War Deg-deg Ah:- Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Tuulada Xamaas Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Sababay

 



Taliyaha ciidanka bileyska ee gobolka Saaxil Jaamac Cali ayaa Xaqiijiyey in shilkan ay ku dhinteen inta la hubo shan qof....


Berbera (TNN):- Shil baabuur oo ka dhacay tuulada xamaas oo u dhaxaysa magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ayaa sababay dhismasho iyo dhaawac tiro badan.Taliyaha ciidanka bileyska ee gobolka Saaxil Jaamac Cali ayaa Xaqiijiyey in shilkan ay ku dhinteen inta la hub o shan qof oo laba ka mid ah la gaadhsiiyey cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera halka saddexda qof ee kalena taliyuhu sheegay in ay saran yihiin gaadhigiisa.

halka sidoo kale uu tibaaxay in aanay jirin tiro rasmiya oo ku dhaawacmay Shilkaasi oo la hubo balse ay jiraan dad badan oo shilkaasi ku dhaawacmay.

Taliyaha ayaa sheegay in shilkan uu sabab u ahaa isku dhac laba gaadhi oo kala ahaa Surf Iyo Landcruiser una kala socday bari iyo galbeed goobta shilku ka dhacayna ay ahayd tuul ada Xamaas.
 

 


Weriye Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland