Wareysi: Xog-hayaha Arrimaha dibada ee Kulmiye oo ka Waramay guusha Doorashada Somaliland

 



 

Hargeysa,June 30 2010 (TNN)-Xogahayaha Aarimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxam ed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay Doorashadii Somaliland ka dhacday ay ahayd mid Taariikhi ah, dawladda cusub ee dhalanaysana looga baahanyahay inay gushaasi u rogto guul  siyaasa deed oo midho dhal ah. Sidaana wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyey Wariye Shiine Cilmi  Kaah in oo ka mida Shabakadda SDWO waraysgaasina wuxuu u dhacay sidan:

S: In kasta oo aad qurbaha in badan ku maqanayd sided u aragtaa Doorshadii Somaliland?

J: waxa runtii wax aad loogu farxo ah in u diyaar garawgii Doorshada ka horeeyey uu u socd ay si aad iyo aad u wanaagsan, xisbiyada qaranka, komishanka doorashada, dadweynaha iyo saxaafaddu ay si wada jir ah oo nabada ilaalinaysa u soo wadeen hawsha, maalintii  doorash ada waxay u dhacday si aad u heersaraysa,waxaana ka muuqatay xilkasnimo iyo wadan  jac ayl. Arrimahasina waxay ka soo baxay warar badan oo ay soo saareen goobjoogayaashii, ca alamka ka socday, taasina waa waa guul u soo hoyatay Somaliland, waxa qudha oo hadhay waa in lagu dhawaaqo natiijadii oo aanu filayno inay dhakhso u soo baxdo.

S:Haddii aad ku gulaysataan doorshada rajo intee le eg baad ka qabtaa inuu xisbigiinu soo dhiso dawlad tayo leh?

J: Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talo jiraa inuu soo dhiso dawlad tayo leh oo dalkan ku wax ka  be desha, sidaad ogtahay dalka waxaa ka jira baahiyo fara badan oo leh xag Waxbarasho, xag bulsho oo dalku wuxuu leeyahay baahihiyo fara badan gudo iyo debadba,xisbi ahaan waxaanu ku talo galnay in loo sameeyo hogaan fiican oo wax weyn ka qabta.

S: Haddii xisbigu kuu doorto xoghayaha arrimaha Debadda maxaa kuu qorshaysan Boqolka cisho ee ugu horeeya?


J: sidaan horeba u sheegay dalka waxa horyaala baahiyo badan, dawlada uu soo dhisayo  Mu dane Siilaanyo haddii uu guulaysto, waxay soo bandhigtay barnaamaj ay ku soo gashay  Ololi hii Doorashada, kaasoo ahaa barnaamij siyaasadeed qeexan, kasaananu ku hawlgalaynaa  ha ddii ay tahay gudaha iyo dibadabada. Haddii uu xisbigu guulaystana wuxuu dhisayaa dawladdii qaranka oo ah mid balaadhan ee maaha mid xisbi, qarankii oo dhan baana loo baahan yahay inuu wada shaqeeyo oo gacmaha la is qabsado si looga midho dhaliyo, himilooyinka qaranka ayaana loo baahanyahay in meel loga soo wada jeesto, sidaasaanan rajaynayaa inay noqoto.

S. Waxaad ka mid tahay qurba jooga, dawladda hadda jirtaana xidhiidh fiican lamay lahayn jaaliyadaha maxaa idiinka qorshaysan xidhiidhka jaaliyadaha?

J: Arrintaasi wa mid jirta, xsibiga Kulmiyena taageero badan buu ku leeyahay, markuuse talada qabto maaha xisbi ee waa mid qaran, qurbajooguna waa mutacalimintii dalka, markaa waxaanu doonaynaa inaanu wadatashi joogto ah la yeelano si ay uga qaybqaataan horumarka iyo ka shqaynta danaha Somaliland.

S: Doorshadan caalamku inagu hambalyeeyey maxay ka taraysaa aqoonsiga Somaliland?


J:Doorshadani waa mid taariikhi ah, waa doorsho qiimo iyo qayo leh oo mujisay bisaylka dadka reer Somaliland iyo xisbiyadaba, caalamkana wuxuu ku noqday lama filaan, agar ahaana dalalka jaar aynu nahay, waana guul aan laga qaadi karayn reer Somaliland, balse dawladda dhalanaysa ayaa laga rabaa inay guushaa u rogto mid laga midho dhaliyo oo ay ka dhigto guulo siyaasadeed iyo kuwo Dhaqaale, waxaanan rajaynayaa inaanay adunyadu iska indho tiri doonin waxa ay qabsatay Somaliland, waayo aduunku maslaxado badan ayuu ka leeyahay geeska Afrika.

S: waxa jirta in aad looga cawdo gudida nabadgelyada oo sarajooga ku xukunta dad an waxba galabsan, maaxaa idiinka yaala gudigaasi?


J:Gudigan nabadgelyada ee xukuumadda ee haatan jirtaa maaha mid si sharci ah u shaqaysa, mana aha oo waanu ka soo horjeednaa in muwaadin xoriyadiisa laga qaado, mana aha mid sharci ah, oo sharcigeeno wuxuu dhigayaa in aan muwadinka la hayn Karin haddii aanay maxkamadi xukumin, meelaha uu sjarcigeeno qabyada ka yahayna waxaanu isku dayeynaa inaanu saxno.

 


Source:SDWO