Wariyihii Telefishanka Universal Ee Magaaladda Laascaanood Oo La Dilay

 



Dilka wariyaha ayaa Warar kala duwan oo ka soo baxay ay sheegayaan in Dilka loo......


Laascaanood (TNN) - Alle ha u Naxriistee Waxa xalay lagu dilay Magaalada Laascaanood oo ka tir san Somaliland Wariye Axmed Saakin Faarax oo ahaa Wakiilkii Tefishinka Universal uga soo w arami jiray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dilka wariyaha ayaa Warar kala duwan oo ka soo baxay ay sheegayaan in Dilka loo geestay Wariyaha uu ahaa mid qorshaysan oo ay fuliyeen Kooxo Hubeesan oo aan heebtooda la gar an iyadoona wali aan faah faahin dheeraad ah laga helin dilkan oo dhacay goor habeenimo.

Axmed Sakiin Faarax ayaa waxa uu ahaa Wakiilka Rasmiga ah Telefishinka Universal ee Xarun tiisa tahay Dalka Britain ugu soo warami jiray Magaalada Laascaanood.

Lama Ogo sababta loo dilay Wariyaha, balse waxa uu dilkiisa qeyb ka noqonayaa Beegsiga iyo Ugaadhsiga suxufiyiinta iyo masuuliyiinta gobolkaasi.


 



Timacade News Desk
Laascaanood,Somaliland