WAR SAXAAFADEED


Hargeysa  Axad Dec 6 2009 (Timacade News)- Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka  soc da dalka Masaarida oo uu hogaaminayo danjiraha Dawlada Masaarida u qaabilsan arrimaha Somalida iyo Somiland Ambassador Saciid M. Morsy oo fadhisgiisu yahay magaalada Nayroobi caasimada dalka Kiiniya.


Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale kaahin oo hadal kooban u jeediyey  we ftiga waxa uu ka dhawaajiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee waligiiba ka  dhexeey ey Somaliland iyo dalka Masaarida iyadoo waligeedba Masaaridu ay ummada  Somal iland ka taageeri jirtay dhinaca Waxbarashada, iyadoo ilaa imikana ay macalimiin  M asaari ahi ay wax ka dhigaan dugisyada iyo madaarista Somaliland.


Madaxweynuhu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta waxa uu soo qaatay socdaaladii uu ku tegay dhawr waddan oo ay ka mid yihiin  Ye men, Imaaraatka Carabta (UAE) iyo dalka Kuwayt isaga oo carabaabay in ay  laga mamaarmaan tahay in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta.

Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “ Anagu diyaar baan u nahay in walaalahayo carbeed anu wax la qabsanno isla markaana anu iska kaashano waxyaabaha mandaqada ku soo kordhay oo ay ka mid yihiin budhcad  Ba deedka iyo Argagixisada”.


Danjiraha Dawladda Masaarida mudane Ambassador Saciid waxa uu isaguna  kulan kaasi uu ka sheegay in dawlada Masaaridu ay diyaar u tahay in waddanka  Somalil and ay ka caawiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin kor u qaadida Waxbarashada iyo meelaha kale ee baahiyuhu ay ka jiraanba.


Ambassadorku waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo weftigiisuba ay ku faraxsan yihiiin soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen xukuumada iyo shacbiga Somaliland intii ay dalka ku sugnaayeen, waxana uu intaa raaciyey in xukuumada Masaarida iyo madaxweynahageeba uu gaadhsiin doono fariinta qaaliga ah ee madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayale Kaahin uu u gudbiyey iyo arrimihii ay ka wada hadleenba”

 



Allaa Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL