WAR SAXAAFADEED

 

 

 


Taariikh: 14/09/2011




Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qas riga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo ka socda safaarada ay dawl ada Ingiriisku ku leedahay Addis Ababa.



Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda msiisio, isla-mark aana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt wood s iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumar inta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina.



Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay kulankooda kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi la haa horumarinta arrimaha bulshada iyo adkaynta nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka ah, iyada oo kulankanina uu daba socday kuwa ay hore u wada yeesheen labada dhinac, isla-markaana ay dawlada UK u soo dirtay xubnaha weftigan xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, maad aama uu marba marka ka sii dambaysa xididaysanayo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee labada Dawladood.



Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay booqashada weftiga ay ku yimaa deen Somaliland, isaga oo dawlada UK-na ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeda hay Somaliland.





ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.