Waraysi
Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Fannaanada Maryan
Mursal Ciise

“Heesta ‘Cudurrada La
Dabar-Goynayo Caashaqa Halagu Darro’, Jacayl Baa Laygu Dhiibay,
Laakiin Fankaa Waxay Noqotay In Fankaba La Igaga Eryo”
Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa heesaheedu waxa ay
yihiin kuwo xambaarsan dareen uu ka dhadhamayo Jacayl iyo boholyaw,
kaas oo uu qofkasta oo baddweynta Jacaylka mar uun galaan dareyba
xusuusta labaatiisa beerqaada marka uu dhegaysto codkeeda halaasiga
ah. Haddaba wareysi dheer oo wargeyska Haatuf la yeeshay dhawaan
Fanaannada weyn ee Maryan Mursal Ciise ayaa waxa uu u dhacay sedan.
S: Kolayba fanka fanaanniintu wakhtiyo kala duwan ayey soo galeen,
adiga hablihii aad isku xilliga ahaydeen ama isku dhawaydeen yaa ka
mid ahaa?
J: Wey badnaayeen waxay ahaayeen ilaa siddeed gabdhood oo aad u caan
ah waxa ka mid ahaa Hibo Maxamed, Faadumo Qaasim, Baxsan, Maandeeq,
Farxiya Cali, Xareedo Isaaciil Duniya iyo Magool, laakiin markii
dambe ee laysku darey fanaaniintii Radio Muqdisho iyo kooxdii
Milateriga waxa noo timid Faadumo Cali Nakruuma, beryihii danbena
waxaa nagu soo biiray Saynab Cige, Saado Cali iyo qaar kale oo badan.
J: Fanka waxa la yidhaa waa hidde markaa ma jirtaa cid Faamligiina
ka mid ah oo aad ka raacday ?
J: Horta aniga Aabahay Mursal Ciise magaaladan Hargeysa ayuu iman
jirey oo gaadiidley ayuu ahaa gobolada u kala goosha, waxaana la ii
sheegay heelooyin badan oo halkan looga tiriyey oo ay ka mid tahay
“magaalo dhan buu masruufi jiree allow mursal ciise soo celi”
Aabahay laftiisu wuu balweyn jiray xilligiisii oo aanay fanaanniini
jirin oo xilligaa Baabuurleey ayuu ahaa waanu balweyn jirtey, waxa
kale oo jira Faamligayaga reer Bootaan oo dhan ayaa wada fanaaniin
ah oo qaar heesaan, qaarna way buraan-buraan, kuwa aan xiitaa
fanaaniinta ahayn ee aan caanka ahayni way buraanburi jireen .
S: Ma jiraan heeso aad adigu laxanka iyo codka aad u samaysay?
J: Haa way jireen, waxa jirtay Riwaayadii hablayahow hadmaad guursan
doontaan, heesta ay wada qaadayaan Cabdinaasir Macallin iyo Hibo
Maxamed ee magaceedu yahay (wadnaha iyo waax-yahayga kii
waraabinaayey dhiigow) anaa laxankaas sameeyey, waa markaan
barbaradka ahaa, laakiin hadda marka codka la ii samaynayo sidaa ka
dhig iyo halkaa kadu ayey hadda iga taagan tahay, laakiin waagaan
yaraa waan isku dayi jirey samaynta codadka.
S: Waxa jira in ninka abwaanka ahi marka uu Riwaayadda samaynayo
inuu ujeedo u samayn jirey ama dhacdo ka samayn jirey, oo marka
Riwaayada la dhigo uun la ogaan jirey, markaa marka la idin
qaybsiinayo heesaha ma ogaan jirteen ujeeddada Riwaayada, mise sida
wararka qaar baa odhan jirey waa danbe ayaa la ogaan jirey ujeeddada
dhabta ah ee Riwaayada?
J: Abwaanada waaweyn ama fiicfiicani iyaga oo jacayl kuugu dhiibaya
ayey siyaasadaysnaan jirtey, waxaad ogtihiin in dawladdii ay dadka
cadibi jirtey oo fanaanniinta ay wax ka dareento ay cadibi jireen,
oo waad ogtihiin tii aniga laygu cadibey ee Riwaayadii hablayahow
hadmaad guursan doontaan ku jirtey oo aan u haystey jacaylka ee
ahayd Culimada adduunkee Caafimaadka Baadhaay Cudurada la dabargoyn
Caashaqa halagu daro, taas oo dhib badan laygu geystay oo xiitaa
shaqadii laygaga saaray anigoo afar dhal ah, oo aan markii dambe
Tagsiile noqday, si aan carruurtayda u korsado, habeenkiina iska
rogo ayaan wadi jirey, maalintiina Tagsi, taas oo cadho darteed,
anigoo fanaanad caan ah oo Soddoh ah ayaa waxa la ii geliyey suuqa
wax aanay waxba ka jirin oo show baad samaysay la yidhi, si
sumcadayda iyo magacayga loo baabiiyo, taas oo heesta waxaasi laygu
geystey aanan anigu lahayn oo Nin Riwaayad jacayl ah iigu dhiibay oo
dhibaato badani iga soo gaadhey
S: waxa jirta in aanad adigu weli fankii ka hadhin oo aad weliba
horumar weyn ku samaysay, welina gacanta ayaad ku haysaa bal
arrintaa ka waran?
J: marka uu qofku qaxo wax badan ayuu dareemayaa, waayo aniga oo
xidig ka ah waddankayga ayaan ka qaxay oo qurbaha tegay oo naagtaa
madow mooyee wax Maryan Mursal I yidhaahda aan waayey, markii dambe
een dedaalay oo koox samaystay oo jaraa’idka laygu soo qoray ayaa
maalin aniga oo Bank lacag ka qaadanaya ayaa gabadhii joogtey Banku
igu tidhi iyada oo ku hadlaysa af Denish oo ay tidhi ma Maryan ayaad
tahay, markaas ayaan ugu celiyey maanta waa maalintii iigu farxada
badnayd mar haddii aad garatey inaan Maryan ahay oo fanaanadii
Maryan ahay aad garatey waa maalintii iigu farxada badnayd.
Markaa maanta lixdan jir ayaan ahay anoo sagaal jir ah ayaanan shaqo
bilaabay, waayo hooyaday wiilal may dhalin sidaa darteed si aanay
hooyaday gabdhaha wiilasha dhalay u baryin ayaan nacnac suuqa ku
iibin jiray, oo riyadaydii ii rumowday anoo toban jir ah ayaan
guriga wax walba soo dhigay, oo cidii wax I waydiisata aan odhan
jirey hooyo soo sii, oo carshaantii gurigayaga ka beddelay oo aan
daar u dhisay, oo hooyaday tidhi haddaba iska guurso oo adigu guri
yeelo, oo aan sidaa guri ku yeeshay.markaa maanta waxaan taaganahay
wakhtigii la nasan lahaa ayaan gaadhay , laakiin cid I nasiisaan
waayey taasaana igu keliftey in aan masraxa taagnaado ilaa hadda.
S: fanaaniin badani waxay sheegeen inay hadda joojiyeen fankii,
markaa ma ku talo jirtaa inaad ka hadhid mise waxaad jeceshahay
inaad sii wadato fanka ?
J:anigu markaan yaraa waxaan odhan jirey shaqeyso oo markaad
waynaato aad tusbaxa iyo saliga is dul dhigatid oo illaahay agtiisa
aad udhowaatid, laakiin hadda waxa igu sii hayaa waxa weeyi
dalkaygii oo burburay, calankaygii xabada ahaa oo kala
qaybqaybsamay, dadkii oo aan laysku keeni Karin oo meel xun kala
gaadhay,ayaan damcay in aan qolo walba dhankeeda ugu ciyaaro oo aan
u heeso, waagay isku soo noqdaana aan u heeso, oo qolo waliba
maalintooda u ciyaaro ilaa kuwa Itoobiya aan u ciyaaro, Somaalida
kale ee calankoodii buluuga ahaa haystana aan u ciyaaro, oo mid
walba aan sito oo dadkaygii weeyaana aan qolo walba dhankooda ugu
ciyaaro, markay qoryaha dhigaan ee dalkoodana nabad ka dhigaana aan
u ciyaaro.
Haatuf
|