GOBOLKA HAWD

 

 

Wanqashii gobolka HAWD, Xasuustii Halgankii Xoreynta, iyo masraxiyaddii Hobollada

 


Ereyga qudha ee martidu ka sinayd madax iyo mijoba ayaa ahaa baligubadle waa hooyadda gobonimada Somaliland, sidaa darted way u qalantaa in gobol iyo wax ka weynba la siiyo. Muj. Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa madaxdii madasha ka hadashay ayaa isagu dareen ahaan jawigiisu ka gadisnaa madaxda kale isagoo ka sheekeeyay taariikhdii magaaladan, ayaa shucuurtiisu taagnayd sidii maalintii xorriyada aynu lasoo noqonayn oo kale.

Halyayada qaaliga ahi

Halkay isku aamineen

Hubkoodana ay dhigteen

Gobolka Hawdoow hambalyo

Horaad u jirtee hambalyo

Waan kuu hanweynee hambalyo

Hambalyo........hambalyo



Midhahaasi waxay kamid ahaayeen heesihii ay ku luuqaynayeen fanaanniinta qaranku, iyadoo markay dadweynuhu ereyadaa dhegahooda ku soo dhaceen ay mar qudha fadhiga ka wada kaceen oo ay jiibtu iyo sacabku is oogsatay.

 



Source:Hadhwanaagnews


 

WWW.LONGLIVESOMALILAND.COM