War-saxaafadeed

Taariikh:11 June , 20-11
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku
xusan,Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda
shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo
Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu
madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasii rada iyo
Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu
Digreeto ma daxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka
Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Was aarada Dhalinyarada iyo
Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaarada ha,
waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin
lahayd.
Waxaanay kala yihiin sidan
Magacyada Masuuliyiinta Cusub Magacaabida Wasaarada loo magacaabay
1. Cabdirisaaq Cali Cismaan Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda
Dib-u-dejinta
2. Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay) Waxa loo magacaaba Wasiirka
Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga
3. Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Waxa loo magacaaba Wasiiru
Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda
4. Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada
Madaxtooyada
5. Cabdi Siciid Faahiye Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha,
Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6. Maxamed Saqadhi Dubad Waxa loo magacaaba Taliyaha Ciidanka
Booliiska JSL
7 Xuseen Axmed Caydiid(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud) Waxa loo
magacaaba Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
8. Ismaaciil Muumin Aar(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada) Waxa loo
magacaaba Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
9. Maxamuud Raage Ibraahim Waxa loo magacaaba Agaasiamah Guud ee
wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah
10. Axmed Dalal Faarax Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Duulista Hawada
11. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
12. Maxamed Faarax Xirsi Waxa loo magacaaba Agaasimaah Guud ee
Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga
13. Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta
14. Siciid Axmed Jibriil Waxa loo magacaaba Agaasiamaha Guud ee
Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta
15. Axmed Cilmi Barre Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Dib-u-dejinta
16. Xasan Cabdi Madar Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Madaxtooya da
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay
xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo
Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday
No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1. Cilmi Rooble Furre Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL
2. Maxamed Ibraahim Madar Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada
iyo Dhaqanka
3. Siciid Cali Wayrax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda
Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4. Axmed Nuux Caalin Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha
iyo Tamarta
5. Axmed Cabdilaahi Rooraaye Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda
Dib-u-dejinta
Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo
isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu
dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|