War Saxaafadeed Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Debada ee Uru rka Umadda uu ku Hambalyaynay Taageerayaasha Ururka Um adda oo soo bandhiga Cududiisa oo aan Ceebi ka raacin ee nimay ku hadhay bay hawli haysaa
 

 

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadwaynaha Reer Soomaliland meel kasta oo ay jooganba,

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin aan la koobi karayn u dirayaa dhamaan taageereyaasha Ururka Umadda oo meel kasta oo ay joogaan aniga oo ku hambalyanaya guusha ka soo hoyatay maalintii koobaad ee ololaha Doorashooyinka Deegaanka.
Runahaanti aniga iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee dalka debadiisa degan farxad aan la soo koobi karayn oo aannu shalayto ilaa xali aanu ku jirnay markii aannu tv yada ka aragnay taageerada Ururka Umadda soo bandhiga dalkeena.
Taas oo aan ilaa saaka aan damacsanaa inaan wax ka qoro oo aan garan waayay waxaan qoro oo aan kulba masaxo tii hore.

Gobolka Awdal:
Waxaan si mug leh ugu mahad celinayaa dhamaan Hawlwadeenda iyo Taageerayaasha Ururka Umadda ee Gobolka Awdal oo si layaab leh oo xamaasadi ku jirto u soo baxay muujiyay sida ay uga goaan tahay Taageeradda ay u hayaan Ururka Umadda.
waxaa la yaab noqotay oo aan horay loo arag dhalinyarada aqoonyahanada ah ee aydun uu soo sharaxdeen golah Degaanka Boorame iyo inta kale ee awdal ka tirsan waanaan ka filayay Gobolka awdal.

Gobolka Maroodi Jeex:
Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karayn u dirayaa dhamaan hawlwadeenda iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee Gobolka Maroodi jeex sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ayun isu mujiseen iyo hadaladii shucurtu ku jirtay ee aydun dareenkiina uga muujiseen Beerta xoriyada ee Hargaysa oo la idinka filayay
Waxaannu idin leenahay Hambalyo, Hambalyo. Hambalyo.

Gobolka Saaxil:
Waxaan Bogaadin iyo mahadnaq hawada u soo marinayaa dhamaan hawlwadeenada iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee Gobolka Saaxil sida layaabka leh ee aydun cududiini iyo taageeradiina Ururka ee maalinamadii iyo habeenkii oo magaalada Berbera la mari kari waayay, aniga oo aad iyo aad uga warhaya raga iyo haweenka halkaas ka hawlgalay waan ka filayay Reer Saaxil taageeradaas waxaan leeyahay Hambalyo, Hambalyo,Hamblayo.

Gobolka Togdheer:
Waxaan halkan ugu mahadcelinayaa Hawlwadeenda iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee Gobolka Togdheer hooyadii Soomaliland Run ahaanti waxaan ku sifeeyo taageerada Reer Togdheer ama aan ku qiyaasi karo oo aanay jirin, waxaan leeyahay ishaa ku macalin ah ama aan idhaahdo ( Mudo badan ba Togdheer muran ka taagna oo Urur ba Urur inuu muquunsho rabaye allayle Umadda { Ururka Umadda } ayaa Mulkiday Ayaanlowe)

Gobolka Sool:
Waxaan si mug leh ugu mahad naqayaa Hawlwadeenda iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee gobolka Sool sidii sharfta lahayd ee aydun u muujiseen taageeradiina oo ahyd mid loo filayay inuu Gobolka Sool yahay meelah uu Ururku awooda ku leeyahay.

Gobolka Sanaag:
Waxaan si aad iyo aad u culus ugu mahad celinayaa dhamaan hawlwadeenad iyo taageerayaasha Ururka Umadda ee Gobolka Sannag, Gobolkani waa halbawlaha Ururka waana Gobolka uu ku dhaato oo aanay cidina kula gorgortamin taasna shalayto ay cadaatay oo aydun muujiseen.
waxaa wax lala yaabo ahayd Fardaha Calankii Ururka Umadda Huwanaa .

Guusha ugu wayn ee Ururka Umadda ka soo hooyay isu soo baxa ololaha doorashada Deegaanka taas oo ku soo dhamaatay si nabadgelyo ah oo aan la soo sheegin meel keliya ah oo cid wax ku gaadheen taas oo ah wax ilaahay loogu mahad naqo iyo dadwaynaha Ururka Umadda taageera oo nidaamka iyku ilaalinaya.
waxaan u mahad celinayaa cidamada amaanka ilaalinayay oo si xilkasnimo leh u gutay waajibkoodi qarannimo.

ALLA MAHAD LEH



Xidhiidhka Debada ee
Ururka Umadda

Faisal Farfidiye