Waqtigii Doorashada oo la xaqiijiyay iyo Qoraal kaa Caawin kara halka aad Codkaaga Dhigayso



Abwaan:Siciid Cabdi Dheen

Waxay qarsoonaataba maanta ayaa shaaca laga qaaday waqtiga aydoorashada somaliland dhacayso.Waxay soo jiitantaba maanta ayay si geesinimo leh gudiga komishanku u  xaqiijiy een waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo dorashada somaliland.

Waxaan u arkaa kooxdan cusub ee komishanka in ay aad u fiican yihiin runtiina aad uga  ha wlkarsan yihiin ragii hore.Waxaad moodaa inay yihiin rag go,aan leh kana go,an tahay in dalkanay doorasho u qabtaan si cadaaladana umadooda wax ugu qabtaan. Waa sidii nin ge esiya lagu arki jiray maalinta loo baahdo inuu dhiiradowaxaan leeyahay HANBALYO GUDIDA KOMISHANKA .

Waxase qosol ka joogaa dhinaca xisbiyada qaranka oo maanta la yidhi qudhaanjooy ku  quu so waqtigii doorashadu waa 26june2010.ma jirto dib u dhac iyo wali diyaar ma ihi iyo  waqti ga ii yara kordhiya si degdegana waxa loo shaacinayaa natiijada kasoo baxda foodka.

hadaba laba kooxood ayaga waxa ka dhex taagan hirdan iyo loolan aad u foolxun oo aan runtii loo baahnayn xisbiga udub iyo kulmiye ayaa dimuquraadiyadii ka dhig ay wax aad u qaab daran shalay ayaad ogayd CEERIGAABO in udub taageerayaashoodu ay burburiyeen goob ay kulmiye shirarka ku qabsan jireen .isla wax uar ka dib ayaa taageerayaasha  kulmi yana burburiyeen goob ay ku shiri jireen udub.

Waxaad markiiba dhacay shiid qaylo iyo buuq waxa nasiib daro policku rasaas la  beegsade en shacabkii iska soo horjeeday waxaana yimi dhimasho iyo dhaawac.Hadaba ma ku aamini karnaa labadn xisbi waa kulmiye iyo udube dalka somaliland dhinaca kale xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID ayaa aad u canbaareeyayfalkii ka dhacay ceerigaabo.

Runtiina waxaad moodaa madaxda xisbiga in ay taageerayaashooda si fiican wax ugu  shee gaan kuna waaniyeen in nabada dalka iyo nabadgalyada shacbiga aad loo ilaaliyo.Waana ta keentay in dad badani xoog u taageero xisbiga ucid. DHawaan ayay ahayd markii xisbiga ucid aad looga soo dhaweeyay dhinaca gobolka awdal oo uu wafti balaadhani ku tagay  boo qasho. waftigaa oo uu horkacaayay madaxwayne ku xigeenka ucid mudane maxamed  rash iid iyo xubno wehelinaayay.Waxa kaloo xusid mudan in dhinaca bariga mudo ka hor aad looga soo dhaweeyay xisbiga ucid min burco ilaa ceerigaabo.


ILAAHAY WAXAAN KA BARYAYAA IN DOORASHADANI NABAD GALYO INOOGU DHAMAATO
GUUSHUNA RAACDO XISBIGA INOO DANA EE DADKEENA IYO DALKEENA HORUMAR  GAADHSII NKARAwaxaynu sugnaaba waa xisbigee talada qaban doona HADII ALA YIDHAA

wbilaahi tawfiiq

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London