WARANCADDOW SIDEEN KUGU AAMINA

Waxaan la yaabay dadka amaanaaya Warancadde. Waa Ramadaan oo ku
dheeraanmaayo beena ka sheegimaayo ee waxa igu kalifay inaan wax soo
qoro sida makasta loo qaldaayo. Qofka waxa xidha wacad iyo ballan.
Ruuxa aan oofin balanka ee kol walba ummadda ku wacad fura isagoo ku
doorsanaaya dhandhan iyo xaal adduun, waxa la yidhaahdaa munaafaq
mana ah nin ka xishooda wax kasta kna damqada waxaan naftiisa ahyn.
Waa jirjiroole.
Warancadde waxuu ahaa raga ugu adag taliskii laga adkaaday ee
Riyaale, waxuu been iyo xarfad iyo xoogba isticmaalay doorashadii
madaxweynbha 2010, ilaa uu rag ay isku raas yihiin ayuu qaarna xero
ku xidhay qaarna dhafoorka baastoolad kaga qabtay iyagoo uu u
arkaayey inay yihiin KULMIYE.
Waxa ka dambeysay inuu isu sharaxay murashaha Madaxweyne ee UDUB
ayna isag iyo Jamaal Cali Xuseen ku loolamayn. Xiligaas oo Gaboose
ka tegey Wasiirka Gudaha suuqa waxuu gashaday waxa leygu yeedhay
Wasiirka Gudaha oo waan diiday. Haddaba ma waxa shuruud ahayd inuu
baabiiyo xisbigii UDUB si uu Wasiir u noqdo. Miyaanu ahayn ninka
keliya ee isku caddeeyey inuu keligii xisbigii qAran baabiiyey.
WAxa iyana xigtay inuu Golaha Fukinta ee Wadani ka mid noqday. Waa
wacadkii seddexaad ee uu baal maro. Intaas ayaa in agaga filan
shakhsiyadda Warancadde nin dhuunta caqli ku leh oon wacad iyo
ballan midna lahayn.
Waxa ayaan darro haysataa bulshadii oo kala garan la’cidda ay
doortaan Illeyn waa kan Siilanyo ka door biday ciddi ay doorteen ee
KULMIYE ahayd inuu ku bedelo kuwii ay ka cararayeen. Siilanyo isna
halka balanka iyo wacadka waa kala mid Warancadde, waxuu rabaa nin
aan kor u eegin oo uu farta ugu yeedho gidaarka madaxa la dhac
hadduu yidhaahdi haye mooye aan erey kale ku soo celin Illeyn nin
bulshau tuurtay ayuu suuqa ka soo qaatay..Waana dhaqanka daalimiinta
iyo maafiyada, soo xaree cadowgaa kuwa guusha kuu keenan eri. Waa se
mid in yar shaqaysa oo nin doorasho ka dambeysaa ma iloobi
saaxiibadii iyo raggii guusha u soo hooyey.
Shacbiyow qiimeeya waxa dalka ka socda. Waxa xukuumadda wiigan
taageeray waa kuwaad garan Warancadde soo noqoy dabadiina waxa
Madaxtooyada gala baxaaya waa Boqor Buur Maadow, Cisman Hindi iyo
Safiirkii Riyaalwe ee Wareegi jiray, WAxa isna daafac la taagan Waa
Ina Dhoolayare Wasiirkii Riyaale ee Beeraha, hore waxa Siilanyo soo
qaatay General Saqadhi AHUm iyo Ina Xoor Xoor,. Waxa wasiiradu
gaadheen 53 xubnood oo in badan ayna lahayn shahaadad dugsi oo
dhaafsan Dugsiga Dhexe, waxa ka mid ah ninkii inta uu Madaxweynaha
ahaa lahaa kalmad aan Ramadaanka ku haboonayn balse nuxurkeedu ahaa
caafimaad dartii Siilanyo xilka ha dhiibo.
Waxa kooxdaasi u hanjabaysaa askhyaartii Soomaliland oo yidhi waa
wada-tashi iyo toosin aynu sameyno. Waa ayo waa MUJ. Xasan Ciise,
MUJ Maxamed Xashi Cilmi, Gud. Faysal Cali Waraabe, MUj. Ibraahim
Dhegoweyne iyo rag xor ah oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo
guurtida. Yaab iyo yaabkiis.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
|