WAR
SAXAAFADEED
Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)
waxa uu maanta soo sa aray xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay NO:
0131/052011 .
Xeerkaasi oo uu Madaxweynuhu ku baabiiyey heshiiskii Shirkadda Total
Oil Mer Rouge ay ku m aamulaysay Haamaha Shidaalka iyo Furida Soo
Dejinta Shidaalka.Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi xeerkiisa sidan:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 1aad iyo 6aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu La Tashaday: Hay’adaha Qaran ee ay khusayso;
Markuu Arkay: Heshiiska u dhaxeeya Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge iyo
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee aan la dhamaystirin sida uu
qeexayo Qodobka 1aad, Faqradiisa 2aad iyo Qodobka 3aad Faqradiisa
5aad ee hashiiskan aan dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL iyo
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In la baal maray Qodobka 53aad, Faqradiisa 3aad ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 12aad, Faqradiisa (T)
ee Axdigii Ku meel-gaadhka ahaa ee berigaa la raacayay (1993
Charter);
Markuu Arkay: In Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge ka baaqsatay in ay
dayactirto dhamaan Haamaha Shidaalka ee Dekadda iyo Madaarka Berbera,
isla markaana aanay jirin wax maanta u yaala oo qalab ama agabkii
kale, ee loo baahnaa hadii ay dhacdo in ay ciladi timaado sida uu
dhigaayo Qodobka 2aad, Faqradiisa 1aad ee heshiiska aan
dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Diidmada Golaha Wakiiladu in ay ansixiyaan heshiiska
aan dhamaystirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo Qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge ka baaqsatay in ay
keento shidaalka muddo labo sano ku siman, iyada oo ay ahayd in ay
keento shidaalka sida uu qeexayo Qodobka 2aad, Faqradiisa 1aad ee
heshiiska aan dhamaytirnayn ee u dhaxeeyay TOTAL Oil Mer Rouge iyo
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Waayay: Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge xisaab celin cad oo
ku saabsan hantida gashay meesha sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha Qaran
ee ay khusayso;
Markuu Ka Fiirsaday: In ay Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge wareejisay
saamiyadii shirkadeed iyada oo aanay u dhamaystirnayn sharciyadii
looga baahnaa in ay ka helaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha JSL, isagoo tixgelinaya qodobada kor ku xusan,
gudanaayana waajibaadkiisa Qaran ee dastuuriga ah, wuxuu go’aansaday:
1. In Haamaha Shidaalka Berbera maamulkeeda laga wareejiyey Shirkada
Total Oil Mer Rouge, isla markaana dib loogu soo celiyo maamulka
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland laga bilaabo maanta oo ay
taariikhdu tahay 22/05/2011.
2. In Guddi uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsigu madax ka yahay loo
magacaabo, kana kooban:
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska,
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,
- Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.
3. Guddidu waxay soo sugi doonaan isla markaana diiwan gelin doonaan
dhamaan Hantida halkaa taala.
4. In ay Wasaaradda Ganacsigu
tahay Hay’adda Qaranka ee maamuli doonta Haamaha Shidaalka.
5. In wixii xisaab ah ay isaga yimaadaan Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Shirkada TOTAL Oil Mer Rouge.
6. Shaqaalaha jooga Haamaha Shidaalka xuquuqdooda waxaa la wareegaya
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland laga bilaabo taariikhda Go’aankan,
wixii hore waxa ay ku leeyihiin shirkada TOTAL Oil Mer Rouge.
7. In wixii xisaab ah lagu wareejiyo Baanka Dhexe ee JSL.
8. Guddidu waxay samayn-doonaan tartan xor ah iyo qandaraas furan oo
lagu tartamo, inta ka horaysana Guddida ayaa gacanta ku hayn doonta
9. Haamaha Shidaalka ee Berbera.”
|