Warqad furan oo ku socota M/waynaha cusub ee S/land Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 


Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Asallaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabara kaatuh.


Mahad illaahaybaa leh S.W, inoo suura galiyay in doorasho xor iyo xalaal ah inoo qabsoonto.
marka labaad hanbalyo ayaan ku soo dirayaa adiga, dadka kula shaqeeyay, iyo dhamaanba shacbi waynaha reer somaliland ,inkastoo aanu xilka aad qaaday ahayn mid lagugu  hanbaly eeyo ee uu yahay mid laguugo duceeyo hadana waan ku hanbalyaynaya maadaama aad ku faraxsantahay hadafkaaga aad gaadhay.

Mudane M/wayne waxan halkan ku soo bandhigaya fikrad qaali igu ahayd muwaadin ahaan iyo ,xisbi ahaanba (aniga oo ah taageerayaasha xisbiga kulmiye),waxan soo jeedinayaa ina ga oo ka faaiidaysanayna tiknoolajiyada , in aynu yeelano goob ama meel aynu isku  wayda arsano,oo aanu anaguna shacbi ahaan u soo gudbinayna xukuumadaada wixii tallo ,tusaale iyo dhaliilo ah.sida m/wayne Maraykanka Barak husseiin Obama iyo Raysal wasaare dalka M alaysia Datuk seri Najiib bin tun Razak.

Mudane M/wayne wax yar an kaa xasuusiyo dawladihii kaa horeeyey horumarkii ay  somalila nd gaadhsiiyeen ee ay maanta ku amaanan yihiini aniga oo ku bilaabay siday u kala  horeeye en:

Marxuum cabdiraxmaan Axmed Cali
(tuur)= oo ku amaanan laguna xasuusto gooni isku taa ga qarannimada somaliland.

Marxuum Maxamed X.ibrahim Cigaal= oo inooga tagay Nabada iyo Dawlad nimada ay maanta ku faanto somaliland.

Mudane Daahir Riyaale Kaahin= hirgalinta dumuqraadiyada iyo doorashoonkii ka dhacay somaliland .

Mudane M/wayne waxan u soo qaatay baraarujinta iyo xasuusinta in aan soo bandhigo in  m aanta somaliland ayna u baahnayn dib u noqod ,ee ay u baahan tahay hore u socod ,oo  laga aga fadhiyo wixii taariikhda aanu ku galin lahayn,taasina waxa lagu gaadhaa in talada dalka la wadaago sidan kor ugu soo bandhigay ee ayna dad gaar ahi gacanta ku hayn,taasi oo ah midii ay somali wayn eeday,waana ta la hadhay wadamo badan oo africa iyo aduunkaba ka mid ah.

Mudana madaxwayne waxa la yidhi Ninka raga markay gabadhiisu foolanayso in uu umasha aad uga war war badan yahay,anaguna hadaanu nahay taageerayaasha xisbiga kulmiye in aanu adiga kaaga war war badnayn rajada aynu wada filaynay,iyo guusha aynu maanta si guud iyo si gaar ahba u wada gaadhnay.

Mudane M/wayne aniga oo og taariikh nololeedkaaga,og aqoonta aad leedahay,og xilalka  a ma masuuliyadaha aad hore uga soo qabatay dawladii Somalia iyo Somaliland,waxan ku rajo waynahay in aad ka soo bixi doonto xilka aad qaaday ,fulin doonto balamaha aad u qaaaday shac biga ku doortay,soo dhiso doonto dawlad tayo leh oon ku dhisnayn reer hebel iyo  oday aal kaa codsada in aad hebel meel u gayso, balse ku dhisan yaa hanan kara ,yaa aqoon u leh xilka loo dhiibayo.Marxuum cigaal wuxu odhan jiray dawladu xul maaha ee waa xal,adiga  ay uu wakhtigu kugu simay maanta in aad tidhaahdo maanta xal maaha ee waa xul.

Mudane M/wayne ugu danbayn tii waxan Illaahay S.W ku waydiinaya in uu ku hirgaliyo oo uu kula garab kalo xilka aad umada reer Somaliland u qaaday.

Salaamu calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuh.

 

 

 

 

Cabdilaahi Sayid Xuseen Abokor
Brussels ,Belgium.
csayid@hotmail.com