WARAYSI AAN LA YEESHAY ARDAYGII UGU SAREEYAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA EE DUGSIYADA SARE EE DALKA JAMHURIYADDA SOMALILAND


 CAYDARUUS CALI MUXUMED BAKAAL
 


Mashruucii UHWA ka waday Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley 3-dii sano ee ugu danbayse ayaa midho dhalay hada, Imtixanadii ugu danbeeyay ee ka dhaca dhamaan dugsiyada Jamuuriyada Somaliland, waxaa 10 ugu horeeyay ku jiray, laba arday oo wax ku soo bartay mashruuca UHWA, Labadaas oo kale ah:

1. Caydaruus Cali Muxumed Bakal   929  26th June

10. Cabdifatah Mohamed Arab Ali  866  26th June

Hadaba waxaa dhawaan fasax ku yimid dugsigayad Allaybaday Caydaruus Cali Waxaana jaanis u helay in aan waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Caydaruus oo ahaa ardaygii ugu sareeyay imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka JSL, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S.Caydaruus halkay ahayd halkii kuugu horaysay ee aad iskuul ka bilowdo?

J.Waxa aan ka bilaabay Allaybaday gaar ahaan madarasada Alfurqaan ee Allaybaday halkaasi oo markii aan gaadhay fasalka 6 lixaad oo lagaga bixi jiray madarasada aan u wareegay iskuulka H/Dhexe ee Sh Axmed Qaalib oo aan isna ku dhigtay fasalka 7aad iyo ka 8aad.

S. Halkeed ku gashay Imtixaankii fasalka 8aad?

J. Waxa aan ku galay hargaysa gaar ahaan Dugsiga H/Dhexe ee Xusen Giire, madaama markaa uun Mashruuca bilow ahaa oo aanay jirin fasalka 8 aad.

S.Balwaxa aad ka warantaa waxyaabihii aad la kulanteen Adiga iyo Ardaydii kale ee aad Allaybaday kawada tagteen ee hargaysa imtixaanka aad kuwada gasheen?

J.Waxyaabihii aanu wakhtigaasi la kulanay waxa ka mid ahaa in aanu tagnay Magaalo aanu qariib ku nahay iskuul nagu cusub arday aanaan garanayn imtixaan farabadan oo dhawr waraaqood ah(pages) oo aanaan hore u arag iyo iyada oo ahayd markii ugu horaysay ee uu Macalin aanaan garanayn oo aan hore waxba noogu soo dhigini uu Imtixaan naga qaado oo ay markaasi noogu horaysay, balse waxa xusid mudan Gudoomiyihii waxbarashada Degmada Allaybaday ee xiligaa Mr. C/laahi Xasan ayaa aad noo dhiirigaliyay intii aanaan Imtixaanka galin markii aanu imtixaanka ku jirnayna waxa uu noogu iman jiray Kormeer kaasi oo aanu runtii ardaydaydaasi aanu abaalwayn u wayno isaga oo ahaa Gudoomiye firfir coon.


S. Ardaydaasi aad wakhtigaasi aad isku galaaska ahaydeen isla markaana aad Allaybaday kawatagteen ma jireen arday idinka dhacday?

J. Nasiib wanaag ardaydaa aanu isu galaaska ahayn isla markaana allaybaday kawa tagnay may jirin cid dhacday ee waanu wada baasnay.

S. Maadaama oo ayna wakhtigaasi aad ugudubteen Dugsiga sare aanay Allaybaday Dugsi sare lahayn sida maanta oo kale xageed ka bilowday Dugsigii sare?

J. Waxa aan ka bilaabay Dugsigii sare, Dugsiga Sare ee 26 Juun kaasi oo aan ku dhamaystay waxbarashadaydii sare,

S. Caydaruus maadaama oo aad noqotay ardaygii ugu sareeyay Imtixaankii Shaadiga ahaa ee Dugsiga sare ee dalka JSL balkawaran dareenkaagu sidda uu yahay?

J. Runtii guushani waxa ay igu abuurtay farxad aad u wayn maalintaa Imtixaanka lagu dhawaaqay Natiijadiisana waxa ay ii ahayd maalin wayn oo noloshayda Xasuus gaara ku reebtay, waxayna ahayd farxadii u waynayd ee aan waligay dareemo.

S. Ma filaysay in aad noqon doonto ardayda ugu sareeya imtixaanada dugsiyada sare ee dalka?

J. Horta wax kasta oo aad ku dadaasho waa dhab in aad gaadhaa waayo Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda”Dadaalaa X Cabaas gaadhaa dhaafaana”in aan soo galo tobanka arday ee ugu horeeya dalka( Top Ten) waxa ay igu dhalatay markii aan Form Two ga ahaa wakhtigaasi oo inan aanu saaxiibo ahayn inta badana aanu isku majlis ahayn oo aanu wax wada akhrisan jirnay uu noqday ardaygii ugu sareeyay imtixaankii Dugsiyada sare ee dalka ayaan ka Caydaruus ahaan go’aan ku gaadhay in aan ka mid noqdo ardayda soo gasha tobonka arday ee ugu horeeya dalka, laga bilaabo wakhtigaasi aan go’aankaasi gaadhay ilaa intii aan Imtixaanka Shaadiga ah u fadhiisanayay waan waday dadaalkaygii ahaa in aan ku guulaysto kaalmahaasi hore ee Imtixaanka, balse ilaahay waa igu guuleeyay wayna ii rumowday himiladaydii taasi oo aan noqday ardaydii ugu sareeyay Imtixaankii Dugsiga sare.

S. Ujeedada ugu wayn ee aad u hiigsanaysay in aad gasho tobonka arday ee ugu horeeya Imtixaanada Dugsiga sare ee dalka maxay ahayd?

J.Waxa ay ahayd ujeedada ugu wayn ee aan u hiigsanayaayay in aan noqdo tobonka arday ee usareeya Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare kow waxa ay ahayd in aan helo scholarship bilaash ah taasi oo lasiiyo tobonka arday ee ugu sareeya imtixaanada Dugsiyada sare, talabaad waxa ay ahayd in aan marka hore ka farxiyo waalidkay oo aanaan meel wada joogin anigu waxa aan arday ka ahaa hargaysa oo maan ahayn arday xaafadoodii jooga markaasi waa in aan ka farxiyaa waalidkay iyo dadkii kale ee aanu qaraabada ahayn ee aan la joogayba tusayayna in aanan dayacin tacabkoodii taasina ilaahay waa igu guuleeyay, waxaana kale jecel ahay in aan tusaale fiican u noqday 2000 arday ee Degmada Allaybaday wax ku barata hada.

S. Caydaruus adigu waxa aad ka mid ahayd ardaydii reer allaybaday islamarkaana markii ay Dugsiga Dhexe ka baxeen aan nasiib u helin in ay Dugsiga sare Allaybaday ka bilaabaan, markaasi iyaga maxaad kula talin lahayd ardayda nasiibka u helay in ay isla magaaladoodii ka bilaabaan Dugsigii sarana?

J. Marka hore waxa aan aad ugu faraxsanahay Dugsiga sare ee Allaybaday ka hirgalay kaasi oo runtii wakhtigayagii aanaan nasiib u helin balse ardayda maanta nasiib u heshay in uu dugsi sare ugu yimaado magaaladoodii ay aad nooga nasiib fiican yihiin runtii waayo anagu waxa aanu dulsaar ku ahayn xaafado aanu qaraabo nahay balse iyagu waxa dugsigoodii sare heleen iyaga oo jooga magaaladoodii oo aan meela tagan, sidoo kale waxa ay imtixaankii Fasalka 8aad kugaleen isla magaaladoodii taasina waa wax ayna laqan ardaydii ka horeysa iyaga. markaasi waxa aan ardayda marka hore ku dardaari lahaa in ay ku dadaalaan siddii ay ugaadhi lahaayeen heer kasareeya ka maanta aan gaadhay, waayo waxa ay haystaan waxyaabo badan oo usuuragalin kara in ay gaadhaan heerkan iyo ku kasareeyaba waa haddii ay dadaalaan.

S. iyaga Maxaad usoo jeedin lahayd Ururka Khayriga ah ee UHWA oo waxbarashada Degmada Gacanta ku haya isla markaana aan odhan karno heerbuu gaadhsiiyay?

J. Horta UHWA marka hore waxa aan usoo jeedinayaa salaan qaaliya, marlabaad waxa aan ku amaanayaa hawsha wax ku oolka ah ee ay hayaan taasi oo durba midho dhal ah, madaama laba arday oo soo kalay 10 ka arday ee JSL uga sareeyaa yihiin, arday ka soo baxay mashruuca UHWA, waayo marka laga yimaado Dugsiyada Cusub waxa isna si fiican u shaqeeya Dugsigii sare kaasi oo wakhtigan ay ku jiraan arday ah 30, walow ay ardaydaasi kala yihiin form one iyo form three,hadana horumar fiican ayaa ka muuqda guud ahaan Deegaanka Allaybaday taasina waxa suuro galiyay Jaaliyadaha reer Somaliland ee kasoo jeeda Degmada Allaybaday,hadaba waxa aan leeyahay UHWA oo aan usoo jeedinayaa in aanay ka daalin hawshaasi wax ku oolka ah ee ay dadkooda iyo deegaankooda u wadaan ee kasii badaniyaan dadaalka siddii hore.
 


Waad mahad san tahay Caydaruus.

 

 

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad) DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com
http://www.allaybaday.com