Warbixin
Waftigii UCID Ee La Kulmay Dadwaynaha Reer
Washington-DC
Waftigii xisbiga UCID ee uu hogaaminayey Dr. Mohamed-Rashiid SH.
Hassan oo booqasho ku yimid North America (USA & Canada) ayaa
maalinti Sabtidii aheyd ee bisha February 14, 2009 la kulmay
dadwaynaha Somaliland ee ku nool Washington, DC iyo nawaxigeeda
(Maryland iyo Northern Virginia).
Xubnaha waftiga ayaa uga waramey dadwaynahaas ka soo qayb galey
xafladii xaalada dalka Somaliland ku sugan yahey iyo doorashooyinka
dalka ku soo fool leh ee xisbiga UCID ka midyahey sedexada xisbi
qaren ee ku loolamaya madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeenka
doorashadaas oo ku soo beegan March 29, 2009.
Markii ugu horeysey waxa warbixin dheer ka bixiyey xisbiga UCID iyo
arimihiisa dibada Xoghayaha xisbiga UCID u qaabilsan arimaha dibada,
Mudane Ahmed Hussein FagFagaash. Mudane Ahmed wuxuu ka waramey
siyaasada ku wajahan geeska Africa, Middle East iyo wadamada la
dariska ah Somaliland. Isna waxaa halkaa warbixin dheer oo qaaye leh
ka soo jeediyey Xildhibaan Naasir Haji Ali Shire oo u qaabilsan
xisbiga UCID xaga siyaasada. Xildhibaan Nasir oo ka waramey xaalada
dalku maanta ku jiro iyo xaga arimaha sharciga. Xildhibaan Nasir
waxaa kaloo ka waramey doorashooyinka dalka ku soo foodleh iyo
diiwaanglintii hada dalku soo marey. Isla markaa waxaa kaaloo
warbixin qaayo iyo qiime lah bexisey Marwo Caasha Hussein
“Mareykan”oo ah xoghayaha guud xisbiga UCID qaarada Yurub waaxda
dumarka oo ka mid aheyd waftiga ayaa ka warentey qaybta wayn ee
haweenka Somaliland kaga jiraan halganka wadenka iyo howlaha ay ka
wadaan xisbiga UCID.
Marwo Caasha oo sheegtey in xisbiga UCID uu had iyo jeer xisbigau ka
qayb galiyo wada tashiga iyo waxqabadka dalka dumarka iyo dhamaan
bulshada reer Somaliland sida; dhalinyarada, haweenka, ardeyda
dugsiyada/jaamacadaha iyo dadka laga tirada baden yahey. Marwo
Caasha waxay kaloo ka warentey waxqabadka xisbiga UCID oo kaga jiro
qaarada yurub tusaalena ay u soo qaadatey shirwaynihii ka qabsoomey
London, UK oo ay soo qabanqaabiyeen gudida xisbiga UCID ee UK. Marwo
Caasha waxay ku guubaabisey dhamaan dawaynihii reer Somaliland ee ka
soo qayb galey xafladan gaar ahaan haweenka in ay wax la qabsadaan
xisbiga UCID sababtoo ah xisbiga UCID waa xisbiga kaliya ee maanta u
ogal haweenka Somaliland in ay ka qaybqaataan maamulka sare ee
dowlada una qoondeeyeen ilaa 5 jago hadii xisbigu ku guuleystaan
doorashada.
Kadib waxaa madashaa lagu soo bandhigey waxqabadkii xisbiga UCID ka
qabteen wadenka Somaliland iyo howlihii ay ka qayb qaateen madaxda
maamulka xisbiga UCID, hadey aheyd doorashooyinkii dagaanka,
xildhibaanada, iyo doorashadii madaxwaynaha. Waxa kaloo ku jirey wax
qabadkaa sida xisbiga UCID uu had iyo jeer ugu jiro dadaalka ummada
reer Somaliland. Hadey noqoto xaga caafimaadka, tacliinta,
nabadgalyada, arimaha bulshada, iyo aqoonsiga Somaliland. Waxa kaloo
lagu soo bandhigey booqashooyin ay madaxda xisbiga UCID ku gaadheen
gobalada, magaalooyinka, dagmooyinka dalka, xarumaha caafmaadka,
agoomaha, iyo ciidamada qalbka sida ee ku jira xaga safka hore.
Dadwaynihii aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen gulas, waqabadkii iyo
warbixintii kala duwanayd ee lagu soo koobey qalabka DVD ah kana
waramayey xisbiga waxqabadkiisii iyo halganka dheer ee xisbigu ugu
jiro Somaliland.
Waxa kaloo hadal dheer oo aad iyo aad loogu riyaaqey ka soo jeediyey
xafladaa Dr. Mohamed-Rashid SH. Hassan oo ah musharaxa madaxwayne ku
xigeenka u taagen ee xisbiga UCID. Dr. Mohamed waxuu si qoto dheer
uga waramey waxa uu xisbiga UCID uu u taagan yahey, xaalada dalka,
iyo sidii ay xisbiga UCID wax uga qaban lahaayeeen xaalada maanta
dalku ku jiro haddi ay doorashada ku guuleystaan. Dr. Mohamed-Rashiid
waxa kaloo ka waramey in xisbigu hadyo jeer uu la tashado bulshada
dalka: wax garadka gudihiisa iyo dibadiisaba ; culumaadiinka;
odayaasha; macalimiint; ardayda; haweenka, iyo dhamaan umada reer
Somaliland. Dr. Mohamed-Rashiid waxa uu u soo jeediyey dadwaynihii
ka soo qaybgaley xafladaas in ay eegan sedexda xisbi qaren ka dibna
qofkastaa uu eego faraqa u dhexeeya ee jira sedexdaa xisbi. Dr.
Mohamed-Rashiid wuxuu isu barbar dhigey xisbiyada qaren ee dalka iyo
siduu xisbiga UCID uga duwan yahey labada xisbi ee kale; Dr.
Mohamed-Rashiid wuxuu ku tilmaamey xisbiga UCID in uu taageero ka
heysto dhamaan bulshada reer Somaliland. Waxa kaloo ka waramey in uu
xisbiga UCID uu u taagen yahey badbaadadda iyo daryeelka ummada reer
Somaliland.
Ahmed Mahdi
|