War Saxaafadeed Ka Soo
Baxey Madaxda Hogaanka Sare Ee Beesha Muuse
Dheriyo Ee Somaliland Kuna
Canbaareynayaan M -Puntland
Doha (Longlivesomaliland News)-War saxaafadeed ay ka soo saareen
madaxda hogaanka sare ee beesha Muuse dheriyo ee Somaliland shir iyo
gorfayn ay in mudo ah ku jireen oo ay ku eegayeen xaalada guud ee
Beelaha Gabooyaha ee guud ahaa wadankii la odhan jiray Somaaliya
ayaa waxay ka soo saareen Camba areyn ay u jeedinayaan
maamulka isku sheega Maamul goboleedka Puntland wax aana u
qornaa Press release ka ay soo saareen sidan:
Waxaanu isla aragnay markii aanu in mudo ah ku jirnay gorfayn aanu
ku eegayno xaalada Beelaha Gabooye guud ahaan gaar ahaan Gabooyaha
Puntland in ay ka jirto maamulka isku sheega ama dowlada isku
sheegta Puntland in aan xaquuqdii ay ku lahaayeen Beelaha Gabooye ee
deegaanka ah ee Puntland aan xuquuqdii ay ku lahaayeen deegaanka ay
u dhasheen ee Puntland aanay ka helin dowlada ka jirta goboladaas oo
aanay ka muuqan guud ahaan maamulka deegaanada ka jira hadii ay
noqoto golaha wasiirada barlamaanka iyo maamulada gobolada iyo
degmooyinka taas oo ah mid laga damqado ama muujinaysa cadaalad la
aanta iyo xaqsoor la aanta ka jirta maamulkaas Puntland.
Puntland oo ay degan yihiin beelo Gabooye ah oo baaxad weyn leh oo
kala ah beesha Madhibaan iyo beesha Tumaal oo tiro iyo tayo fiican
ku leh gobolada Puntland isla markaasna ku abtirsada degaanadaas
ayaa wax laga xumaado ay tahay in aanay weli ka muuqan maamulka iyo
dowlada ka jirta Puntland iyo nidaamka ay samaysteen oo iminka dhawr
iyo toban sano shaqaynaya.
Hadii aanu nahay beehsa Muuse dheryo oo ku abtirsata Somaliland oo
maanta ay ka jirto dowlad iyo maamul ku yimid cadaalad iyo xaq soor
ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan beelaha dega ama ku wada
abtirsada Somaliland oo dhamaan ay beeluhu ku wada jiraan ama ay ka
wada muuqdaan maamulka iyo dowlada in beelaha yar yar iyo kuwa
waaweyni dhamaantood ay intii macquul ah ku qanacsan yihiin isu
tanaasulka iyo maamul wanaaga ka jira Somaliland taas oo u horseeday
dadka iyo dalka Somaliland nabad iyo wanaag oo aanu beel ahaan ku
qanacsan nahay maamulka iyo demoqraadiyada ka hana qaaday Somaliland
isla markaana beel ahaan aanu ka helnay qaybtii ama saamigii aanu ku
lahayn.
Mar kale waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa maamulka Puntland ee
dhawr iyo toban jirsaday ee ay noqotay mid iska caado noqotay in la
dulmo ama xaqooda la duudsiyo beelaha aanu soo xusnay ee Madhibaan
iyo Tumaal oo aanay ilaa iyo iminka suurto gelin in la xuso oo ay
helaan saamiga ay ku leeyihiin ka beel ahaan dowlada ka jirta
Puntland waxaananu u sheegi lahayn beelaha iska maamusha deegaanka
Puntland inay dhamaatay wakhtigii isla weynida iyo is yaraysugu oo
ay ku qancaan waaqiciga jira iyo xaqa ay u leeyihiin beesha
Madhibaan iyo Tumaal inay helaan xuqooqda ay ku leeyihiin deegaanka
ay u dhasheen sida beelaha kale ay uga qayb noqdeen maamul qaybsiga
iyo haybada wadaninimo ee Puntland isla markaana waxaanu u soo
jeedinaynaa maamulkaas Puntland inay tusaale u noqoto Somaliland
sida wanaagsan ee quruxda badan ee beelahoodu ay wax u qaybsadeen
iyada oon la eegayn hayb iyo magac taas oo si simana looga qayb
gelayo dowlada iyo maamulka.
Waxaanu si toos ah u gaadhsiinaynaa baaqan Madaxweynaha Golaha
wasiirad Barlamaanka Hogaan dhaqameedyada iyo mujtamaca reer
Puntland inay ka tanaasulaan dulmiga iyo cadaalad la aanta ay kula
kacayaan beelaha Madhibaan iyo Tumaal ee wallaalahood ah ee
qarniyada badan wada noolaayeen taas oo dareenkeedu xanuun badan
yahay foolxumada ay leedahay in la duudsiyo beelo ka mid ah
deegaanka Puntalnd isla markaana aan la siin xaqa iyo xurmada
wadaninimo oo ay beel ahaan ku lahaayeen deegaanka ay ku abtirsadaan
iyada oo hadii wax laga qaban waayo xaqsoor la aanta lagu hayo
beesha Madhibaan iyo Tumaal ay keeni doonto in aanu dhawaaqayaga
gaadhsiino beesha Caalamka si culays loo saaro maamulkaas Puntland.
Dhanka kale waxaanu u soo jeedinaynaa wallaalahayga beesha Madhibaan
iyo Tumaal inay dedaal u galaan sidii ay u heli lahaayeen xaqooda
wadaninimo ee ay ku leeyihiin dowlada iyo maamulka Puntland oo aanay
marnaba ka seexan wax kasta oo ay ku qaadato sidii ay uga mid noqon
lahaayeen nidaamka beeleedka ka jira Puntland maamulka iyo goaan
qaadashda aayaha iyo nidaamka maamul ee Puntland taas oo aanu hubno
inay gaadhi doonaan Insha Allaah hadii ay naf iyo maalba u huraan
sidii ay u heli lahaayeen xurmadii beeleed ee ay lahaayeen ee ay
baal mareen beelaha Daarood ee samaystay Puntland ee iyaga uun isku
koobay dowlada isla markaana aan siin xaqoodii beel ahaaneed.
Waxa kale oo aanu baaqayaga ugu yeedhaynaa in badan oo ka mid ah
beelaha Madhibaan iyo Tumaal oo wax garad ah oo qaarkood ay ku sugan
yihiin Somaliland oo soo galay Somaliland isla markaana leh
salaadiin iyo madax dhaqameed ka yimid Puntland ka dib markii ay
xuquuqdoodii beeleed ka waayeen Puntland inay halgan u galaan sidii
ay dib ugu noqon lahaayeen Puntland oo ay halgan uga geli lahaayeen
sidii ay beeshooda Madhibaan wada hadal iyo dedaal ugu geli lahayd
inay u hawl gasho helitaanka xuquuqdooda beelood si ay u hesho
xurmadii iyo xaqii wadaninmo ee beel ahaaneed inay ka hesho dowlada
Puntland oo ah maamul jira oo shaqaynaya waxaananu ku boorinaynaa
wallaalahyo beelaha Madhibaan iyo Tumaal in la dhaafay wakhtigii is
yaraysiga iyo duudsiga oo ay ku tusaale qaatan dedaalka aan kala goa
lahayn oo ay geshay beesha Muuse dheriyo oo maanta gaadhay intii
macquul ah xaqii iyo xurmadii beeleed ee ay lahayd waxaananu u
sheegaynaa in aanu ku farxi lahayn in aanu aragno beelaha Madhibaan
iyo Tumaal oo hela xuramadii iyo xaqii wadaninimo ee ay ku lahaayeen
deegaanka ay ku abtirsadaan ee Puntald halkii ay doolaal ku ahaan
lahaayeen Somaliland.
Sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa qurba joogta beelaha Madhibaan
iyo Tumaal inay dedaal u galaan sidii ay kaalin weyn uga qaadan
lahaayeen dedaalkaas iyo sidii ay u midayn lahaayeen beelahooda oo
wax walba loogu bixin lahaa gaadhista xuquuqdoodii beeleed ee
deegaanka ay ku abtirsdaan ee Puntland taas oo noqonaysa guul u soo
hoyatay beelahooda iyo guud ahaan Gabooye oo dhan.
Warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Hogaanka sare ee beehs Muuse
dheriyo ee Somaliland waxa ka mid ah aqoonyahan yahankii iyo
madaxdhaqameedkii soo saaray:
1:Suldaanka Guud ee Muusa dheriyo:
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaaciil.
2:Suldaanka Guud ee gabooye ee
Somaliland:Suldaan Axmed Ismaaciil Cismaan Buuri.
3:Boqorka Beesha Gabooye :Boqor Xaaji
Muuse Cabdi.
4:Cheif Caaqilka Beesha Muuse dheriyo:
Cheif Caaqil Cabdi Cige Huube.
5:Caaqil Muuse Dheriyo: Xasan Haybe
Caateeye.
6:Gudoomiyaha Qurba Joogta Muuse
dheriyo:Axmed Maxamed dhinbiil.
7:Aqoonyahan:Dr. Cabdilaahi Maxamed
Jaamac Faantamas.
8:Aqoonyahan: Cali Maxamuud Saban.
9:Aqoonyahan: Barkhad Cabdi Cige,Mr
Gaboye.
10:Aqoonyahan:Mustafa Ismaaciil
Dhinbiil.
By:mustafadhimbil@yahoo.com
|