|
WAR-MURTIYEED
Asalaamu caleykum dhammaan Bulshada reer Somaliland,
War-murtiyeed.
Waxanu qaar ka mid ah mareegaha ku aragnay nin Camara sita oo dadka
reer UK afka ugu ridaya hadallo been abuur ah oo sheegaya inu
safiirku joojiyey Bannaan bax ay dadweynaha reer Somaliland ka samayn
lahaayeen UK 18 May 2013.
Waxanu halkan ku caddaynaynaa inaanay haba yaraatee jirin cid soo
qaban qaabis ay bannaanbax oo u timid Safaaraddu, Isla markaana aanay
waxba ka jirin wararka noocaas ah ee shabakadaha qaar lagu baahiyey
oo loola jeedo in lagu dhex tuuro bulshada si loogu kala qaybiyo.
Waxay safaaraddu mar kale u caddeynayneysaa dadweynaha reer
Somaliland inay ku taageereyso wax kasta oo ay jaalliyaddu ku
muujineyso qaddiyaddooda lama taabtaanka ah maalintaa qaran ee
qaaliga ah.
Waxananu uga digeynaa dadweynaha reer Somaliland inay fiiro gaara u
yeeshan shaqsiyaadka jecel inay falal kala fogeyn ah ku soo dhex
tuuraan dadka.
Kuwa maanta leh muddaharaad baa lays hortaagay waa kuwii aan ka soo
daahirin isla markaana ka soo horjeeday Muddaharaadkii taariikhiga
ahaa ee aynu la hor tagnay Baarlamanka EU-da. Markaa bushada waxanu
ka codsanaynaa inay iska jiraan shaqsiyaadka iska horkeenka
dadweynaha shaqo ka dhigtay.
Safaaraddu waxay bulsho weynta reer Somaliland halkan ugu
caddaynaysaa inay dabbaal degi karaan, mudaharaadi karaan, una xusi
karaan maalintaa qaaliga ah si kasta oo ay qaddiyaddooda ugu
hiilinayaan.
Ugu dambayn waxanu halkan ku caddeyneynaa inaanay dawladdu
magacaabin hoggaanka jaalliyadda ee ay jaalliyaddu xaq buuxa u
leedahay inay doortaan hoggaankooda, Safaaradduna ay la shaqaynayso
marba hoggaanka ay jaalliyaddu doorato.
Guul iyo Gobannimo.
|
|