Waraysi lala yeeshay Muuse Biixi

 

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay in cadho iyo qarax dhacaa uu keeni karo khasa are hor leh iyo dib-u-dhac wayn oo ku yimaada bulshada Somaliland.

Hadalkan ka soo yeedhay Muj. Muuse Biixi Cabdi, isaga oou warmayay ayaa u muuqda mid ka fog weedhihii kulkululaa ee looga bartay marka uu ka hadlayo warbaahinta.

Muuse Biixi Cabdi oo todobaadkan telefishanka HCTV siiyey waraysi dhee r oo uu kaga hadlayey aasaaskii ururka SNM iyo dagaaladii ay bishii May 1988 ku soo qaadeen taliskii Siyaad Barre ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa;

“horta runtii, waxa loo dagaalamayay waxa u weynaa dalkuu ahaa, dalki ina waynu haynaa, waanaynu ku nasiib badanahay Falastiin waa inala mid oo waataa wali halgamaysa, SPLA waa inala mid oo waataa ilaa maanta halgamaysa, markaa inagu xagaa guulbaynu ka joognaa, laakiin guusheenii ma dhamaystirna oo halganku ama xagga hore ayuu ka soo gaabtaa ama xagga dambe, markaa xagga hore halgankeenii wuu ka soo gaabtay oo guulbaynu haynaa, laakiin waxyaalo badan oo aanan filaynin ayaa yimid, waa mide 30 sano ka hor markii aan abaabulayay dagaalkii jabhadaha ahaa ee aynu afweyne kala hortagaynay hadii aan arki lahaa waxa Soomaali maanta ku dhaca waan ka fiirsan lahayn ma aha  afweyn aan jecelaan lahaa oo aan daynlahaa, laakiin in dagaalka u jeedadiisu aanay sidan oo kale u dhicin oo khasaaraha intaa leeg ee aan loo  baahn ayn aan la galin waan ka fiirsan lahayn waa marka guud ahaan loo eego wixii Somaaliya la isku odhan jiray, inagu khasaaraha guulbaynu ku joognaa guud ahaan dalkeenana weynu haysanaa dowladbaynu dhisanay, nabadgelyaynu ku darsanay, waxyaabaha yaryar ee naga dhimana waa la sixi karaa, wax inaga dhimana way jiraan, waxaana ugu weyn taariikhdeenii oo la doonayo in la qiimo tiro oo dadkii dalkan u soo halgamay taariikhdoodii la aaso ilaa kalmada xorayn oo qudha carruurtu ma garanayso oo looma sheegin, dagaalbaa dhacay oo dalkiibaa la xoreeyay, SNM maxay ahayd? Waxyaabahaasi waa waxyaabaha ugu fudfudud ee carruurta taariikhda looga dhaadhicin karo taasi waa ta ugu weyn, waxa kale oo ka mid ah ictiraaf la’aanta, dowlad la’aanta, rajo xumada, shaqo la’aanta kuwaasina horta waa masiibooyin dowladaha saddexaad oo dhan haysta maanta.


Mar waxaynu is lahayn tallow dal maydun yeelan mise waa la idin dhalan rogi, dalkii waynu haysanaa ee waxaynu doonaynaa sidaynu nolol fiican u helnaa waxa weeyaan qaybti hore ee halganka waynu qabsanay, qaybtii dambe ee nolosha wanaajinteeda iyo ka midho dhalinteedii ayaa dhiman waana wax la sixi karo oo iyana halgan labaad ayay u baahan tahay oo laga wada qayb galo, laakiin anigu ma qabo in cadho iyo qarax aan loo baahnayn ay dib u dhacaan, waayo qaraxaasi khasaaro badan ayuunbuu sii gaysanayaa oo dhibaataduu sii badinayaa arrintaasina talay u baahan tahay in lagaga baxo, laakiin sida raga qaar ka muuqata qaraxa iyo rajo la’aanta iyo cadhada uma arko in marxaladan lagaga bixi karo, waxa aan qabaa in aynu joogno meel aynu wax ka sixi karno.”





Jamhuuriya Online