WARANCADOW FILIMAAYO
IN WEYSO IDIIN DHA W RANTAY? CID SALI IDIIN FIDISANA DAA
HADALKEEDA?!!

WASIIR
WARANCADOW MA WAXAAD U JEEDAA DADKU HA KA WADA TAHRIIB AAN DALKOODA?
YAADSE XUKUMI MARKA AYEEYOOYINKU KA TAHRIIBAAN MAAMULKIINA AXMAQA AH
EE AAD NOO GARBA DUUBAYSO?
Wasiirka dulista iyo hawada JSL, aad buu ugu mahadsanyey wax qabadka
mu uqda itaalkasta ha lahadee ee uu ka muujiyo jagooyinka dawlada ee
loo igma do,Wasiirku waxa kale oo uu ku amaananyey shaqadiisa oo uu
ka yaqaano sh aqooyinka kale ee laamaha dawlada.Mr.Warancade waxa uu
kun jeer ku maha dsanyey xilka uu gutay ee dalkiisa.
Hadaba Warancadow, Illaahay Subxaana
watacaalaa: wuxuu Quraankiisa
inoo gu sheegay in ay gef iyo denbi aad u weyn
tahay dulmiga
iyo tacadigu waxaa nu
yidhi Illaahay(SWC):
Sidaan naftayda uga xaaraantimeeyey Dulmiga
ayaan Ummadaydana uga xaaraantimeeyey inay is Dulmiyaan.
Shalay taliskii siyaad Barre ayeynu dulmi ka sheeganaynay oo kula
dagaalanay oo nafo badan iyo aduun lagu waayey,Yaad dulmaysaa yaadse
kalifaysaa in ay marlabaad girgir aha rogaan waxaan filayaa in u
jeedadaadu tahay uun aanu xilka iyo qaranim ada kusii tumanee na
daayo oo weliba sidii Siyaad Bare sacabka noo
tuma, taa sina maaha wixii laydiin doorta bulshaduna waa mid
soo jeeda oon idinka aqb ali doonin mardanbe in ay sii socoto
hadafkiina shakhsiyaadka ku salaysan ee aan naxariista iyo
rabitaanka toona u haynin shacbigii idin keenay xilkaan.
Hadaba mudane Warancade,waxa uu bisha
Juun 14-keedii ugu baaqay dedwe
ynaha reer Somaliland in madax weyne Riyaale,
loo kordhiyo mudada xilka uu haynayo oo macnaheedu noqonayo
in 5-sano oo kale loo kordhiyo si uu u sii
wado boobka iyo musuqmaasuqa soo jireenka ah ee umada
u wada muuqda w aa sida
hadalkiisu ku biyo shubanayey.
Sidaan qabo anigu waxaan
aaminsanay in ujeedada Warancade, tahayuun kanaanu wax la cunaa ama
la boobnaa taasina maaha mid ruux damiir iyo garaad lehi isla soo
hortaago shacbi weynaha reer somaliland ee mudada dheer dhibta iyo
baahida dawlad la'aantu haysey ee gaadhay wakhti dhalintii iyo
waayeelkiiba tahriibaan oo darxumo iyo dawladla'aan ay uga yacaan
dalkoodii ay filayeen in nidaam u hiiliya ay heleen balse horor kale
oo aan waxba u hanbayneynin ku habsaday maamulkii.
Somaliland cid isu soo tagtay ma jirto, aduunyadu uma aqoonsana
dawlada jirta sidaa darteed shacbiga JSL waxay samaysteen dhamaan
hayadihii dawladeed oo dhan iyo weliba xeerarkii ay ku kala bixi
lahaayeen,laakiin nasiib daro xukuumada jirtaa ma aha haba yaraatee
mid lagu sheegi karo xataa inay leedahay dhaqanka Aadamiga waayo
dhan kasta oo laga eego wey ka aradan yihiin la dhaqanka dadka iyo
milgaha masuuliyadeed, iskaba daa inay wax xukumaane waa kooxo ku
guul daraystay xilkii tii hore ee Siyaad Bare, walba intii ugu
xumayd bulshada ee aan waxba ka xishooneyn oo aan waxay xeerineyn ee
nolosha ku guul daraystay ay isu qayla diratay si ay dalka u boobaan
oo carabka iyo cidida u mariyaan dhamaan hantida ummada iyo
qayraadka dabiiciga ah ee illaahay ku maneystay Somaliland una
haysta in lagu waarayo xero guushan ayaamaha ah ee imtaxaanku ka
danbeeyo.
Filimaayo in cid idinka midi aaminsantay in shacbigu mudan yey in
laga baqdo lana ixtiraamo madaama oo ay kuma wax bedeli kara ay
iyaga yihiin loona baahanyey maalinta dhibta iyo maalinta dheeftaba.
Nidaamka sharci ee aynu sheegano in aynu ku dhaqanaa ma dhigayaa in
aydu n xilka ku waartaan oo aydun sidaydun doontaan u dhigtaan
hadafkii guud ee qarankana aydun cagta hoos gelisaan,Waxaan bulshada
ku baraarujinayaa in ay maanta dhowday taladu loona baahanyey in dib
loo eego dhacdooyinkii kali talisku ina soo mariyey,Waxaan kale oo
aan bulshada uga digayaa in aanay d heg jalaq u siin Warancade
iyo inta la hadafka ah ee damacsan in ay bulshada dibin daabyeeyaan
lunsadaana xuquuqdii ay lahayeen siina joogteeyaan boo bka
qaran iyo dhibaatada shacbiga.
Amiin D. Caynaanshe,
Oh USA
|