Waraysi: Xoghayaha Xisbiga Kulmiye
Kayse Hassan Cige



Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Waxay shabakada Somaliland.org la yee latay waraysi xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaraidka ah ee Kulmiye Md  Kay se Xasan Cige xaalada ay marayso siyaasada Somaliland iyo khilaafka sharci ee ay isku hayaan xisbiyada mucaridka iyo xukuumada madaxweyne Rayaale, war aysigiina wuxuu u dhacay sidatan:

Suaal:- Mudane Kayse waxaad nooga warantaa halka ay marayaan arimihii dhexdhexaadinta ee ahayd heer Caalamiya iyo heer gudaha ahba sida Salaadiinta is urursatay iyo qolyaha kale ee la magac baxay 101?


Mudane Kayse:- Way noo yimaadeen ergooyin kala duwan sida salaadiinta iyo waxgarad ay soo qabanqaabisay Saxaafadu. Haseyeeshee si aada ayaanu ula jeexjeexnay waxayna jawaabtii aanu siinay noqotay in dhinaca wax laga  suga yaa uu yahay dhinaca xukuumada haddii ay noqon laheyd fulinta iyo  ixtiraa mka heshiisyadii faraha badnaa ee ay mucaaradka iyo xukuumadu u wada galeen iyo inay xukuumadu mar walba jabiso heshiis kasta oo la galo. sidaasi daraadeed in xukuumada Riyaale looga fadhiyo inuu sharciyadda kusoo noqdo, ogolaadana heshiisyada uu la galo mucaaradka. waxaa kaloo aanu ka  codsan ay ergooyinka inay runta u sheegaan Riyaale oo aanay ka gabanin haddii ay dani ka hayso maslaxadda, nabbada iyo horumarka Somaliland.

Dibedda:- Waa la socoteen wafdigii uu hogaaminayey Wasiiru- dawlaha Arrimaha Dibeda ee Itoobiya ee dhowaanta booqashada ku yimid dalka iyo soo-jeedimihii uu u soo gudbiyey seddexda Xisbi Qaran, kuwaasoo nuxurkoodu ahaa isu soo dhowaansho ay qolo waliba kasoo degto mawqifkii ay hore ugu dheganayd.Waxaana ugu muhiimsanaa soo-jeedimahaasi:

a) inay xukuumadu ka noqoto go’aankeeda ahaa in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan iyo

b) in mucaaradku ogolaado in dib u sifeyn dambe lagu sameeyo liiska diiwaangelinta. Haseyeeshee qodobka ugu xasaasisan ee ay labada dhinac ku kala duwan yihiin waxaa weeyee “Yaa sii haynaya xilka” oo doorasho dalka gaadhsiinaya. Riyaale wuxuu doonayaa inay isaga iyo Ku-xigeenku sii fadhiyaan; halka ay mucaaradku ka diideen ee ay kuna gacan saydheen. Waxay mucaaradku soo jeediyeen in muddadaasi loo dhiibo xilka cid kale oo doorashada dalka gaadhsiisa.Taasoo laba waji yeelan karta – mid siyaasadeed oo loo dhiibo cid dhexdhexaada ah oo seddexda xisbi ka heshiiyaan iyo in la maro wadada sharciyadda oo dib loogu celiyo Baarlamaanka, taasoo ah tan ay danaynayaan Xisbiyada mucaaradku.

Waxaa kaloo dalka yimid Ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo kulamo kala duwan la yeeshey xukuumada iyo mucaaradka labadaba. Waxaa la filayaa inay dhowaan dalka iman doonaan wafdi ka socda EU iyo Itoobiya oo ka ballaadhan kii hore u yimid (Wasiirkii kalida ahaa). Waxaa kaloo dalka yimid wafdi ka socda xafiiska UNPOS (United Nations Political Office for Somalia), waxayna sidoo kale kulamo la yeesheen xukuumada iyo Mucaaradka. Waxayna noo sheegeen inay hadda xafiis ka furan doonaan Somaliland si ay u xoojiyaan mashaariicda horumarinta isla markaana gacan ka siiyaan Somaliland dhinaca nabadgalyada iyo xassiloonida.


Su’aal:- Dadka had iyo goor ku baaqa dhexdhexaadinta ayaa baryahan dambe caado ka dhigatay distoor iyo sharci jabinta Daahir Riyaale dalkan ka sameeyay in indhaha ay ka qarsadaan arintana ku tilmaama khilaaf siyaasadeed oo ah mucaarid iyo muxaafid is haya, arintaasi siday xisbi ahaan idiin la muuqataa?


Mudane Kayse:- Waa dhab oo waa la ogyahay cidda sharciyada ku tumata  a ma jabisa oo waxaa ugu dambaysay dhacdadii foosha xumayd ee lagu qaaday Golaha Wakiilada taasoo wali ay xukuumada wado oo abaabulayso. Annagu xisbi ahaan waanu ognahay inaan ergooyinka dhexdhexaadintu aanay waxba kusoo kordhinaynin xaalada maanta taagan oo aanu Riyaale diyaar u aheyn inuu kaalintiisa qaato. Sidaasi daraadeed waxaanu u aragnaa inay tahay  waq ti lumis.


Su’aal:- Daahir Riyaale wuu diiday inuu saxeexo go’aanadii heshiiskii u  dambe  yay ee lagu dhexdhexaadiyay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo Daahir Riyaale, hadaba Daahir Riyaale aaminaad dambe ma leeyahy baad u ma laynaysaa?


Mudane Kayse:- Haba sheegin. Way u caddahay qof walba inaanu Riyaale  fuli naynin heshiis uu galo oo hore ayaa looga caal waayey. Sida adba aad  sheegt ay waxaa ka mida ahaa heshiiskii ugu dambeeyey ee ay Guddigii  Dhexdhexa adintu soo saareen inaan mar danbe aanay Guurtidu u kordhin doonin muddo kale, haseyeeshee wuxuu hadda olole kale ugu jiraa sidii uu u sii fadhiyi lahaa muddada doorashada ka hadhay.


Sua’aal:- Waxa jirta maalintii mudahraadka in dad badan oo laga xidhxidhay magaalada Hargeysa ay ka mid ahayd marwada gudoomiye ku xigiinka 2aad ee golaha wakiilada marwo Fowsiya Maxamed Ninweyn iyo dadweyne kale oo fara badan xisbi ahaan ma isku daydaan inaad dadkaas ka daba tagtaan oo aad soo daysaan?


Mudane Kayse:- Haa. Waxaanu soo ururinay xogta dadka la xidhay, kuwa  tac adiga loo geestay iyo kuwa dhaawaca la gaadhsiiyey. waxaanu la xidhiidhnay Xafiisyada Taliska Booliska iyo Dambi Baadhista ee Degmooyinka , iyadoo aanu isku taxallujiney in dadkaasi la sii daayo. Waxaa kaloo aanu saxaafadda u  ban dhignay dhacdooyinkaasi.

Su’aal:- Miyay jiraan Mas’uuliyiinn ka tirsan Laamaha gobolada xisbiga oo wali idinka xidhani?


Mudane Kayse:- Maya. Way jireen mas’uuliyiin iyo taageerayaal kale oo la  xi dhay, haseyeeshee muddo kadib waa lasoo daayey inkastoo qaarkood loo  ge estay dhaawacyo sida Xaaska Guddoomiye Xigeenka Wakiilada.


Su’aa’l:- Ugu damabayn, doorashada waxaa loo qoondeeyay inay qabsoonto bishan September 27 keeda siday xubnaha Komishanka qaranku hore ugu  dha waaqeen, haday hadaba maalintaas doorasho dhici waydo muxuu noqonayaa mawqifka xisbigu?


Mudane Kayse:-
Way u muuqataa inaan doorasho qabsoomayn maalinta loogu talagalay ee 27 Sept. Sidaasi awgeed waxay labada Xisbi Mucaarad ku  heshii yeen in loo baahan yahay maamul ku -meel gaadha oo dalka gaadhsiiya  doora sho, iyadoo laba Xisbi tixgelin gaara ah siinayaan dhinaca sharciyadda.


 


M A. Rageh
Somaliland.org