WAR
SAXAAFADEED
Qaabka qarannimada iyo hannaanka
dawladnimo ee JSL, waxa aasaas u ah Dastuurka Qaranka. Tiir
dhexaadka diimoqraadiyaduna waa wada tashi iyo talo wadaag in lagu
maamulo arrimaha dawladeed, isla markaana lagu maareeyo khilaafaadka
ka dhex dhasha hay’adaha siyaasadeed iyo sharci-dejineed ee dawladda.
Khilaafaadka muddadan dambe ka taagnaa Somaliland waxa sababta ugu
weyni tahay marka uu M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu si buuxda u
diidey in la wada yeesho wada tashi sida uu Dastuurku ku tilmaamayo
qodobkiisa 9aad ee ugu muhiimsan oo tilmaamaya “ Nidaamka
siyaasadeed ee JSL waxa saldhig u ah, nabad, talo wadaag,
dimoqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyada badan”.
Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE, iyagoo tixgelinaya danta
guud ee qaranka, waxay ogolaadeen go’aamadii ka soo baxay guddida
dhexdhexaadinta ee ay sababtay muddo kordhinta is daba jooga ahayd
iyo dib u dhacyadii doorashada madaxweynaha.
Labada xisbi qaran waxay aaminsanyihiin in go’aamada guddida
dhexdhexaadintu ay dhamaystir noqon karaan marka:
a) Dhinacyada khilaafku dhexmaray ay dhamaantood si rasmi ah u wada
saxeexaan.
b) Qodobada uu ka koobanyahay go’aanka guddidu qodob qodob looga
wada hadlo farsamo ahaan, loona dhaqan geliyo.
Waxa marag madoon ah, sida taariikhdu ina bartay, in saxeexa
go’aamada heshiiska ee uu diiday Madaxweynuhu aanay ugub ahayn, oo
uu caadaystay inuu ka baxo heshiis kasta oo la wada galo, waxaana
markhaati u ah:-
Heshiiskii 24/01/2004 ee gobolada bari (Sanaag bari iyo Sool), ee ay
wada galeen xisbiyada mucaaradka, xukuumadu, iyo golayaasha
sharci-dejinta laguna go’aamiyey in guddi qaran la sameeyo (Madaxweynahana
ayaa ka baxay).
Nov 7th 2004, oo isna gobolada bari khuseeyey, ayna wada galeen
Madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, iyo Gudoomiyaha Guurtida, laguna
heshiiyey inuu Madaxweynuhu soo magacaabo guddi heer qaran ah, oo uu
ka baxay.
Markay labadaas hore hir-geli waayeen, ayaa hadana 2005 kii,
guddidii Madaxweyne ku-xigeenku madaxda ka ahaa iyo xubno golaha
wasiirada ah loo magacaabay gobolada bari, laguna heshiiyey in
xisbiyaduna ka qayb qaataan, kadibna waxaa ka baxay M/weynaha.
Heshiiskii Sheekh ee turxaan bixinta xukuumada, golayaasha xeer
dejinta iyo xisbiyada oo ahaa Oct, 2006, isna wuxuu ka burey dhinaca
Madaxweynaha.
Heshiiskii taakulaynta gobolada bari ee 2008 oo isna ka fashilmay
dhinaca xukuumada.
Heshiiskii ay guddida dhexdhexaadinta ay ka midka ahaayeen Abwaan
Gaariye iyo Abwaan Hadraawi, laguna dhexdhexaadiniyey xukuumada iyo
golaha wakiilada, oo isna ka burburey dhinaca madaxweynaha.
Heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranka ee 9 June,
2008 ee la xidhiidhsanaa muddo kordhintii xukuumada ee hore, ee
sanadka ahayd ee sideeda qodob ka koobnaa, ee sharciyada xukuumadu
ku fadhido ilaa manta, oo isna ka burey dhinaca madaxweynaha, iyadoo
lawada saxeexey.
Heshiiska 10th Feb, 2009, ee ay wada galeen saddexda xisbi qaran iyo
komishanku, laguna heshiiyey arrimaha server-ka, oo aan waxba ka
hirgelin.
Heshiiskan ugu dambeeye ee taagan, ee uu saxeexiisii diidanyahay.
Markayanu u soo noqono warsaxaafadeed kii madaxweyne Daahir Rayaale
uu jeediyey Sabtidii 09/05/09, waxa ku cadayd inuu ogolyahay
go’aamada, isla markaana uu diidanyahay saxeexa (waan aqbalay iyo
saxeexi mayo waxa dhexdooda ku jira waa been). Diidmada Madaxweynaha
in uu saxeexo go’aamada guddida dhexdhexaadinta waxay mecneheedu
tahay in aanu ogolayn heshiis ah, taasina waxay ka soo horjeedaa
rabitaanka dadweynaha, waana cahdi la’aan ka muuqata Daahir Rayaale.
Hab-dhaqanka siyaasadeed iyo hogaaminta (Leadership) waxaan hore
taariikhda siyaasadeed loogu arag nin hogaamiye ah oo yidhaahda
heshiis la gaadhay waan aqbalay, saxeexina maayo.
Astaamaha hogaanka qaran kasta waxa aasaas iyo bud-dhig u ah marka
qaran ay hay’adihiisa siyaasadeed khilaafaad dhex yimaado, inuu
hogaamiyuhu iska xil saaro sidii xal looga gaadhi lahaa wada tashina
looga yeelan lahaa, hogaamiyaha noocaas oo kale ahi waaka leh isku
kalsoonaanta iyo ku shaqaynta wada tashiga; hasa yeeshee sifaha ka
muuqata Daahir Rayaale Kaahin waa mid aad uga fog astaamaha
hogaaminta aanu kor ku tilmaanay, astaanta qudha ee ka muuqatana ay
tahay axdi la’aan, ballan la’aan, run sheeg la’aan iyo daacad la’aan,
isagoo xilka madaxweynanimo ka yaqaan aniga ayay igu gudhaa oo qudha.
Waxaa ah wax lala yaabo aniga…aniga iyo tixgalin la’aanta ra’yiga
iyo dareenka ummadda.
Markaynu u soo noqono dhinaca sharciyada ee uu ka hadlay ee uu ku
eedeeyey xisbiyada aqoon la’aanta sharciyada, waxaanu halkan ku
cadaynayna in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay aqoon darro
siyaasadeed iyo sharciyadeed ba ay ka haysato Dastuurka iyo
shuruucda kale ee dalka. Tusaale ahaan, waxa uu warsaxaafadeed kiisa
ku sheegey:-
In aan madaxweynaha lagu samayn karin maamuus ka xayuubin sannadka
ugu dambeeya ee mudada xilkiisa.
Arrintan waxa ka hadlaya qodobka 56aad ee Dastuurka qaranka,
mawduucuna waa “Kala diridda Golaha Wakiilada”, faqradiisa 7aadna
waxay u qorantahay sidan “ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada
sannadka ugu horeeya ee muddada xilkooda iyo sannadka u dambeeya ee
muddada xilka Madaxweynaha”. Haddaba, Daahir Rayaale Kaahin aqoon
darrada uu sheegayaa ma isaga ayay haysataa mise xisbiyada
mucaaradka ayay ka muuqataa?
Jawaabtu waxay tahay Madaxweynaha ayay haysataa aqoon darro iyo
jaahilnimo sharciyeed, sababtoo ah nuxurka qodobkan wuxuu ka
hadlayaa kala diridda Golaha Wakiilada ee maaha xil ka qaadista
Madaxweynaha, halka uu isagu u mecneystay inaan xilka laga xayuubin
karin sannadka ugu dambeeya. Waxaanu garanayn inuu isagu yahay
madaxii fulinta, oo ilaa daqiiqada ugu dambaysa ee muddada xilkiisa
laga xayoobin karo.
Labada xisbi qaran waxay soo dhoweynayaan haddii ay dhab ka tahay
hadalkiisii ku saabsanaa in doorashadii Madaxweynuhu ay dhacayso
27/09/2009 oo aanay ka dambaynayn, iyo in server-ku haddii uu liiska
kama dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha uu soo saari waayo ugu dambayn
15/06/2009, inay xisbiyadu isaga iman doonaan, talo wada jir ahna ka
gaadhi doonaan.
Waxaase lagama maarmaan ah in la dhamaystiro ka hor intaan
doorashada la gaadhin qodobadii guddida dhexdhexaadinta oo ay ka mid
yihiin qodobadan soo socda:
Magacaabista Guddi heer qaran ee ilaalinta hantida qaranka iyo
warbaahinta qaranka.
Ka wada tashiga arrimaha Komishanka Doorashooyinka.
Ansixinta muddo kordhin la’aanta Madaxweynaha.
Miisaaniyadda doorashada oo 25% oo ilaa hadda ay ka sugayaan
deeq-bixiyayaashu.
Iwm.
Waxa M/weynaha looga fadhiyaa hirgelinta qodobada heshiiska,
gudoomiye xisbi ahaan iyo madax xukuumad ahaanba inuu ka fuliyo
wixii ku aadan dhinaciisa.
Bulsho weynta reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in labadayada
xisbi qaran ay diyaar u yihiin inay dhinacooda ka hirgelinayaan
qodobada heshiiskaas, sidoo kalena waxaa idinkana la idinka rabaa
inaad ka markhaati kacdaan, kalana xisaabtantaan cidii heshiiskaa
dhinaceeda ka fulin wayda.
“SAXEEX LA’AAN
WAA HESHIIS LA’AAN”
“BALLAN LA’AANA
WAA DIIN LA’AAN”
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Aadan Maxamed Mire (Waqaf)
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye K/s Gudoomiyaha
Xisbiga UCID
|