wareegii labaad ee dorashooyinka madaxtooyada dalka faransiiska
oo la soo gaba gabeeyay
Paris (TNN)- Wareegii labaad ee doorashada madaxwaynaha Fransiiska,
ayaa soo gabo ga bowday saacad ka hor ,taas oo lagaga adkaaday
Madaxwaynihi talada hayay mudane Sa rkoosi , khudbad uu hada
jeediyay ayuu ku sheegay in laga guulaystay isaga oo ku hanba
lyeeyay ninka ka guulaystay, Mr Faranswaa Holand ,oo ilaa hada inta
la sheegay tirada la tiriyay ee cododkii dad wayna ku guulaystay 51%
,halka uu Sarkoosii helay 48% .
Arintani ayaa noqonaysa tariikhda
Fransiiska marki labaad , ee madax wayne xilka haya la ga guulaysto
,iyada oo ah markii ugu horaysay ee madaxwayne talada haya lagaga
gacan sareeyo wareegii hore ee doorashada.
Isku soo wada duuboo ,hada waxaa
aad looga dareemayaa dhamaan magaalooyinka waa wayn ee dalka
Fransiiska damaashaadka iyo farxada tageerayaasha Sooshiyaaliiska oo
aad u faraxsan ,wixii danbee ka soo kordha saacadaha soo socda ayaan
idiin soo gudbin doona.
Mohamed
Ahmed Osman (Indho)
Wariye madax banaan
Paris , France
|