War saxaafadeed Laanta Xisbiga Kulmiye ee Birmingham


 


Shir ay qabsadeen gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee Birmingham oo uu gudoominayey Gudoomiya ha laanta Birmingham Abdikhaliq sheikh Osman Nuur ayaa qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 1da April .

Shirkan ayaa ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan sagaalka xubnood ee ka tirsan gudida laanta Birmingham. Waxaa shirkaas lagaga wada hadlay qodobo dhawr ah kuwaas oo looga dan lahaa sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha xisbiga ee Gobolka West-Midland ee caasimadiisu tahay Birmingham isla markaana ah magaalada labaad ee Ingiriiska.

Waxaa xusid mudan in magaalada Birmingham ay tahay qalcad ka mid ah ah qalcadaha ugu waaweyn ee xisbiga kulmiye ku leeyahay qurbaha .Waxay door weyn oo muuqda ka qaadatay ololaynti doorashadi ugu danbaysay ee xisbiga kulmiye ku qabsaday talada dalka ee ka qabsoontay 2010 kii.

Shirkan ay gudidu qabsatay ayaa hor dhac wuxuu u noqon doona shirar is daba jooga oo ay taageerayssha xisbiga kulmiye qabsan doonaan maalmaha soo socda.

Shirkan oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad ayaa waxaa laga soo saaray qodobadan hoos ku qoran:



1- Dardar gelinta hawlaha xisbiga ee laanta Birmingham

2- Qabsoomida shir lagu soo dhawaynayo taageerayaasha ururadi ku soo biiray Xisbiga doorashadi golaha degaanka ka dib.

3- Waxaanu aad u taageersanahay shirki golaha dhexe ee xisibiga kulmiye ku qabasday magaalo madaxda Somaliland Hargaysa, waxaanu leenahay dhamaan Madaxweynaha iyo masuuliinta xisbiga hambalyo.

4- Waxaanu sidaa si le’eg u tahniyadayneynaa una taageersanahay go’aanki geesinimada lahaa ee uu qaatay madaxweynaheenu Muj Ahmed Mohamed Mohamuud (siilaanyo) ee ku saabasana inaanay Somaliland ka qayb gelin shirka London ka dhacaya dhawaan ee khuseeya dalka jaarkeena ah ee Somaliya.





War saxaafadeed Xafiiska laanta

Gu. Abdikhaliq Sh Osman

Gu. ku xigeenka kowaad Mahamuud Hirsi Duudu



Somaliland Guul iyo Gobanimo