Warbaahinteenu waxay ku walaftey waxaan duxi ka raacayn


Dadweynaha ree Hargeysi in ay guryaha guudka uga baxaan oo baadi goobaan ciddii gubeysey, waxaa ku keliftey warbaahinta xilkeedii gabtay ee war iyo wacaal midna ka keeni weydey. Weriyayaasha , ku guuldaraysatay in ay u dhabo galaan cidda ka danbaysa, ilduuftay in ay dabagal, baaditaan iyo u  kuu rgelid ku sameeyaan sobobto iyo ciddii fulineysey, booliiskana gacan ka siiyaan wardoonka.


Hasayeeshee waxaa isweydiin leh, muddo intee le'eeg ayaa dadku geedo fuul ahaanayaan? oo intay indhaha yuubaan oo sar wajiga ururiyaan, baabacada gacmahoodana ku hadoodilaan, saaraan meel ku siman sunnayaasha guudkooda, si aanay cadceedu u sheeqin, oo ay meel fog wax uga bildhaansadaan oo danbiilihii u arkaan. Danbiiliha laftiisu, caqli iyo indhaba wuu qabaaye, markii sidaa la yeelay miyaan loo digin, miyaan la wargelin oo aanu arakeen in la goobayo. Soo far waawey looguma qorin in uu  dhuu nto, amma uu u gudbo Burco, Berbera iyo Boorama iyo tuulooyin iska baraadla' oo halkaa guryo kale ku sii gubo.


Maanta uguma horayso dadweynaha Hargeysa, oo warla'aani hoddey. Waxay xusuusan yihiin in aan mashruucii fadhi ku dhereg, warbaahintu xil iska saarin oo ka seexatay oo goor aan goor ahayn ku  an babertey oo la ogaadey in uu ka daraa mashruuca budhcad badeeda ee shisheeye mooyee sokeeye dhicin.Caku warbaahin baylahadeedii dabooli weydaa, maxay ka canaan nin siyaasada ciyaar gud u  ha ysta, dadka oo la cameeyo, oo ku caana maala qabiil, dadka iyo warbaahinta qaybiya oo xukuma.


Ma dhaleecaynayo warbaahinta, xaashaa kala, laakiin waan dhalliilayaa, oo halkii madmadaw iga galay waan taabanayaa. Ma dhaleecayn karo oo waa adeeg waqfi ah oo samafal ah oo dadka ku hawlani  w aa naftood hurayaal aqoon iyo garaad meel uu dhigaba. Ilaa hadda dhaqaale kama helaan, cadawgee da ayaa badan wacyiga maanta lagu jiro. Waxaa la col ah odayaal dhaqameedka, siyaasiyiintu, afmiin shaarka iyo ganacsatada. Waxaa la sii hadhay warbaahinta, oo aan loo dhaleecaan karin akhriska iyo qoraal la'aanta dadka badankiisu aanay balwad u lahayn, iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka oo aanu waayaha iyo dhaqaaluhu in kooban u suurto gelinayo.

Warbaahinta Somaliland, ta madaxabanaan iyo ta dawliga ahiba tiro iyo cadad ma leh, tayase laga  ro on. Waa jaantaa rogan oo maalin walba maqal iyo muuqaal, kuwa hore leh ayaa daahfur loo sameeyaa. Inkasta oo ay labaatan jirsatey, kama korto in ay sida shinbir malataba, ku dul gaaf wareegto guriga madaxtooyada oo keliya iyo qof siyaasi sheegtay, rag iyo dumarba, oo ay makarafoon la hor  yuururs a daan. Dhibaatooyinka bulshada ee doc walba leh waxay ka doorbidaan oo diiradoodu ku waajahan tahay had iyo jeer siyaasad aan weli ka durugsanayn dood qabiil, duritaanka iyo ammaanta qof iyo  sh akhsiyaad xil haya amma xil doon ah.


Maan saluugin in qaarba dhinac isku barbariyaan oo warbaahinta caalamaka ayay la qabaan oo mid  w aliba halkay danta guud ee dalkooda ku jirto ee dantooda gaarka ahi ku jirto ayay ilayska ku daaraan, oo ay qaadaa dhigaan, oo kaa daadejiyaan ilaa aad ka rumaysto. Warbaahinteena intooda badani  dha qaale ma helaan oo siday ku heli fallawgeed ma qabtaan, ee waxay ku dana seegeen oo ku daalaan  ba aqa suldaan dhaqameed iyo hebelo ay la kala saftaan, oo iyagaba ka sii liita dhaqaalo ahaan iyo aqoon ahaan, oo maalinba ninkii waxgashada afkiisa ku hadla.
 

Hadday doog iyo dhaqaalo doon yihiin waxay dhammaantood u ololayn lahaayeen in sharci la dhigo, si xaqa loogu soo dhawaado, in shaqaalaha dawladu qaadanayso, kuwa ganacsatadu qaadanayso, iyo  k uwa hay'adaha samafalku qaadanayaan, qandaraasyada iyo ogeysiisayada lagu shaaciyo warbaahinta oo ay lacagta bixiyaan, si uu ugu guuleysto cidda ugu haboon ee fulin kartaa waajibaadka loo dirayo, lagana gudbo in shaqooyinka lagu qorto suuq madaw.


Waxay ahayd in ay ku doodaan wasaarada maaliyadu in lacagta xayaysiinta, jagooyinka banaan, miisa aniyada ku darto, oo si caddaaladi ku jirto dadweynaha looga dhex xusho shaqaalaha. Waxay ahayd in ay ku doodaan wixii aan jago siyaasadeed ahayn in dadku u sinnaado oo warbaahinta lagu xayaysiiyo laga bilaabo agaasimayaasha guud iyo wixii ka hooseeya ilaa badhi walaha. (Anigu waxaan  aaminsan ahay si warbaahin taya leh oo tamar leh loo helo in sharci laga dhigo in wax wal oo dadweynaha ka dhexeeyaba lagu faafiyo warbaahinta oo la bixiyo dhaqaalaha adeega faafinta. Dawladda iyo shirkada ah gaar ahba waxaa adeegsada dadweynaha oo dhan oo aan qolo kala lahayn, sidaa daraadeed waa in loo sinnaada shaqo-gelinteed rag iyo dumarba, oo ay ku xayaysiiyaan warbaahinta, si dadweynuhu ugu tartamo oo ka ugu haboon loo qaato. Caddaalada iyo horumarka ayaa sidaa ku jira. Haddii hadba maamulka jiraa, aanu gacan siin horumarinta warbaahinta iyo xusbiyada soo kobcaya oo ay colaysato meela la gaadhimaayo, dimoqraadiyada lagu dhololayaana way curdin dhadhi, waayo kuwaas ayaa ah udub dhexaadyada dimoqraadiyada).
 

Ma saluugin in ay xusbiyada kala raacaan, hadday aragti ku kala dooranayaan iyo haddii ay sed  dheer aad ah qaarkood kaga helayaan adeega ay u qabanayaan, buunbuuninta iyo faafinta weedhahooda, la akiin waxaan ka dikhooday in ay qab qabiil ku kala saftaan oo marba dhinac iska rogaan oo hadba hebel wuxuu aaminsan yahay ka duulaan oo hadduu dudayo la dudaan , Ilaa ay gaadhey in baraha internet-ka beelo loo kala sheegto.
 

Isku soo wada xooriyoo, waxaa canaanta ii geeyey oo aan dareemay in aanay warbaahintu xilkii ay  bu lshada u qaaday ay gabtay amma mararka qaarkood majaro habaabinayso, iyaguna noqdaan karis xun ku waxla'. Waxaa hadalkan ii geeyey wararka loo baahan yahay ee ay baylihinayaan. Waxaan filayey markuu mashruucii fadhi ku dhereg warkiisu suuqa soo galayba in ay dabagal ku sameeyeen oo  guntii sa soo xaadhaan, dadwenaha wargeliyaan uguna digaan. Waxay ahayd in ay dabagal ku sameeyaan oo guriga booqdaan lacagta la geenayo. In ay sidaa yeelaan waxaa seejisey habar heblaayo oo shir jaraa'id qabatay. Aniga oo taa la yaaban ayaa haddana waxaa bishan laga warla'yahay guryahay ilaa maanta lagu gubayo magaalada Hargeysa. Warbaahinta xil iskama saarin, dabagala may samayn, umay kuurgelin, wardheeraad ah iyo xog may raadin loo adeegsado sidii looga hortagi lahaa.
 

Aaway haddaba raggii ku dhaanteen jirey Sheekh ayaa lagu tababarayaa ciidamo aan dawladda  Som aliland ka war hayn oo beelaysan. Aaway kuwii madbakha Madaxtooyada iyo Ableyd, midiyahay iyo  m adiilaha Chief of Staff Mr. Xirsi soo tirakoobi jirey, ee habkuu wax ugu dilo xogteeda soo ururin jirey. Aaway kuwii caafimaadka madaxweynaha iyaga oo dhakhtarkiisa waraysan mala awaali jirey, Aaway kuwii murwooyinka maagi jirey, Aaway kuwii madaxtooyada hebelada galay iyo kuwii u dusdusi jirey  ka la yaqaaney. Maxay waqti ugu lumin waayeen balaayadan shacbiga toos u abbaaraysa ee guryahoodii gubeysa?.

 

Warfaafinay warkaa ba'ye, fadhiga ka kac, oo u badheedha in warkaad maqashaan xogtiisa soo  hesh aan. Waa in aan la dhayalsan dhacdooyinka kale ee bulshada oo talladiin yaanay noqon guriga  madax tooyada keliya iyo siyaasad beeleed. Waa in aad dadka soo gaadhsiisaan war ka qoto dheer warka  ga nbada dumarka iyo wadhatada. Ma lihi wararka iyo faallooyinka siyaasadu muhiim ma ah, laakiin waxa an leeyahay idinkuna ha ku dan seegin, wararka iyo dhacdooyinka kale ee bulshadana ha ilduufina.


 

Xusuusin tafatirayaasha: Maqaalkan ciddii daabacdaa masu'uul kama ah, aniga ayaa ka masu'uul ah, h addii aannad daabicin adigaa ka masu'uul ah oo aragtiyaha badhna diida badhna daabaca.

 

 

 

 

 

Hamud Duale