Waraysi khaas ah – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
 

 


Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Asluubta Waxa Badbaadiyey Ilaaladooda iyo Ciidanka Qaran ka’ Waraysi khaas ah – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland



Khasaaraha dagaal ka dhacay Ceerigaabo + gurmad xooggan oo soo gaadhay ciidanka qaranka + tirada maxaabiista la qabtay iyo Wasiirka Daakhiliga oo Jamhuuriya faahfaahin ka siiyey qaab ka dagaalku u bilaabmay



Ceerigaabo (TNN)- Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, tiro kalena waxa soo gaadhay dhaawac yo kala duwan, kadib markii magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag uu dagaal ku dh exmaray shalay ciidanka qaranka iyo malleeshiyo-beeleed hubaysan weerar ku qaaday guri ay ku jireen Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka mid ah wefti xukuumadda Somaliland u dirtay colaadda ka aloosan magaaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka ugu warramay isagoo jooga magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay in dag aalku bilaabmay, kadib markii koox hubaysan weerar ku qaadeen guri Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Mr. Xiirane ay shir-doceed nabadgelyada lagaga hadlayey kula lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka beeshooda (Dhulbahante), kuwaas oo uu sheegay inay doonayeen sidii ay waxyeello ugu geysan lahaayeen Wasiir Xaabsade iyo T aliye Xiirane.

”Waxa jiray fadhi-doceed Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu la lahaayeen da dka beeshooda ah, fadhigaas oo lagu lahaa guri ku yaal Ceerigaabo. Markaa waxa dhacday in k oox dablay hubaysan ah weerar ku qaadeen gurigii fadhi-doceedku ka jiray, kuwaasoo doonaye y inay waxyeello u geystaan Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Asluubta, waxayna ku dhawaaq ayeen noo soo saara wasiirka, markaa nasiib-waanag waxa Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Asluubta badbaadiyey ilaaladooda iyo ciidanka qaranka, halkaasna waxa ka dhacay dagaal, wa xayna kooxda dablayda ah dileen saddex askari oo ciidanka qaranka ka tirsan iyo haweenayda lahayd gurigeeda martidu fadhiday. Ciidanku waxay gacanta ku dhigeen shan ka mid ah kooxda dilka geysatay oo qaarkood dhaawac yihiin oo maca hubkoodii lagu qabtay, gacanta ayaanna lagu hayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Md. Duur waxa uu sheegay in Ceerigaabo haatan deggan tahay, isla markaana ciidan badan oo gurmad ah gaadheen si ay uga qaybqaataan ilaalinta nabadgelyada magaaladaas.

”Hadda magaaladu way deggan tahay, ciidan badan baanna na soo gaadhay oo magaalada dhe xdeeda iyo hareeraheedaba ciidanka qaranka ayaa jooga, waxaanuna ka shaqaynaynaa sidii n abadda loo adkayn lahaa. Waxaannu isku dhex wadnaa waanwaantii iyo in ciidanku cudud wax kaga qabtaan cidda nabadgelyo-darrada wada. Qoladan soke (Habar-yoonis) waanwaantii way naga ogolaadeen oo wax dhaqdhaqaaq ah may samayn, laakiin qolada shishe (qaybo ka mid ah Dhul-bahante) ayaa rabshadda wada, waxaanad mooddaa in waxogaa Somaliland-diid ah ku jiro oo cid kale dabada ka soo riixayso,” ayuu raaciyey Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay tirada maxa abiista laga qabtay malleeshiyada weerarka ku soo qaaday wasiirka warfaafinta iyo taliyaha as luubta waxay gaadhayaan ilaa 15 qof, iyadoo ciidammada qaranku la wareegeen ammaanka guud ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
 

 

Source:Jamhuuriya