Warbixin si Qota dheer uga hadlaysa Habka Cadaalada Somaliland

 


(Maxaad Kala Socotaa Qaabka uu u Socdo Garsoorka Som aliland ) Qaybtii “2aad………

..Wadan walba sawirkiisa rasmiga ah ayaa ah , sida ay Cadaalada ugu dhaqmaan ama Cadaaladi uga jirto dalkaasi ....


Warbixinahan oo muddadii 2bada Sanadood ahayd ee aan ku maqnaa Jamuuriyda  Somalilan d iyo darasaad qoto dheer aan ku sameeyey habka Garsoorka Somaliland iyo Mushkiladaha ku gedaaman waxanaan ka diyaariyey mar hore warbixin hore oo kooban oo aan ugu  mag acdaray:- Niyadjabka Dadweynaha, Cululufka Maxkamadaha & Muruga Shuruucda-Qormoo yinkan waxaynu ku soo qaadan doonaa dhinaca Garsoorka iyo Shuruucda dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Somaliland ku dhaqan, Cadaaladu waa  mee laha laga qiimeeyo Horumarka amma Dib-u-dhaca Bulshada.


Haayada Garsoorka ayaa ah Haayada ugu sareeysa dalka dhinaca Cadaalada waayo  laam aha dowlada isma xukumi karaan haddii wax qalooc ku yimaadaan waxaa shardi ah in  qalo ocaa la saxo awoodana uga sareeysana waa iyada waxayna ilaalisaa xeerka qoran ee lagu heshiiyey .


Bilowga ugu horeeya ee Garsoorku wuxuu ka khaldamaa , marka u horeysa waa Saldhiga Booliska siiba OP-ga sida kiiska loo qoro iyo baadhayaasha laftooda waxa muhiima in bilowga halkaas la adkeeyo si looga bad-baado in uu halkaa ka qaloocmo ama ka leexdo iyadoo laga fogaanayo , Cadaalad daro Maxkamadaha ka dhacda oo qaloocaa hore dartii ay sababta noqoto.


Garyaqaanada ama Qareenada : Ayaa sharciyan Somaliland Waxa looga bahanyahay inay wataan Shahaadada sharciga oo uu ka soo qalinjebiyay Jaamacado la aqoonsan yahay ama u leh aqoon u dhiganta oo ku kasbadey khibradaasi ruqsadna u haysta.



Waxaa mihiima in Kuwooda Aqoonta fiican leh looga bahanyahay inay ka qayb qataan  horu marinta Sharciga oo ay ka tageeraan haayadaha sharciga sidii sharciga loo toosinlahaa , sharcigana lagu kala danbayn lahaa , ayna uu difaaci lahayeen dadka aan xuquuqdooda  dif aacan kareyn ee danyarta ah ama jilicsan, sharciguna u noqon lahaa sheyga ugu sareeya wadanka ee lagu kala baxo laguna kala danbeeyo, iyadoo qareenadu had iyo jeer inta  bad an eegaan kharashka uu ka helaayo dacwada , oo aanu muhiimad siinin inuu Gar leeyahay qofka ay difaacayaan isagoo(Garyaqaanka) arkaaya inuu qofkaasi xaqdaro ku socdo oo aanu odhan Karin ka joog xaqdarada aad wax ku raadinayso , oo aanu u nasteexayn, iyag oo u difaaca si indho-adayga isagoo og in uu xaqdaro ku socdo, qareenka waxaa loo  baah anyahay inuu had iyo jeer ilaaliyo miihnada iyo karaamada uu leeyahay ilaahayna uu ka baqo markasta.

Garsoorayaasha : Waxaa sharciyan loola jeedaa sharci-yaqaano si Xeerkan waafaqsan  lo ogu magacaabey hawsha garsooranimo , waxaana looga baahanyahay in ay ilaaliyaan  xe erarka Garsoorka oo aanay jebin xeerarka sharciga Cadaalada ay ku sameyaan dacwada ay qadayaan , Iyadoo Cadaalad-daradu ay tahay mid wax u dhimaysa mihnadiisa Garsoornimo ama ka baxsan Cadaalad loona baahanyahay inay ka baqaan marka kasta Ilaahii abuurtay , iyadoo ay haboontahay in la helo markuu ku kaco fal sharciga ka baxsan ama xadgudub in la helo sharci adag oo xidhaaya oo qabanaya, waxaa jirta Waxaan arkay Garsoore ay ku  ada gtahay shaqadiisu oo dhego Culus oo aan maqlayn badi dhinacyada uu garsoorayo si fiican, taasina waxay u bahanatahay in aad looga feejignaado.

dhibaatada ugu weyn ee dacwadaha Saamaysaa ayaa ah Inta badan had iyo jeer  Dacwad aha waxaa lagu qadaa habka sharciga garsoorka oo ay jiraan xeerar duug ah oo  waqtigo odii la dhaafay oo is-burinaya, waxana ka mid ah Panel Code-ka oo shareecada Islaamka meelo kala socda, meelana ka horimanaya, kana dhashaan xukumo kala duwan, mar waxaad is odhanaysaa mararka qaarkood , Garsooruhu mar waxaad odhankartaa kuma eedaysna ee dhaliisha waxaa yeelanaya Golaha Wakiilada , una baahan in Baarlamanka la horgeeyo oo dhinac uun la isugu lugo duwaa.

Somaliland Denbiyada ugu badan ee ka dhaca ama badi Dacwadaha Somaliland ka socdaa waxa ay u badanyihiin Madaniga Iyo Ciqaab, marka laga reebo kuwa dhaxalka iyo arimaha qoyska ku saabsan .

Madaniga :- waxaa u badan ta dhulka oo dhibaato aad u weyn ku haysa Somaliland, Iyadoo aan aad ula yaabay Dacwadaha Dhulka Sheekooyinkooda una baahan in Madduuc gaara  la ga furo……Iyadoo anaad malayn karin tirada dacwadaha hor dhooban guud ahaan  Maxka madaha Degmooyinka iyo Gobollada Somaliland ee qadiyadaa ku saabsan .

Iyadoo Xeerkii dhulka ay Golaha Wakiiladu ay ansixiyeen , Lakiin Sharciga dhulka ee ay  an sixiyeen G/Wakiilladu, ayaa ah run ahaantii ah mid ka fog xaqiiqda, Tusaale ahaan waxa  jir ay laba xeer oo Baarlamanka Somaliland Hore ee kan ka horeeyey ansixiyey, kuwaas oo  k ala ah Xeer No.80, soona baxay 1996-kii, iyo xeerka dhulka ee No.17, oo la soo saaray  sann adkii 2002-dii iminka kanu ansixiyey, Inkasta oo aanay xeerarkaasi wada daboolayn baahida jirta Somaliland, isla markaana aanay samayn markeedii hore dad aqoon iyo takhasus gaara u laha, haddana waxay ahayeen kuwa bilow iska ahaa, oo Barlamaankanuna kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyey.

dacwadaha dhulku waxay hadjeer keenaan Somaliland isku dhacyo geysta aakhirka dilal ,oo ay soo noqnoqoto , isqabsiga iyo muranada dhulka ayaa sababtedu waxay salka ku haysaa iyadoo dhaqaale ahaan dhulku noqday Geel Cascas ama dhul-boobka oo lagu naanayso (Ku qabso ku qadimayside) , Waxaa dhacda in inta badan loo maareeyo dhinaca sharciga si leexsan oo dhibaato ka dhalato, qofka wax qabsanaya ee ujeedadiisu tahay Ku-Qabso Ku qadi-Mayside aanu lahayn ciqaab adag oo ku dhacda marka danbe ama dhacda in isagu  guu laysto isagoo marmar ay dhacdo inuu garab helo.

Dacwadaha Dhulka dadku si dhibyar ayey Maxkamadaha uga furan karaan dacwad, laguma xidho inta badan dacwad-furashada cashuur buuxda iyo feega maxkamadda oo ay bixiyaan dhinac , Iyadoo tusaale ahaan qofka ku dacwoonaya toban balloodh oo aanu lahayn, Marka lagu xidho in uu cashuuro badan , isla markaana bixiyo feega maxkamadda, way ku adkaan lahayd taasi oo suurtogelin lahayd, in aan si fudud dacwad loo furan Karin, waxaa arkaysaa Dhul laysku haysto lakiin qof ku haysta qofka kale waxaa isticmaalaya qof masuul ah oo isagu aanay u suurta-galayn inuu bedka si toosa loogu arko , lakiin hadhow inta badan soo baxda , haddii ay u suurta-gasho in ay qofka iska leh dhulka ka guulaystaan , wayna kala qaybsadaan dhulkaasi ay sida aan xalaasha ahayn uga hantiyeen Miskiinkii lahaa.

Bulshada Somaliland ayaa dhaqan ahaan uu ku yaraa damacan xoogaystay iminka, waxayna dacwadaha ka door-bidi jireen in ay si fudud dhexdooda geedka hoostiisa arrimahooda ugu dhammaystaan, lakiin iminka isbeddel aad weyni ayaa ku yimi; laba kasta oo haddii ay wada hadlaan heshiin kari lahaa ayey iminka sanado badan kabuhu kaga dhammaadaan dacwad aan dhamaashiiyo lahayn , waa dhaqamadii foosha-xumaa ee inagaga soo neefay  Soomaali yadii aynu ku khasaarnay afartankii sannadood ee la soo dhaafay , Ayax Tag Eelna Reeb,,,.

Dhibaatooyinka damaca dhulka ee Dacwadahaasi markii ay ku bateen Maxkamadihii  Somal iland aad ay u qawadeen dadku Cadaaladoodii ayaa waxaa duruuftu ay qasabtay in  Maxk amada Islaamiya ay ka samaysmaan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo Beelaha dhexdooda oo sameystay Gudiyo iyo Guurti laga soo xulay Beesha dhexdooda si arimaho beesha dhexdoodu ay iyagu sidii Maxkamadaha ugu xaqsooraan si ay uga hortaagan in  aan ay Beesha dhexdeeda dhibaato ugu keenin, aad ayaana loogu guulaystay.

Ciqaabta:-iyadoo ciqaabtu ay farabadantahay ayaa hadana waxaa ugu badan Dilalka inta badan Xukunka Dilalka ka dhaca Somaliland ayaa mara sadex maxkamadood oo ka  bilaab anta Maxakamada Gobolka,Maxkamada Rafcaanka Gobolka,Maxkamada sare Somaliland iyo Madaxweynaha oo aakhirka Soo saxeexa.

Lakiin qofka Eedaysanuhu waxuu qabsadaa Qareen ka difaaca denbiga uu galay sida  shar cigu u ogolyahay ,halka dhinaca kalena qabsado qareen la mida waxaa la dhegaystaa  mar khaatiyada , Iyadoo xeerilaalintu ku soo oogto denbiga uu geystay lakiin waqtiyada ay  qat aan ayaa waxay noqotaa inta badan mudo farabadan oo aan la xamili Karin xaga qarashka ku baxaaya , shuruudaha Markhaatiyada iyo waqtigaba oo shaki ku yimaado xaga  Cadaala da ku saabsan keenta in ay dhibaato kale keento marar badan Ragitaankaa faraha badan oo aanu mudo lahayn.

Inta badan Kiisasku malaha mudo Xididan oo sharcigu u sameeyey oo ay ku dhamadaan , waxaad arkaysaa qof aad weydiinayso mudada uu waday dacwadan oo ku odhanaya Adeer mudo 14Sanadood Ayaan wadaa , waxay kugu noqonaysaa yaab iyo amakaag, Iyadoo Qurbajoogu ay ku adkaanayso inay hawaystaan Waqtigaas iska Furan, halkaa ay ku lunto Xuquuqdii uu xaqiisa ku dhacsan lahaa , inta badan loo soo qoslo iyaga si gaara.

Dadka Taariikhda aad u Xafida Nin ka mida....ayaa iiga sheekeeyey berigii Ingiriiska  maxka madaha Somaliland waxaa isdacweynayey laba nin ……mudadii ay isdacweynayeen ayaa waxaa dhintay mid ka mida labadoodii …. Kii kale ayaa waxaa la yidhi,,,, Maxkamadii ayuu yimi maalintii danbe ..isagoo feylkii weli sita….. dadkii ayaa la yaabay …waxaana lagu yidhi . Eeyaahe hebel ninkii Hebel ee aad is hayseen Wakii dhintaye ,,,waa maxay feylkan aad weli sidataa…. Wuxuu yidhi odaygii ,,, Oo haduu ninkii dhintay miyuu Kiiskii dhintay…

Xaqa Dacwadda iyo Is-difaaca.

Sharciyan waxaa Qof kastaa xaq u leeyahay in uu ka furan karo Maxkamadda Awoodda u leh dacwadiisa si waafaqsan Xeerka ama uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Maxkamadda horteeda haddii Denbi loo soo jeediyey ama laga soo dacweeyey.

Sharciyan Qaranku wuxuu kafaala qaaday in qofka aan awood u lahayn inuu qabsado Qareen dacwad ciqaab ah oo culus oo uu xeerku khasbayo in qareen difaaco ama loo qabto qareen. Iyadoo qofka saboolka ahna laga dhaafi karo ajuurada kaga waajibtey

dacwadda madaniga ah iyo kuwa la dabeecadda ah.


Waxaana Saboolnimadda ajuuradda laga dhaafayo ama qareen loo qabanayo waxa qiimayn ku samaynaaya ama qaraar ka soo saaraya guddoomiyaha maxkamadda dacwaddu hor taallo.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa Qaybtan 2aad.. muhiimada Cadaalada oo ah in laga soo  bi laabo qoysaskeena si ay kor ugu kacdo Cadaaladu, iyadoo wadan walba sawirkiisa rasmiga ah uu yahay sida ay cadaalada ugu dhaqmaan ama cadaaladi uga jirto dalkaasi Bulshadu Somaliland waxay had jeer cabasho xoogan ka muujiyaan Garsoorka iyo haay’adaha  kawa da shaqeeya Cadaalada ee Somaliland.

La Soco Qaybta 3aad…. Waxaa dhacda dacwad muddo soo jiidtamaysey oo dhamaad ku  dh ow in la yidhaahdo hebel (Masuul Sare)ayaa soo dhex galay oo Gacan qarsoon dhex gasho, taasi oo dib u dhac ku keenaysa Cadaalada………

Waxaa ka afeefanayaa in ay Arimahanu ay ku saleysan yihiin Badi dhinaca Sharciga oo ay tahay intii ugu fududayd ee aan soo qaadankaraayey, lakiin ay suurta gal tahay in ay wax ka qaldami karaan , dhinac kasta ha noqoto, lakiin muhiimada ujeedadayda ayaa ku  sale ysan in Cida ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.



-ALLAA MAHAD LEH-
 

 

 

 

Qalinkii , Adan Yusuf Elmi / UK.