War saxaafadeed Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kaga jawaabayo eedayntii gudoomiyaha Kulmiye Muse Bixi iyo Hadalkii ka soo yeedhay Eng. Maxamed Xashi Cilmi

 


Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland debed iyo gudeba, aniga oo ku salaamaya salanta Islaamka ee ASALAMU CALYKUM.

Waxaan halkan ka hambalyanay shir gudoonka labada gole ee uu hogaaminayo gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cabdiraxmaan Cirro oo ku guulaysta inay soo afjaraan khilaafkii soo kala dhex galay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa mudane Saylici, khilaafkaas oo hakad geliyay maamulkii dawladnimo eeSomaliland.

War saxaafadeedkan oo aanu u dirnay war baahita Somaliland oo aanu kaga jawaabayno eedayntii gudoomiaha Kulmiye Muse Bixi ku eedeeyay hogaanka sare ee xisbiga Wadani inay xidhiidh Siyaasi ah la leeyihin Siyaasiyin reer Somaliland ah oo u ololeeya Somaliwayn.

Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaan arintaas waxba ka jirin oo ay tahay been abuur ah. Waxaa ayaan darro ah in afhayeenka Xisbiga Wadani Mudane Ibraahim Mahdi Buuba uu gudoomiye Muse Bixi eedayn uga dhigay Tilfoonka Ismaaciil Buuba baad haysa taas oo ah eedayn aad iyo aad u jilicsan.
Dadwaynaha reer Somaliland waxay ogsoonyihiin inuu Mudane Ibraahim Mahdi Buuba uu ka mid ahaa dhaliyardii ka qayb qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland isaga oo dadiisu aad iyo aad u yarayd, iminkan uu ka mid yahay xildhibaanda golaha wakiilad ee u dhaartay Somaliland.
Gudoomiye Muse waxaan leeyahay reer Somaliland way dhaafeen ama waa la dhaafay wakhtigii la odhan jiray mar haddi hebel Xamar tegay beeshiisa oo dhami way la wadaagtaa, maanta waxaa lagu xisaabtama qofkasta waxa mabdaiisu yahay ee qofna qof kale uma eedoobo ama Ismaaciil Buuba ha joogo xamar ama Caydiid Ilkaxanaf ha jooge.
Gudoomiye Muse waxaan waydiinayaa Imisa Agaasime oo Kulmiye ba Xamar Jooga? Tilifoonadoodase ma haysaa? Wasiiro Kulmiya ah baa qirtay inay U ololeyeen inuu Madaxwayaha xamar ku guulaysto doorashadii xamar ka dhacday.
Gudoomiye Muse miyuu ilaaway waraysigii Maxamed Cabdillaahi Oomar markuu isaga oo wasiirka Arimaha Debadda ah oo Norway jooga uu bixiyay ee uu ku sheegay in madaxda Kulmiye oo Muse Bixi iyo Maxamed Kaahin ugu horeeyan inuu la tashaday intaanu Xamar tego iyo in kale ayna kula taliyeen inuu halkaa u sii tago.
Gudoomiye Muse waxaan leeyahay maanta Cabdiraxmaan Cirro isma haysaan ee Xaaji Xirsi Gaab ba hawli idin dhex taala, waxaynu ognahay in maanta ay isagii leexadu sidato.

Waxaannu jecelnay inaanu jawaab ka siino hadalkii uu Eng. Maxamed Xaashi ku duray Xisbiga Wadani iyo hogaanka xisbigaba ee uu sheegay
1. inuu xisbiga Wadani yahay xisbi muxaafid ah oo isaga iyo Kulmiye aanay waxba u dhaxaynin
2. Inuu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Sharci daro ku Fadhiyo Golaha Wakiilada.

Eng. Maxamed Xaashi waxaanu leenahay Xisbiga Wadani waa xisbi Mucaarid ah oo in ka badan dhawr jeer buu gudoomiye Cirro ka cadeeyay fagaarayaashah. taas waxaa ka markhaati kacaysa.
1. War saxaafadeedkii ugu danbeeyay ee uu gudoomiye kuxigeenka Xisbiga wadani iyo Afhayeenka xisbigu si daayeen ee ay kaga hadlayeen xalada dalku marayo iyo dhaliilaha dawladaba.
2. Midawgii Ururkii Umadda ee isagu ugu Mucaaridada kululaa ee la reebay, taas oo ina tusaysa inaanu xisbiga Wadani la midoobeen haddii aanu Mucaarid ahayn.

Waxaa haboon in sharciyada dalka la eego marka laga hadlayo labada xil ee uu hayo Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi oo kala ah
1) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
2) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridah ee Wadani
Sharciga Somaliland baa u banaynaya labadaas Xil, Waxaan jecelahay inaan Eng. Maxamed Xaashi u sheego inuu dhawaan loogu dari doono xil saddexaad oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani.

Haddi sharci daro cidda ku kacday la eegayo Eng. Maxamed Xaashi buu ahaa Wasirkii diiday inuu Hantidhawrka qaranku baadho wasaaradiisa ee yidhi anigaa samaystay hantidhawr u gaar ah Wasaaradayda oo ahayd markii uu Eng. Maxamed Xaashi ah Wasiirka Maaliyada, taas sharci darro ahayd ee inuu Cabdiraxmaan Cirro labo xil isku hayo ma ah mid sharci daro ah.
Waraysigii Eng. Maxamed Xaashi ee ugu danbeeyay 22/02/2013 wax uu muqday inuu Eng. ku ka yare siibtay Siyaasadii oo uu rabo inuu meel ka soo qabsado.

Waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiga UCID inaanu is garabsan sidii laba xisbi oo Mucaarid ah si uu dalku u yeesho Mucaaradad xoggan oo danta dalka iyo dadkaba ilaaliya, ka Wadani ahaan qorshaha nooguma jirto inaanu ku mashquulno u jawaabka UCID ee yoolkayagu waa wixii ka khaldama Xisbul Xaakimka iyo dawladan is barkan. Waxaanu mar walba jecelnahay inaanu anka ( Wadaniga Dhabtah ) iyo Xisbiga UCID meel uga soo wada jeedno kana wada tashano sidii maanta dalka looga saari lahaa marxaldan qalafsan ee laga dhaxlay doorashooyinkii degaanka midnimadii dadka iyo dalkana loo soo celin lahaa.

Mawqifka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani;

1. Jirtaanka Somaliland inuu Yahay mid aan Gorgortan geli karin.
2. In wadahadalada Somalia iyo Somaliland loo wadahadlo sida laba dawladood oo siman
3. Ka qaybgalka shirarka Somalia in lagag qaybgalo maqaam la mid ah kii shirkii london ee Sanadkii hore dhacay, maqaam kaa ka hooseeya inaanu marnaba Xisbiga Wadani taageeri doonin ka qaybgalkooda.

Waxa uu xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ku Baaqayaa;

1. in midnimada la adkeeyo
2. in aminga dalka laga wada shaqeeyo
3. in dawladaha aynu saaxibka nahay iyo ku jaarka ah lagala shaqeeyo nabadgelyada gobolka lana xoojiyo xidhiidhkooda.
4. in wax aliyaala iyo wixii tabasho ah lagu dhameeyo wadahadal,wadtashi iyo isutanaasil oo ahaa arimihii ay Somaliland ku soo caano maashay.

Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani wuxuu mar labaad canbaaraynayaa gabadha yar ee reer Somaliland ah ee u xidhan Wasir ka mid ah xukumada Somaliland, waxaanu ku baaqaynaa in gabadhaas xorayadeedi loo soo celiyo.
waxaanu kale oo canbaaraynaynaa bar tilmaamedka ku aadan xaafada Axmed Dhagax ee xadhiga iyo cagajuglayntah ee dawladu ku hayso dadwaynaha ku dhaqan xaafadaas, ankan markastaba aaminsan inay dawladu sugto amaanka dalka iyo dadkaba talaabo sharciga waafaqsan ka qaado cid aliyaala iyo ciddii amaanka wax u dhimaysa.

ALLAA MAHAD LEH

Faisal Farafidiye
Gudida Fulinta ee Xisbiga Wadani