Warancadde oo Sheegay in Caasimadda Hargaysa loo Aasaasay Xarun Dab-damis

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Mr. Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaca ka qaaday in ay aasaaseen xarun dab-damis oo ka hawlgali doonta gurmadka madaarka Hargaysa iyo guud ahaanba caasimadda dalka. oo ka hawlgali doonta gurmadka madaarka Hargaysa iyo guud ahaanba caasimadda dalka.

Wasiirka oo maanta u waramaayay, kadib mar uu gaadhi dab-damis ah kala wareegay macdaarka caalami oo ay xukumadu ka iibsatay, ayaa sheegay in ay aasaaseen xarun cusub oo dab-damis oo ka hawl gali doonaan shan baabuur iyo koox khibrad gaara u leh hawlaha gurmadka, si looga hortago dhibaatada iyo kharta gubashada caasimadda ee soo noq-noqata.

Waxa uu xusay in goobtani ay shaqayn doonto afar iyo labaatanka sacaadood (24), isla markaana ay shaacin doonaan nambar telefoon u gaar ah oo ay ciddii dhibaato ku timaaddaa kala soo xidhiidho, “Runtii baaabuurkan waxaanu u iibinay baahi badan oo aynu u qabo garoomada diyaaradaha Somaliland , khaas ahaan madaarka Hargeysa oo caasimad noqday.

Waxa kale oo iyadana welwel badan nagu haysa magaalada oo aan lahayn wax dab-damis ah oo maalin walba qayladii iyo calaacalkii dadku dhibaato weyn nagu hayo, sidaa awgeed kan iyo kuwa kale oo aannu samaynay iminka oo saddex ah ayaanu doonaynaa inay noqdaan koox ama qayb ka mid ah dab-damiska madaarka, isla markaana magaalada u gurman kara oo aannu damacnay in aannu baahida dadweynaha lafteeda ku daboolno, dabadeedna waxaannu u samaynaynaa koox dab-damis ah oo 24 saacadoodba u diyaar ah oo leh telefoon u gaar ah oo aannu dadka u shaacino si qofkii dhibaato ku timaadaa ugala soo xidhiidho, looguna soo gurmado,” ayuu Md. Warancadde oo xog-waramayay aasaaska xaruntan dab-damis ee caasimadda Hargaysa, waxaanu intaa ku daray; “Inkasta oo uu runtii madaarka Hargeysa uu yara fog yahay waqtina qaadanayso marka uu halkaa ka soo dhaqaaqo oo aannu ka jeclayan in magaalada badhtankeeda meel ku yeelano, haddana garoonkii yaan looga maarmayn. Haseyeeshee, waxaannu dadka codsanaynaa inta ay waddadaa dheer soo socdaan ay noo dulqaataan.”

Wasiir Warancadde oo la waydiiyey kharashka ku baxay gaadiidkan, ayaa xusay inay ku baxday lacag aad u badan, balse ay ka raaceen danta guud iyo sidii loo dabooli lahaa baahida dab-damis ee halista ah.

Waxa kale oo xusay in kooxda hawlwadeennada ee ka shaqayn doona xarunta dab-damiska ah ay kor u qaadiyaan tayadooda xirfadeed, isla markaana ay dhowaan tababarayaal uga keeniyaan dalka Kenya .




Togdheernews