War-bixin Xiiso Leh: Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed
Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Loo Gaystay
Somaliland

Taariikhdu waxbay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa......Dhacdo kasta oo
dunida ka dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada
leh ee ay ka mid yihiin Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu
bartilmaamaysto Isir iyo Qo omiyad gaara oo aan waxba galabsan.
sida caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta
ha qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto.
Waxa jira Hadal Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu
maahmaaho, kaas oo ah*Cuqub halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa*
Dulucda Murti du xambaarsantahay ayaa ah Danbi kasta halkii
lagu galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama
waa la ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw labo
sano ayaa xaflad soo dhaweyn ah la gu qabtay Xarunta Golaha
Wakiilada Somaliland, Xafladaa ayaa lagu maamuusay oo lagu soo
dhaweeye Duuliye S oomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa
iyo Hareeraheeda oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka
sii qaxaayey dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu
dayaarada ku siday ku daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey
Jabuuti. Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo Xafladaha ay taariikhdu ku
xustay, waxa ka dha w oo iyana ay taariikhdu maanta xusaysaa
Duuliyeyaashii Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada
ah ugu garaacay Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii
qaxaysay, kuwaas oo Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka
soo jeedeen aan ku bayaamindoono Qoraalkan badhtankiisa iyo
Gabogabadiisa-ba.
Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo
Xasuuqii Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yac abka ahh uu ka
gaystay Gayiga somaliland maaha mid hal qormo lagu soo koobi-karaayo.
Haddaba waxa aan qor madan ku soo qaadanaynaa maanta Kaalintii
Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii
Shishe eyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye
Somaliland.
Sanadkii-1983...Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u
siisay 14 Dayuuradood oo noocoodo ka la ahaa:10 dayaaradood oo
ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood oo ahaa nooca loo yaqaano Islander.
Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday khubaro aqoon u leh
dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay
tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama
Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoo se yihiin Ahmed
Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad Bare iyo inta ka ag
dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray. Mr.
Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas
Naas-nuujin ah ku helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka
Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu yahay*Seimarcceti super petrol nooca
Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu siiyey Jama-Buluug
in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4
Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku
darso oo waliba waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii
Cunsuriga ahaa ee la odhan jiray Aparthied.
Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu
milmay Taliskii Ciidankii Cirka ayaa xafiis ka furtay saldhigii
dayaaradaha ee B alidoogle oo u dhawaa Baydhabo, halkaas waxa laga
abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Afr ica laga
keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa:
Gaashaanle Sare:
Duuliye Ali Ibrahim Ahmed.....Banaadiri.
Gaashaanle:
Duulie Mohamed Warsame Mooto....Dhulbahante.
Gaashaanle:
Duuliye Maxamuud Mad Khaliif.....Raxanweyn.
Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa
Sherkedii Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii
Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa 600,000 US Dollor. lacagtaas
waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la odhan jiray
Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii
Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca
Dhoodimeer waxa uu ka turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla
weynidii dalka jirtay sebenkaas.
Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku
qaran...
Dhoodi-Meer LTD COMPANY
Account Number 140/1/02494515
National Westminster Bank
1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE
BERKELEY SQUARE
LONDON W1X 6AX
UNITED kINGDOM
Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka
qariyey isla markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro
Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey in uu ka hortago wax kasta oo beentaa
qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye
Faarax Siciid (Majeerteen) oo
ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa
iyo Gaashaanle sa re Mohamed Adan Dirir
(Mareexaan) oo isna ahaa Taliyihii
Ciidanka cirka ee Berbera ayaa ku
dalbaday Duuliyayaa shii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay
duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo wixii ay arkaan, si ay
u h orjoogsadaan Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia.
Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd in uu Duni da ka qariyo
xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka.
Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka
ee Hargeysa oo isagu ahaa ninkii gacanta ku hay ey hawlgelinta
Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku balaadhatay u habarwacday
taliyeyaashii saldhigyada ciidan ka cirka ugu waa-weynaa
ee ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo.
Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf /Majeerteen) taliyihii
ciidanka Cirka ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha
noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo Gaashaanle sare Duuliye Ali
Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee Baydhabo oo
isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg
ah uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta
ahaa ee hore u socday.
Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar
ayaa markay arkeen ama ka war heleen Gu rmadka Dayaaradaha ah
niyadoodii si la yaab leh kor ugu kacday, waxaanay aamineen in
iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la abaabulay duulaan
cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u
qax een iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa
markiiba sahan loo diray dayaaradaha CESNA
oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa:
1-Duuliye Ahmed Mohamed MaHamoud (Mareexaan)
2-Suufi Jeylaani Maxamed
(Barawaani)
3-Faarax Xaaji Salaad
(Majeerteen)
4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen)
5-Xasan Yare.....(Ogaadeen)
Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo
afjaro halgankii SNM., Duqayntii cirka iyo dh ulkaba waxa ay
si xidhiidha oo aan kal-g'olahayn habeen iyo maalinba u socotay
muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed
Maxamoud *Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu
duqe eyey goob kasta oo uu ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa
Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi jir in. ninkaas oo
Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo
Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii
Kaalinta kowaad ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay
Somaliland iyo Shacabkeedii.
Gaashaanle dhexe
Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto*
(Dhulbahante) ayaa isna qaatay kaalinta
labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay
Gaashaanle Sare
Duuliye Mursal Muufo (Hawiye..Abgaal). Mursal waxa uu ku
duuli jiray Mig 19.
Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga
Somaliland waxa ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran.....
1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf
(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka
ee Balidoogle.
2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen)
Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa.
3-G/sare Maxamed Adan Dirir
(Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee
Berbera.
4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed
(Majeerteen)....Duuliye Mig 17.
5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*(
Abgaal)........Duuliye Mig 19.
6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)............Duuliye
Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo
dhacday....Cilad-farsamo
7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim
(Samaroon)............Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday
8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori
(Ogadeen).............Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday
9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)................Duuliye
Mig 19, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo
dhacday.....Cilad-farsamo
10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax
(Mareexaan).............Duuliye Mig 19
11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji
(Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii
Salidhiga Baydhabo.
12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame
(Dhulbahante)......Duuliye Hunter.
13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq
(Raxanweyn)............Duuliye Hunter,
ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.
Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la
galeen Jabhadii SNM, ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka
fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday in magac mooyee aanay Aqoon
durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha dagaalka, waxa la
ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay
h orjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka
Itoobiya u qaxaayey.
Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii
Shisheeyaha Calooshood u Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii
Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen dagaalkii. Jama-Buluug oo
Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay
Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano
iyo hal dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa
la dajiyey Guri dabaq ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex
(Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar Ismaaciil*Casaro* (
Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga
Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie
Robanson oo Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu
ahaa CESNA laba Mator-lay oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay
Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq Afgasho...*flight code:
five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd daabulka
Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga
soo kirays tay South Africa iyo
Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan
danbiile ee hoos ku qoran.
1- J.R. Blythe Wood......Pilot.
2- M. Shegnuller...........Pilot.
3- D.R Jakson..............
Chie Engineer.
4- K.Jonnes.................
Engines.
5- C.D Balfour...............Armaments.
6- J.D. Hurrel................Airframes.
Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada
Calooshood u shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku
bedbedelijiray. Calooshood u shaqaystayaashu marka ay hawda ku
jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen Code Names ahaa
Jama iyo Diini.
Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah
Gumaadeen Hanti badan burburiyeen ha ddan aakhirkii lafahoodii ayey
u baqeen oo wey soo carareen. Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u
jaray dayaaradii uu watay ayuu isna Baarashuud ama Dallad kaga
booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la yidhaahdo
Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la
weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal
la macno ah Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa
Dhaama* ........ Dhamaad.
Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb
waxaan ka soo xigtay Buugga la
yidhaahdo Sababihii Bur burkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu
yahay Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku deeqay Shakhsiy
aada-ka hoos ku qoran.
1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed
(Barawaani)
2-Idiris Shide oo
ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle.
3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer
ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii.
4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka:
Sare/Guuto...Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq)
Waxa soo diyaariyey wakhti badan iyo Maalba ku bixiyey:
Osman Abdillahi Sool.....Freelance
Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
|