Wargeyska Indian Ocean Oo war bixin ka qoray lool anka KULMIYE ee Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi

 


Hargeysa (TNN):-Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay soo baxay wuxuu war bixin ka qoray loolanka ka taagan shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee qabsoomi doono 10 November 2015. Wargeysku, wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ah 80 jir a anu doorashada dambe tartami doonin, isagoo wargeysku sheegay in tanaasulkaas Mad axweyne Siilaanyo qarxiyay loolanka ficilka ku salaysan ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yo onis oo ah wasiirka khaarajiga iyo Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse Biixi isku hubo kalsoonida in Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisa Aamina-weris ay taageeri doonaan. “26 September wuxuu Madaxweyne Siilaanyo la kulmay odayaasha Beeshiisa Habarjeco waxaanu weydiistay inay ku daba f aylaan Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hoggaamiyaho oda ahna madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.” ayay tidhi warbixintu, waxase uu wargeysku tilmaamay in haddii uu Muuse ku guulaysto musharaxa KULMIYE ay siyaas iyiin culusi ka bixi doonaan xisbiga una wareegi doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Wad dani, “Hase yeeshe haddii uu Muuse Biixi noqdo musharaxa madaxweyne ee KULMIYE, siyaasiyiin culus ayaan ka gaban doonin inay u wareegaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.” ayay tidhi warbixinta wargeysku.