Warasxafdeed Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaah in waxa uu maanta soo saaray qoraal uu ku ansixinayo xubinta cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya go’aankii ay golaha Guurtidu ku soo magacawday xubinta cusub ee ka bananaanaatay Komishanka Doorashooyinka oo uu hore uga tirsanaan jiray Marxuumkii dhawaanta geeriyooday Alle ha u naxariistee Xasan Maxamed Cumar “Looshade”, waxa uu ansixiyay in xubintaasi uu buuxiyo Mudane Xasan Cumar Hoorri, sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka lambarkiisu yahay 20/2001, qodobkiisa 12-aad.


Sidaa awgeed, waxa uu ka codsay Madaxweynuhu Golaha Wakiilada in ay ansixiyaan xubintaasi cusub ee loo soo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo gudanaya xilkooda distooriga ah.
 


Alla Mahad leh

 



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL