SHIRKA CAALAMIGAA EE DAHAB SHIIL AYAA HADALO RA QIISA KU TILMAANTAY WAXYAABO AY QOREEN QAAR KAMIDA WEBSAYDYADA SOMALIDA

 



 



Hargaysa (TNN)-Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda Dahabshiil.

Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shir k adduu saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waan toobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano g aar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaanin lagu waxyeeleeyo dh aqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yah ay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.
 


Sidaa darteed:

1.Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2.Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3.Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4.Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.
 


-Allaa Mahad Leh –

 



Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center