Waraaq
Furan
Ku Dahir Riyaale Kahin iyo Golaha
Guurtida

Madaxweyne
marka hore waan ku salaamayaa, mar labaadka inkasta oo Ila
ahay Quraanka kariimka ah ku yidhi dhegihii waansan baa waansama
waxaan kuu soo gudbinayaa talo aan hubo hadii ay ku soo gaadho oo
aad ku camal fa sho oo qaadato aad wanaag ka dhaxli doonto
Ilaahna ku mahadin doonto qa adashada talaadaas aad qaadatay ,
hadii aad diido iskana indho tirto aad ma alin maalmaha ka mid
ah isku ciil kaambiyi doonto qaadan la’aanteeda.
Dib hadii aad u eegto raadkaagii labaatankii sanadood ee u danbeeyey
waxaa si waadaxa kuugu muuqanaya inta duruufood iyo marxaladood ee
aad soo martay oo dhamaantood shalay wada ahaa, hadaad noolaatana
labaatanka soo socdaa sidaasoo kale ayay kuugu muuqan doonaan iyadoo
aadan dareemayn iminka sida dhakhsaha ah ee wakhtigu isu gurayo ,
hadii aynu eegno kow iyo tobankii sano ee u danbeeyey waxaad ahayd
Madaxweyne iyo Madaxweyne Xigeen, tobonka soo socda Ilaah baa ku
caalim ah waxaad ku danbayn iyo meel aad ku danbayn waxaanse kaaga
digayaa inaad raacdo wadadii ay qaadeen saraakiishii iyo madaxddii
Dawladii Soomaaliya iyo inaad xambaarato godob ubadkaaga iyo
ehelkaaga ka haajirisa carradooda iyo ciidooda kana fiirso
talooyinka ay ku siinayaan Cawil iyo inta la midka ah ee aan sharaf
iyo karaamo midna ka rabin dalka iyo dadkan midna ee halhayskoodu
yahay haw joojin , ogowna hadaan la joojin wadadu la hayaa waa tii
ay qaadeen Gaani , Morgan, Cali Samatar iyo intii la midka ahaa
khasab ayaana lagu joojinayaa fartaana dhexda laga qaniini doonaa
intii noolaataana way arki doonaan.
Madaxweyne isbedelka wakhtigaa keenaa waana xaqiiq inaadan ku
daa’imayn nololna ku dhamaysanayn kursiga aad maanta fadhido oo ay
shalay fadhiye en marxuum C/raxman Ahmed
Ali iyo marxuum Cigaal (AHN)
waxaanad qaad aysaa laba wado midkood , ama waxaad qaadi
doontaa hadaan kuu horaysii yo ta wanaagsan wadadii ay qaadeen
dabayaaqadii qarnigii tegey Mahaatiir Mohamed,
Nelson Mandela, Khaatami , Raafisjaani iyo wadada ay qaadaan
Madaxda laga soo doorto wadamada reer Galbeedka sida USA, UK ,
Germany , Sweden , Norway , Denmark, France iyo kuwa la halmaala
dalkaaga iyo dadkaaga dhexdoodana waxaad ku yeelan doontaa sumcad
iyo karaamo inta aad ka dhitaysay , ama waxaad qaadi doontaa wadadii
ay qaadeen kelitalisyadii ay ka midka ahaayeen
Siyaad Barre , Mingistu , Numeri, Xafidal Asad, Sam wildor, Bukasa,
Mabuto , Gen Augousto Pinuchet in Chili, Necolea Ceaucescu in
Romania iyo intii la midka ahayd nololshaaduna waxay ku
danb ayn doontaa qaxoonti ,
sumcad xumo ,
godob , cabsi iyo xisaabaadka dahsoon
oo aan rajadoodu wanaagsanayn , ubadkaaga
, ehelkaagaa ,
tolkaa iyo qaraa badaana waxaad
dhaxal uga dhigi doontaa godob sokeeye
, nacayb iyo
cola ad aad ku
sii beerto mandaqada
ay degan yihiin xusuustaada iyo raadka aad uga tagtaana wuxuu
noqon doonaa habaar iyo in magacaaga la dhibsado.
Madaxweyne waxaa xaqiiq ah oo ay indhahaagu arkayaan maankaaga iyo
ga raadkaaguna yiqiin san yahay in aad labadaas fariiq mid raaci
doonto , indha haagu way arkaan xaqiiqduna way kuu muuqataaa waxaase
laga yaabaa in naftaadu diido inay xaqiiqda indhaha saarto ,xaqiiqda
oo la is diidsiiyaa waa ta dhaxalsiisay raaaca labaad ee
Digtaatoorada kor xusan taariirkhda madaw ee ay ifka kaga tageen,
runta iyo xaqiiqdii ayay isdiidsiiyeen oo indhohooda iyo maqalkoodaa
ka maagay in ay qaabilaan, Madaxweyne hadii aad dareento naftaada oo
diidan inay xaqiiqda ku dhiirato garoo waxaad haysaa wadadaas
khaldan meel xun baanay kuu waadaa.
Dhudhun lagaga qaad ama wedkii lagu dhoweeyaaba
Nin dharaara haystaba saldanad loogu soo dhigay
Madaxweyne bal hadda Tusaalahan kalena eeg????????
Hadii aad tusaalooyinka dhow iyo
qarnigeena ka dheehato imisaad xasuusan kartaa awoodo qarniyo jiray
oo maalin ku burburay , imisaad meel dhow ka eegi kartaa keli taliye
kibray oo aan cidna wax iskaga tirin jirin oo maalin daad qaaday,
aad uga boggo maamulkii u danbeeyey ee Soomaaliya hana isku dey in
inaad awood beena ismoodsiiso.
Madaxweyne joogi maysid oo waad
ogtahay , waari maysid oo waad ogtahay aduunkuna sidan ahaan maayo
dadku intaa in kabadan yeeli maayaan oo
wa ad ogtahay , waa been khibradaha Cawil
sheegto iyo aqoonta uu yidhaah beelaha
Isaaq
baan u leeyahay , in badan wuu ku marin
habaabiyey ee yaanu jar kaa tuurin
khaatumadana ku seejin ,adayse kuu taalaa inaad rumaysto oo
isku ciil kaambido iyo inaad diido oo isdba qabato inta goori goor
tahay, waxa an kuu soo jeedinayaa talooyinkaas oo ku anfacaya hadii
aad qaadato isna dabaqabato.
Golaha guurtidana waxaan leeyahay.
Dalka meeshaad u wadaan maanta waa meel lagu hoogay , waxaad
horkacaysaan hayaan halkaad u sahimiseena waa Haawiya, hadaad sidaa
ku socotaana ifkana waxaad dhaxlaysaan magac xumo, isciil kaambi,
aakhirna waxa idiin horeeyaa waa kayd xaaraan ah , adeerayaal umadii
way yaaban tahay qiimayntiinii iyo qiyaastiinii oo dhami waxay ku
ekaatay kuna soo ururtay woxoogaa xaaraan ah oo faro guudkood la
idiin saaro, hadii aan idin siiyo tilmaan basiid ah iyo muraayad aad
isku eegtaan si aad u aragtaan sumcadiina iyo karaamada aad maanta
leedihiin waa kuwan su’aalaha la isweydiiyo marka la idin faaleynayo:-
1. Shaybe
aan Ilaahiis shukriyin, sharafna xaalaynin
2. Booli
shiisha xaaraan shilalay, tuugo shidhanaaya
3. Ka
shakiyin shaxaadkiyo baryada , shayna ka xishoonin
4.
Shuftanimadu shaalkiisa tahay, sheexin abidkiiba
5.
Shareecadu waxay sheegtay iyo , shubuha aan dhaafin
6. Misna
sheegta sheikh iyo wadaad, shawra lala yeesho
7. Shar
yidhaahda waa xeer sharciya, xaqa shareeraaya
8.
Shaydaankiyo shariigaa iblays , shiinku deyayaaye
9.
Shaacirkii shahaadaad sitow, sharax amuurtiisa?
Baydadkaasi waxay tilmaamayaan in badan oo ka mid ah golaha Guurtida
iyo hab dhaqankooda , ma wada aha Guurtida kumana wada sifoobaan
laakiin sumada inta ku mashquushay laaluushka, Eexda, Caddaalad
darrada ee iibsatay dalkii iyo dadkii ay u dhaarteen.
Tusaalaha iyo taariikhdiina
maanta waa taas , qof kasta oo dalka iyo debediisa jooga oo dulmiga
iyo daacadnimada kala yaqaan oo aan xagjirnimo iyo xiqdi ku jirina
tilmaan iyo tusaale wanaagsan midna idinkama arko, muraayada la isku
eego ee qofku iska akhriyaana waa sumcada iyo taariikhda uu dadka ku
dhex leeyahay , bal dadka waraysta oo inta aan idin shaxaadin ee
isku filan wax weydiiya, maanta taariikhdiinu waa mid madow , waa
mid fool xun , waa mid aan aakhiro iyo iftiin midna ku wanaagsanayn
ee is daba qabta.
Dalku wuxuu galay maanta marxalad
doorasho, tii hore waynu ogayn sidii guurtidu ka yeeshay xogteedii
waynu haynaa waana taariikh qoran, maanta waxaan idiinka digayaa
inaad dalka dhib u horseedaan, waxaanad ogaataan in shacabku gudo
iyo debedba idin eegayo , natiijo wanaagsan iyo mid xuna waxa
ficilkiina keeno la idiinku sedburinayo, natiijada aad soo saartaana
aad abaalkeeda helaysan weliba siyaado la idiinku darayo ee idinku
doorta labadaas taad jeclaataan una diyaar garooba hadeer iyo
hadhowba ?????? ??????? ????????? ??? ????????? ???????
Hadii dib loo eego taariikhdii
bilowgii ee golaha Guurtidu waxay ahayd taariikh aakhiro iyo
iftiinkaba wanaag , sharaf iyo karaamaba lahayd laakiin maxaa maanta
isbedelay , maxaa min halkaa iyo ilaa halka aad maanta joogtaan
masaafada intaa le’eg idin hayaamiyey, waxaad sumcadiinii, iyo
dantii dalka iyo dadkaba siisateen woxooga aan meelna idin
gaadhsiinayn.
Talo waxaan idiin soo jeedinayaa
inaad toobad keentaan Ilaahayna ka xishoo taan waa hadaad Ilaahay
taqaanaan oo aad rumaysan tihiin , waxaan idiin sheegayaa in
dunuubta dalka ka dhacda iyo wixii masiibooyin ay keenaan tal
ooyinka maroora ee aad maanta talinaysaan in aad masuuliyadeeda
leedihiin nin kastana lagala xisaabtamayo wixii dalka ka dhaca
qaybta uu ku leeyahay.
Dhegihii Alle waanshaa waansan ,
waxaa laga yaabaa inaad aflagaado iyo cay u turjuntaan qoraalkan ,
waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdaan mucaarad baa qoray , waxaa laga
yaabaa inaad hadba geed ku laashaan idinku sidaad doontaanba u dhiga
meeshaad doontaana saara laakiin hal su’aal uun is weyd iiya ,
waxaad is weydiisaan waxan la sheegayaa ma jiraan mise ma jiraan,
haday jiraan ha is diidsiinana waayo cawaaqibkeedu way idin huran
yihiin, waxaydaan hurayn horaa loo yeelaa inaad qaadataan iyo inaad
diidaan idink ay idiin taalaa waase talo nasteex taladaan
maanta idin siiyey waxaanan idiin ku soo gaabshay
Dalka iyo dadka dulmiga iyo
duudsiga ka daaya.
Saeed Suleiman
Gudoomiyaha Jaaliyada S/land ee Minnesota
|