaasaseed iyo SONYO

Taariikh: 8/11/2011
 


Ref: SONYO/01/20/11



Ku: Dhammaan Telefishanada Somaliland

Ku: Radio Hargeysa

Ku: Dhammaan wargeysyada madaxa bannaan

Ku: Dhammaan Website-yada Somaliland



Ujeeddo: War-saxaafadeed

Caddayn Mawqif Ku Aadan Ururada Siyaasaseed iyo SONYO



Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ka duulaysa arrin maalmihii ugu dambeeyey ku soo noqnoqotay ra’yul caamka guud ee dalka iyo aragtida tilmaamaysa SONYO iyo ururada siyaasaseed ee dhawaanahan lagu dhawaaqay maxaa xidhiidh ah oo ka dhaxeeya, gaar ahaan ururada furitaankooda ku sheegay in ay dhallinyaradu ka mid tahay ururadaasi, taasi oo keentay in dadka qaarkii isku khaldaan SONYO oo dhallinyarada matala ysa iyo xidhiidhka ka dhaxeeya ururadan.

Hadaba waxaanu si cad bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku war gelinay naa, halkana ka caddaynaynaa in aanay SONYO oo huwan magaca dhallinyarada Somaliland aanay urur gaar ah iyo kooxo toona magacooda kaga mid noqon, balse SONYO u taagan ta hay himiladii loo aasaasay oo ah in ay ahaato Dallad kulmiya dhallinyarada Somaliland oo da nahooda ka hadasha balse aan si toos ah uga mid noqonayn magaceedana kaga qayb gala yn siyaasadda.

SONYO waxa ay dadaalka ka qayb galka siyaasadeed u gashay waxa uu ahaa arrin la xidhii dha Ujeedada loo aasaasay dalladda oo ah in ay dhallinyarada u dooddo, aragtidooda gudb iso una raadiso dhammaan xuquuqaha siyaasadeed ee aasaasiga ah iyo ka qayb galka tala da dalka . SONYO waxa ay u halgamaysaa dhallinyarada Somaliland in ay helaan xaquuqah ooda dastuuriga ah ee sharciyadda wadanku u bannaynayaan balse ma aha urur siyaasas eed.

Ururada siyaasaseed ee imika lagaga dhawaaqay dalkana wax xidhiidh ah oo ay la leedaha y mid kali ah aanay Jirin. Xubin kasta oo dhallinyaro ah oo reer Somaliland ahi waa ay ka q ayb gali karaan munaasibadaha ururada lagaga dhawaaqaayo balse magaca SONYO cid hu wan oo urur hore uga qayb gashay ma jirto imikana ma jiri doonto. Qofka dhallinyaro ah ee hammi siyaasadeed lihi waxa uu u madax bannaan yahay in ururka uu doono uu gali karo, SONYO wax gacan ah arrintaa kuma laha shaqadeedana ma aha kaliya waxa ay u taagan tahayd in ay dabarada sharci ee dhallinyarada caqabadaha ku ah meesha ka saarto si dha llinyaraddu xogooda iyo hamigooda siyaasadeed umuujiyaan, waana xafiis aan isagu siyaa sad ku shuqul lahayn. kuna koobnaan doona oo kaliya wixii loo aasaasay.

Ururada siyaasaseed ee dhallinyarada u muujiyay dareenka wanaagsan ee ku taammaya in ay safka hore ka dhigaan, waanu ku hambalyaynaynaa waxaanay mudan yihiin sharaf iyo qadarin, balse waxaanu ka digaynaa in ay kaliya ka noqoto arrin ay ololaha ku galayaan oo ay dhallinyarada cod kaga doonayaan, waxaanan ugu baaqaynaa in ay dhallinyarada xoo gooda ka faa’iidaystaan oo ay fursad u siiyaan ay ku hogaamin karaan ururada si ay talada dalka qaybtooda kaga aadan uga guntadaan.



Allaa Mahad Leh





Guddoomiyaha Dallada Dhallinyaradda

Heer Qaran ee SONYO

Axmed Cabdi Wacays

Hargeysa, Somaliland