War Murtiyeed Ka Kooban 31 Qodob Oo Laga Soo Saaray Shirkii Turkiga
Dawlada Soomaaliya uga socday
Istanbul (TNN):-Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Istanbul
lagu soo gaba gabeeyay Shirka Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee
Somaliya iyo Bahwadaagta Beesha Caalamka, kaa soo Talaadadii uu
daah-furay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Shirkan waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 31 qodob, oo
looga hadlay arrimaha Somaliya, iyadoona ay qodobadaasi taabanayeen
dhinacyo badan.
Qodobada ugu muhiimsan ee War Murtiyeedka lagu xusay waxaa ka mid
ah:-
In la sii wado taageerada heerka caalami ee la siinaayo Somaliya,
gaar ahaan Turkigu inuu ball aariyo taageeradiisa ku aadan Somaliya.
In Isbitaalka Erdogan ee ku yaala Magaalada Muqdisho uu ka mid yahay
Isbitaalada Bariga Afr ika ugu wayn, isla-markaana uu noqdo kuwa ugu
sareeya ee xagga cilmiga laga dhigo.
In Safaaraddii ugu weyneyd ee Turkiga uu dhawaan ka furi doono
Magaalada Muqdisho.
In Turkiga uu mucaawino gaarsiin doono dadka Somaliyeed, meel kasta
oo ay jooggaan.
In Dowladda Federaalka Somaliya laga caawin doono marxaladda
habraaca xilliga kala guurka ee sanadkan.
In sanadkan 2016 ay doorasho xor ah ka dhacdo dalka Somaliya.
In caalamka uu arkay in Dowladda iyo Somaliduba ay sameeyeen horumar
xoog leh, markii la isla wada arkay qiimayn ay ka keeneen
Barnaamijka Hiigsiga ee 2016.
In caalamku uu taageeray qorshaha horumarineed ee Dowladda Somaliya
dejisay inta u dhax eyso 2017-2019.
In la dedejiyo dib u eegista Dastuurka Somaliya.
In la ballaariyo dib u dhiska Ciidanka Booliska Somaliyeed.
In la xoojiyo la dagaalanka xagjirnimada iyo argagaxisada.
In la illaaliyo xuquuqda carruurta iyo haweenka, waxbarashada iyo
arrimaha caafimaadka.
DHAMAAD
|