Wararkii udanbeeyay ee Rabshadihii Saaka ee Ma gaalada Hargeisa
 


Hargeisa (Longlivesomaliland News) Rabshada ka socota agagaarka xarunta baarlamaanka agtiisa ayaa sababtay in uu dhinto wiil dhallinyaro ah oo  mag aciisa la yidhaa, Saciid Macalin. Waxana marxuumku uu ka mid ahaa  dhallinya rada ciyaala iskuulka ah ee halkaasi saaka isku soo baxay si ay dareenkooda oo diidmo ah ugu muujiyaan sida aanay marnaba u ogolayn in ay xukuumadu la wareegto oo ay qabsato Baarlamaanka Somaliland. Waxana hlkaasi  dhaa wacyo ku soo gaadheen ilaa shan qof hasa ahaatee, waxa warar aan la  hub in oo la isla dhex marayaa ay sheegaysaa in tirada dhimashada iyo tan  dhaa wacuba ay intaasi ka badan yihiin.

Booliiska oo isticmaalaya qalabka rabshadaha iyo muraayadaha gaashaanka ah ee loogu talo galay in ay shiidka iskaga dhigaan iyo sidoo kale koofiyado bir ah ayaa Dadwaynihii saaka isku soo baxay ku kala dareerinaya xoog  iyag a oo rasaas badan ku ridaya shacabka isla markaana ku hafiyay suntan dadka ka ilmaysiisa.

Dadwynahan oo aad u xanaaqsan ayaa markii ay booliisku ka soo  caydhsad een agagaarka xarunta Baarlamaanka Somaliland waxa ay sameeyeen  rabs hado ka dhan ah xukuumada iyaga oo shiid la dhacayay cid kasta oo ay u  ga rtaan shaqaale dawlada iyo Masuuliyiiinta xukuumada. Dadwaynahani ayaa is goyska Togdheer ku gubay Gaadhi ay Dawladu leedahay. Gaadhigan oo Surf ah oo ay lahayd Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa shuf beeshay oo gabi ahaanba gubatay. Dirawalkii gaadhigaasi ayaa ka  cara ray markii uu arkayay dadwayne aad u tiro badan oo gadoodsan kuna soo yaacaaya. Gaadhigan oo noociisu yahay Surf ayaa uu Nambarkiisu uu yahay 380. Sidoo kale dadwayahani waxa ay wadooyinka badhtamaha magaalada gaar ahaan wada isku xidha badhtamaha magaalada agagaarka Baar-harg eysa iyo Togdheer ayaa ku gubay Taayiro. Waxana arintaasi ay sababtay isku socodka Gaadiidka iyo xataa meelaha qaarkood Dadwaynahaba.

Rabshadahan ayaa yimid markii ay saaka ciidamada Booliisku oo uu  hogaam inayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliiska Gen.Maxamed Saqadhi Dubad ay diideen in ay Xildhibaanada Aqalka wakiiladu galaan xaruntooda. Shir-guddo onka Golaha ayaa iyagu halkaasi markii ay galeen, waxa loo diiday in  madas ha Golaha ay galaan Xildhibaano gaadhaya ilaa toban Mudane oo la socday. Waxana arintaasi ay sababtay in ay xildhibaanadu ay xoog adeegsadaan si ay u galaan golahooda. Waxa halkaasi dhaawac aan wayni uu ku soo  gaad hay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac Nac).

Dhinca kale dadwaynahan oo aad u cadhaysan ayaa waxa ay weerar ku  qaa d een xarunta Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Idaacada Afka Dawlada ku hadla ee Radio Hargeysa. Hasa ahaatee dadwaynaha oo aan wax dhib ah gaysan ayay ciidamada ilaalada labadaasi xarumood oo meel ku wada yaalaa ay kala dareeriyeen.



Wiilka dhintay ee saciid Macalin ayaa loo qaatay dhinaca gurigooda iyada oo dadkii dhawaacmayna la kala geeyay cusbitaalada Edna Hospitel, Manhal Hos pital iyo Dhakhtarka wayn ee Magaalada Hargeysa.



Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Longlivesomaliland  News.


 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa Office