Warsaxaafadeed



JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email:afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@hotmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com



Date: 14/04/2011



Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxwe yne ku Magaacabay laba Masuul oo kala ah Maareeyaha Hay'adda Korontada JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.



Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi, Sidan:-



Markuu Arkay: Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee Dastuurka JSL.



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay?adda Korontadu u leedahay Dhismaha Qaranka.



Markuu Arkay: In baahi loo qabo Buuxinta jagada Maareeyaha Hay?adda Korontada.



Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa Shaqo.



Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo Xilkan loo Magacaabay.



Wuxuu go'aansaday



1-In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga Bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay'adda Korontada JSL.







Markuu Arkay: Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee Dastuurka JSL.



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimaha Guud ee Wax-barashada u leedahay Dhismaha Qaranka.



Markuu Arkay: In baahi loo qabo Buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wax-barashada .



Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa Shaqo.



Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoona u leeyahay Xilkan loo Magacaabay.



Wuxuu go'aansaday



In Mudane, Maxamed Xasan Gaani, laga Bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.











ALLAA MAHAD LEH






Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL