Warsaxaafadeed



JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email:afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@hotmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com



Date: 14/04/2011





Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxwe yne Xilalkii kaga Qaaday Maareeyaha Hay'adda Korontada JSL. Mudane, Xasan Cismaan Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare Mudane, Cali Maxamed Cali.



Waxaanu Madaxweynuhu Xilka Qaadistiisa ku yidhi Sidan:-



Ka dib markii cabasho isdaba-joog ahi ay ka timi kaalintii shaqo ee aad qaranka u hayseen waxaan gartay in aan xilalkii idinka qaado, una magacaabo cid kale oo xilkaa hanan karta, Aniga oo idinka Mahad celinaya mudadii aad shaqada u soo hayseen Qaranka.



Madaxweynuhu waxaa uu farayaa Wasiiradda wasaaradda hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka iyo Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare in ay Afartaa masuul u kala wareejiyaan xilalka mareeyaha Hay'adda Korontada ee JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.





ALLAA MAHAD LEH




Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL