WAR SAXAFADEED

 


Haddii aanu nahay Xisbiga UDUB, si buuxdana ula socda hawlaha Hay’adda Interpeace ka qabato Somaliland, isla markaana Interpeace tahay Hay’adda maamulaysa Computarada cusub ee diiwa angelinta cod-bixiyayaasha (Computer based system for voting registration) taasoo Guddiga Do orashooyinka Somaliland iyo Deeq-bixiyayaashu dalbadeen qalabkaasi oo ah lix Computer oo qan daraas ahaan la naadinayo.


waxa soo if-baxay in Interpeace ay carqaladaysay nidaamkii lagu kala saarayay Shirkadihii u tar tamay qandaraaskaasi ee midkood keeni lahayd Computarada ku habboon Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha.


Sida caadiga ah wixii hawlo farsamo waa la wadaagaa, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan iskana kaashanayaan cidda ay wax ka dhaxeeyaan, si loo fahmo cidda danaynaysa waxyaabaha ay  rab to sida Mashaariicda la fulinayo iyo waxyaabaha kale ee loo baahdo haddii ay noqoto  waxyaaba ha loo adeegsado Computerada (Software Feutures).

Xisbiga UDUB waa mid ka mid ah dadka danaynaya waana mid ka mid ah kuwa laga a xidhiidhayo wixii la soo iibinyo caaadi ahaan, marka Urur doonayo inuu soo iibsado qalaba cusub oo  Comput aro ah wuxuu u maraa nidaam, kaasi oo leh tallaabooyin lagu xidhiidho, qorshayn, Noocyada qala bka, qaabka dhisme ahaan iyo hurumarba.


Marka Urur soo iibsanayo qalabka Computerka waxa khasab ah ugu yaraan inuu sammeeyo shan shay oo kala ah:-


1) Qalabka la rabo in la caddeeyo (Technical Specification).
2) Nidaam tijaabo ah (Trial system)
3) In Macluumaad laga haysto Shirkadda lala xidhiidhayo.
4) la booqdo Shabakada Internetka.
5) In aad daabacdo Warbixinaha.


Interpeace xataa umay ogolaan khubarada saddexda Xisbi hawshan u soo wakiisheen in ay arka an isla markaana hubiyaan qalabkaasi cusub, Computeradaasi cusub ee Diiwaangelinta codbixiya yaasha ayaa noqday kuwo fadhiistay ka hor intii aan laga faa’idaysan, Interpeace’na waxay keentay qalabkaasi fadhiistay, sidaasi darteed Somaliland waxay waajihi doontaa khilaaf la mid ah kii ka dhacay Koonfurta Somaliya.


Interpeace, waxay gacan-saar la leedahay oo taageertaa Ururo doonaya in ay carqaladeeyaan Nabada Somaliland, si cadna waxay u kaalmaysaa Akaadamiga Nabada iyo Horumarinta oo olole ugu jirta sidii lixda gobol ee Somaliland u yeelan lahaayeen Ururo Siyaasadeed iyadoo sharci ahaan la ogol yahay saddex Xisbi Siyaasadeed, iyagoo bilaabay Olole ay ku balaadhinayaan jidkii ay ku abuuri lahaayeen Ururo Siyaasadeed.


Akaadamiga Nabada iyo Horumarku sidoo kale wuxuu ka jiraa Koonfurta Somaliya, Ururadaasi oo magacyo kala duwan istimcaalaa si ay u qariyaan aqoonsigooda.

 



C/xaliim M. Muuse
ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB