“Walaalayaal Madaxnimadu waa wax Samada ka qoran,wax la xoogo maaha,wax la boobo maaha ee ninkii ILAAHAY ugu talo galay wuu imanayaa," Madaxweyne k-xigeenkii hore,Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali Faarax

 

 


Hargeysa (TNN) : - Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw C ali Faarax, ayaa Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland u soo jeediy ay in marka la gaadho Ololaha Doorashooyinka laga wada shaqeeyo sidii Hawshu ugu socon lah ayd Hufnaan, si loo baajiyo Khilaaf horseedi kara Amni-daro.

Md. Cabdiraxmaan Aw Cali oo Shalay ka hadlayay kulan khuseeyay Doorashooyinka oo Dalladda SONSAF ku qabatay Hargeysa, ayaa sheegay in Nidaamka loo galayo Ololaha Doorashooyinka ku xidhan yahay Xisbiyada Qaranka oo mid walba dhankiisa Masuuliyad iska saara sidii si hufan loo gu tartami lahaa, ololaha oo Fool-xumaadaana sidaas oo kale ku xidhan yahay Xisbiyada oo ka badheedha inay kharibaan Tartanka.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ugu horeyn ka hadlaya sida loogu baahan yahay in laga wada hor-tago waxyaabaha keeni kara khilaaf ku aaddan Doorashooyinka, ayaa yidhi, “Waxa Wanaa gsan in laga hor-tago Waxyaabaha uu ku imanayo Khilaafku. Xilkaasi dadka reer Somaliland oo dhan buu saaran yahay, waxaana loo baahan yahay inay Doorashooyinka si hufan u fahmaan, inay Ololelayaasha si aan Turxaan lahayn oo aan Xanaf lahayn u tartamaan. Masuuliyadda ugu weyn ee arrintaasi waxay saarmaysaa (fuuleysaa) Madaxweynaha jooga ee doorashadu dhace yso inta uu joogo, Masuuliyaddu waxay sii saarmaysaa Xukuumaddiisa, Masuuliyaddu waxay sa a rmaysaa Xisbul-xaakimka jooga ee isagoo jooga ay doorashadu dhaceyso. ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inuu ku asturo, Waayo? Waa Hawl Taariikhda u galeysa oo u suntamaysa.”

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, wuxuu ku taliyey in marka Doorashooyinku dhacaan Cidda laga h e laa hanneyso, “Axmed Yuusuf Yaasiin waa kaa jooga, Madaxweynihii ay wada joogeen ee Daa hir Rayaale Kaahin wuu maqan yahay, Doorashooyinkii ka qabsoomay Dalkani way u suntan yih iin, ILAAHAYNA wuu ku asturay Dimuqraadiyaddii tijaabada ahayd. Markaa waxaan leeyahay waa in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Xisbul-xaakimku ogaadaan in Masuuliyadda saarani ka badan tahay ta Dadka kale saaran.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Walaalayaal Madaxnimadu waa Wax Samada ka qoran, Wax la xoogo maaha, wax la bo obo Maaha ee Ninkii ILAAHAY ugu Talo-galay wuu imanayaa, markaa waxaanu idinka filaynaa inaad Ummaddaa idin kala dooranaysa aad Milgahooda iyo Sharaftooda dhowrtaan, oo aad sida ugu Quruxda badan ee ugu hufan u tartantaan. Gari laba Qof kama wada Qosliso, ee Ninkii Laga Heloow iskugu Hanneeya sidii Aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo la nagaga helay 80-ka Cod.”

Mujaahidku wuxuu dardaaran u jeediyay Xisbiyada Qaranka ee ku tartamaya Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka Somaliland, “Xisbiyada waxaan leeyahay waar Sidaad u tarta ntaan bay Hawshu u wanaagsanaanaysaa, khilaafku wuxuu u yaraanayaa sidaad hadba haw sha u gashaan, ololaha u gashaan, in Ololuhu noqdo Mid hufan oo aan Qabyaalad iyo Xanaf laha yn, Dadkana loo tuso inay yihiin Dad Walaalo ah oo meel u wada socda, oo aan la eegin Madaxni mada uun, markaa Xisbiyada waxaan leeyahay Waar Jewiga aad Abuurtaan iyo sidaad Dadkiina u wacyi-gelisaan ayay ku xidhnaanayaan Doorashooyinka Dalkan ka dhici doonta Haddii Alle yid haahdo.”