War Deg-Deg ah: Wariyayaashii Baryahanba u Xidhnaa Sharci Darada oo
la Siidaayey
Iyadoo ay Bari ku Beegan tahay Maalinta Xuquuqal Insaanka Aduunka ee
10 December 20 13 ayaa waxaa Sii Daayey Ururka Xuquuqal insaanka
Qaranka iyo Wasiirka Waxbarashad a.........
Hargeisa (TNN):-Madaxa wararka ee BulshoTV Siciid Khadar,
Cabdisalaan Cabdirashiid oo ah Sawir qaade ka tirsan Bulsho TV,
Sawir qaade Xasan Maal dhidar oo Universal TV ka tir sa iyo
Tifaftiraha Xogreebnews Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa Xoriyadoodii
dib u helay maa nta duhurkii ka dib todobaad ay Saldhiga dhexe ee
Hargeysa ku xidhnaayeen.
Weriyeyaashan ayaa Boolisku xidhay wakhti ay qayb ka ahaayeen
Mudaharaad warbaahin ta madaxabanaan ee Somaliland kaga cabanaysay
sii daynta Nin horaantii Sanadkan weera ray Xarunta Hubaal oo
Xukumaddu sii daysay.Xukumadda ayaa ku Eedaysay 4 Weriye ka qayb
qaadashada Mudaharaad aan Sharci ahayn.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha
Komishanka Xu quuqal Iisaanka Qaranka Fadxiya Jaahuur ayaa Damaanad
ku sii daayay Afartan Weriye.
Dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, Xisbiyada Mucaaradka ah ee
Somaliland iyo warbaahinta ayaa Sharci darro ku sifeeyay Xadhiga
Weriyeyaashaasi.
Jimcaale Dayib
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
jimcaaledayib@gmail.com
|