War Deg Dega: Ciidanka Booliska Gabiley Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay
Oday Caan Ka Ahaa Magaalada Gabiley

Oday Cumar Barkhad Bulaale iyo shan 5 oday oo kale ayaa caawa laga
soo qab qabtay guryahooda oo ku yaala magaalada Gabiley....
Gabiley (TNN) – Ciidanka Booliska
magaalada Gabiley, ayaa Xabsiga u taxaabay oday caan ka ahaa Gobolka
Gabiley ,oo layidhaahdo Cumar Barkhad Bulaale
(Cumar Gudbane), odayg an
oo dhawaan ku dhawaacmay shil gaadhi.
Oday Cumar Barkhad Bulaale iyo shan 5 oday oo kale ,ayaa caawa laga
soo qab qabtay g uryahooda oo ku yaala magaalada Gabiley, ka diba waxa
loo soo dhaadhiciyay Saldhiga B ooliska ee Iftin magaalada
Hargeysa.
Ilaa hadda lama oga sababta loo soo qabqabtay odayaashan reer
Gabiley, laakin goob joo ge ku sugnaa magaalada Gabiley, ayaa saxaafada
u xaqiijiyay inuu arkayay laba gaadhi o o ciidan ah , in ay guryahooda
kala soo baxeen odayaashan.
Baryahan danbe waxaa soo badanayay qab qabashada Siyaasiyiinta iyo Madax dhaqeem dka
Gobolka Gabiley, oo ilaa 20 ka mida
Xabsiyada loo taxaabay.
Timacade News Desk
|