WAR-SAXAAFADEED
Sida aad la socotaan waxaa caawa kusoo gebageboobay qasriga
Madaxtooyada shirkii qiimay nta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka,
shirkaas oo socday mudo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay
Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan:
1. Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii
sano ee la soo dhaaf ay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka
ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo...
2-Shirku wuxuu isla qaatay in la
fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.
3. Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo
saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.
4. Shirku wuxuu isla qaatay adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka
argagixisada/budhcad-ba deeda iyadoo kor loo qaadayo tayada
Hay’addaha amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.
5. Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari iyo
Buuhoodle laga sii wado nabada ynta iyo maamul-fidinta, iyadoo
xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.
6. Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta iyo
kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha
Cadaaladda iyo madax bannaanida garsoorka.
7. Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si
xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo
kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka
faqriga.
8. Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo
heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka
cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga
iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo
iyo tix gelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.
9. Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka
lana illaaliyo degaanka.
10. Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi
buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo
diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi
fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida
Afri ca, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU
iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo
doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.
11. Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda
2013 ku salaysnaato, xo ogana la saaro nabadgelyada, horumarinta
Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibed da, Horumarinta
Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle), kor u qaadida
shaqo ab uurka iyo wax-soo-saarka.
12. Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo
xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka
go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qa bsoomaan si
nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.
Afhayeenka Madaxweynaha JSL
Axmed Saleebaan dhuxul
|