WALAALAHA S/L WAXAAN UGA DIGAYAA WIXII HALAAGA BADAY DEEGANADA BEELAHA HAWIYE

 

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa walaac balaaran ka muujiyay xaalada Siyaasadeed ee ka aloosan gobalada Waqooyi Galbeed ee Somaliland .

Afhayeenka Golaha Dhqanka Beelaha Hawiye Garabka uu Hogaamiyo Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday in hadii Somaliland ay ku dhacdo dhibka jiro ay lamid noqo doonto Koonfurta Somalia oo ay dagaallo daashadeen.


Axmed Diiriye Cali Wuxuu Carrabka ku dhiftay in Caalamku uu cadaw ku yahay Um adda Soomaaliyeed isagoo tusaale usoo qaatay sida loo xaliyay Khilaafkii Kenya iyo sida Somalia xaalkeeda loo daawnayo.

“walaalaha ah Somaliland waxaan ka baryayaa in ay Heshiiyaan oo aysan ku  day an beelaha Hawiye ama koonfurta, waxaa cad iyo Caalamku uu Cadaw ku yahay Somalida oo uu xalkeeda sii fogaynayo iska jira in lay diin kala tarjumo” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo la weydiiyay in ay Dhax dhaxaadinayaan Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta Mucaaradka ayaa sheegay in ay arrinkaas diyaar u yihiin balse aysan ku reja weynayn arrinkaas mar hadii gobalada Koonf urta ay xal waara ka soo hoy waayeen Khilaafaadkii u dhexeeyay Koonfurta.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayay Odayaasha Hawiye ugu baaqeen in uu Bad baadiyo Nabadda Somaliland islamarkaana uu Ogolaado wax kasta oo Xal keeni kara sidoo kale hogaamiyayaasha mucaridka ayuu iyana fare en in ay cagta u dhigaan dalka .


Hadalkan kasoo yeeray Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa kusoo aadaya xilli qalaan-qal dhanka Siyaasadda ah uu u dhexeeyo Dowlada Somaliland iyo Hogaamiyaasha Mucaaradka.



Source:RBC Muqdisho