Warbixin si Qota dheer uga hadlaysa Habka
Cadaalada Somaliland

 


 

(Maxaad Kala Socotaa Qaabka uu u Socdo Garsoorka Somaliland ) Qaybtii “3aad………….


Warbixinahan oo muddadii 2bada Sanadood ahayd ee aan ku maqnaa Jamhuuriyada  Somalila nd iyo darasaad qoto dheer aan ku sameeyey habka Garsoorka Somaliland iyo Mushkiladaha ku gedaaman waxanaan ka diyaariyey mar hore warbixin hore oo kooban oo aan ugu  magac daray:- Niyadjabka Dadweynaha, Cululufka Maxkamadaha & Muruga Shuruucda-
Qormooyinkan waxaynu ku soo qaadanaynay dhinaca Garsoorka iyo Shuruucda dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Somaliland ku dhaqan, Cadaaladu waa meelaha laga qiimeeyo Horumarka amma Dib-u-dhaca Bulshada.


…. Masuulka ku Gacan siiyaa wuxuu miiraabaa , Miyirkuna ku soo laabtaa markay kusoo dhacdo Dhaxanta iyo Dabaylaha ka soo dhacaya dalooladii uu isagu gacantiisa ku baneeyey iyo doc faruurkii uu dadkiisa kula kacay, waase goorma waa goor xeedhiyo fandhaal kala dheceen oo la kala dalway……maskaxdiisa qaybta xusuusta ay kusoo noq-noqonayso markasta maahmaahdii …................


…..Waxaa loo baahanyahay in Garsoorka dalku noqdo meel dadku ku soo hirto oo Cadaalada loo siman yahay, sharciga hortiisana dadku isku mid yahay, Taasna waxaa lagu gaadhi karaa Garsoorka dalka oo Madax banaan...................

Waxaa dhacda dacwad muddo soo jiidtamaysey oo dhamaad ku dhow in la yidhaahdo hebel ayaa soo dhex galay oo Gacan qarsoon (Masuul Sare) soo dhex gasho, taasi oo dib u dhac ku keenaysa Cadaalada muwaadinkaa loo awood sheegtay isla markaana dhawacaysa go.aankii iyo sharaftii Cadaalada Somaliland.


DHAAWACA CADAALADA IYO DHEELLIGA UMADDA.


Waxaan laba isku khilaafsanayn, damiir kasta oo xumaha ka damqadaana diidaa, nafkasta oo xor ahina ka biya-diidaa waxyaalo badan oo aadanaha hagardaamoyin iyo daannooyin ku ah, hadii lagula kacona uu mudan yahay garna u leeyahay inuu iska difaaco, isagoo ka turjumaya dareenkiisa xorta ah iyo doonitaanka naftiisa, sababtoo ah nafta waxaa ku sidkan ayna u  hil awdaa sinaanta, Cadaalada, Sharaf ku wada noolaanshaha Bulshooyinka oo dhan.

Waxaa kaloo dareenka qofka damiirka caafimaadka qabaa ku jiro ka dhiidhiyaa kana gilgishaa Eexda, Qabyaalada, Cadaalad la’aanta iyo qof gaar ah jeclaysiga,.Dhammaan waxyaalahani waa waa cuduro iyo calaamado ummada haleela, kuna hoobiya Haadaamaha Burburka, Qara n jabka, dibu-dhaca nololeed, iyo kala daadashada bulshaba.

Waxaa suurta gal ah qofka isagu ku kacaya arimaha caynkan oo kale ah ama ka isagu gacan ku siinaya si ay ugu hirgasho in ay sed bursi ku helaan, ama qurus aanay lahayna oo qalada qaataan, iyagoo markaaasi aan dareen sanayn inay siibayaan tiirarkii iyo udub dhexaadkii Bulshadu ku taagnayd la’aantoodna aanay ba jiri Karin.


Dadkaasi waxaa suurta gal ah in wacyigooda aqooneed iyo waayahooda Garasho ka  gaaba nyahay fahanka iyo biya dhaca midhaha Xaraanta ah ee ay guranayaan, gaar ahaan  Masu ulka ku gacan siiyaa wuxuu miiraabaa isagu, miyirkuna ku soo laabtaa markay kusoo dhacdo dhaxanta iyo dabaylaha ka soo dhacaya dalooladii uu isagu gacantiisa ku baneeyey iyo doc faruurkii uu dadkiisa kula kacay, waase goorma waa goor xeedhiyo fandhaal kala dheceen oo la kala dalway, isagoo aad moodo in maskaxdiisa qaybta xusuusta ay kusoo noq-noqonayso markasta maahmaahdii ahayd ( dhubuq- dhubuq hore dhabana hays danbe ayey leedahay

Waxaa loo baahanyahay in Garsoorka dalku noqdo meel dadku ku soo hirto oo cadaalada loo siman yahay, sharciga hortiisana dadku isku mid yahay. Taasna waxaa lagu gaadhi karaa  Ga r soorka dalka oo madax banaan. Oo loo guntado sidii loo hagaajin lahaa waaxda garsoorka ee Somaliland si ay u noqoto waax caddaalad ah oo madaxbannaan, si waddanka looga  badb aadiyo cawaaqib xumada arrinkan ka dhalan karta.

Iyadoo aanay had iyo jeer Cadaaladda dalka u shaqayn sidii la rabay siiba Maxkamada ha.S omaliland.

La Soco Qayta/4aad …… Si dhibkan haysta dadweynaha Somaliland ee Cadaalad darada ay uga baxaan , ayaa xalkoodu ku jiraa in lagu dhaqo umadda shareecada Islaamka si ay u helaan Cadaalad sugan , oo ay umadduna ay aad ugu kalsoon tahay...

Waxaa ka afeefanayaa in ay Arimahanu ay ku saleysan yihiin Badi dhinaca Sharciga oo ay tahay intii ugu fududayd ee aan soo qaadankaraayey, lakiin ay suurta gal tahay in ay wax ka qaldami karaan , dhinac kasta ha noqoto, lakiin muhiimada ujeedadayda ayaa ku saleysan in Cida ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.

-Wa bilaahi Tawfiiq'.-

 

 

Qalinkii , Adan Yusuf Elmi , UK