“Dawladda Ingiriisku Waxay Naga
Saartay Wal-Wal Badan Oo Naga Haystay Shirka London, Waxaanu
Ethiopia Kala Hadalnay Dareeno Aanu Qabnay Oo Saamayn Ku Yeeshay
Xidhiidhkeena”Dr. Maxamed C/Laahi
Hargeysa, (TNN) – Wasiirka Arrimaha dibadda
Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa faah faahin ka bixiyey
kulano ay kula garnaqsanayeen Dawladda Britain, kaas oo sheegay inay
Masuu liyiintaas culays ku saareen in loo cadeeyo meeqaamka S/land
shirkaas kaga qaybgalayso iyo dan aha siyaasadeed ee ugu jira.
D. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo
shalay galab Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan
Magaaladda Hargeysa oo shalay soo gaadhay, ka dib markii uu ka soo
guryo noqday Magaaladda Adis-ababa oo uu shirar kaga qaybgalay.
Wasiirka khaarajigu waxa uu tilmaamay in wal-wal badan xukuumada
ahaan ka haystay shirka London ka furmaya dabayaaqada bishan, kaas
oo tibaaxay inay kalsooni badan u muujiyeen masuuliyiin ka tirsan
dalka Ingiriiska, isla markaana ay u cadeeyeen inaanu shirkaasi wax
sumcad xumo ah aanu u horseedi doonin Madaxbanaanida iyo xasiloonida
Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu
ka hadlay kulamo uu Mag aaladda Adis-ababa kula yeeshay Masuuliyiinta
ugu saraysa dawladda federaalka Ethiopia, kaas oo sheegay inay kala
hadlayeen kooxda Buuhoodle dagaalada ka wada ee la sheegay inay
Ethiopia ku sugan yihiin. Wasiirku waxa uu tilmaamay inay soo
afjareen tuhuno laga qabay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia inuu
xumaaday, waxaanu sheegay inay isla qaateen labada dhinac in laga
wada hawlgalo sidii loo ilaalin lahaa danaha labada dal ee
Somaliland iyo Ethiopia. Ugu horayn isaga oo ka hadlaya kulamo uu la
yeeshay Wasiiro iyo Diblomasiyiin Ingiriis ah, waxaa uu yidhi
“Mudadii koobnayd ee aanu joognay Magaalada Adis ababa waxaanu wada
hadalo toos ah la yeelanay Madaxbadan oo ka tirsan dawladda
Ingiriiska, taas oo ay ku jiraan xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika iyo Wasiirka u
qaabilsan xaga horumarka, waxa kale oo masuuliyiintaa ka mid ah
Safiirka iyo ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Adis ababa. Wada
hadalkayaguna waxa uu ku saabsanaa shirka dawladda Ingiriisku ay
qabanayso 23-ka bishan, waxaananu ka hadlaynay maadaama oo ay hore
dawlada Britain ay hore noogu marti qaaday shirkaas, inkasta oo
arinta shirka talo qaran laga yeelanayo oo ay socoto hadana xukuumad
ahaan waxaanu doonaynay inaanu Ingiriiska arimo badan oo cadayn u
baahan aanu Ingiriiska kala hadalno. Waxyaabaha aanu xooga saarnay
ee aanu Madaxdaas kula gorgortanay waxa ka mid ah ugu horayn
Ujeedooyinka dhabta ah ee shirkaa laga leeyahay, isla markaana hadii
Somaliland shirkaa ka qaybgasho sifaha ay kaga qaybgalayso iyo
waxyaabaha hadii Somaliland tango shirkaa u suurta galaya waftiga
xukuumadda Somaliland ka socda, markaa arimaha aanu xooga saaraynay
arimahaas ayey ahaayee”.
Dr. Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wada
hadaladii aanu Madaxda dawladda Igiriiska aanu kula yeelanay
Magaalada Adis ababa waxay naga saareen wal-wal badan oo naga
haystay Shirka bishan dhamaankeeda ka dhici doona London, isla
markaana aanaan ka wal-walin ujeedada laga leeyahay shirkaas, waxa
kale oo aanu ka wada hadalnay meeqaamka ay dawladad Britain rabto
inay Somaliland kaga qaybgasho shirkaas, waxaanay noo sheegeen
inaanay Xasiloonida iyo Madaxbanaanida Somaliland gor-gortan iyo
wada hadal ku jirin, isla markaana waxa shirkaas lagaga hadlayaa
aanay wax saamayn ah ku yeelan siyaasada iyo amniga ka jira
Somaliland. Hase yeeshee waxay Madaxdaas Ingiriiska ahi noo sheegeen
in shirku uu Somaliland uu siinayo Fursad aanay wali hore u helin oo
ay hogaamiyayaasha caalamka ugu sheegto qadiyada Madaxbanaanida
Somaliland iyo danaheeda. Madaxda Ingiriiska ah ee aanu la kulanay
waxa kale oo ay noo cadeeyeen in shirkaasi aanu waxba u dhimaynin
sumcada iyo himilooyinka Somaliland, waxaanay noo sheegeen inaanay
na khusaynin arimaha xaga siyaasada ee arimaha Soomaaliya,
arintaasina sida xaqiiqda ah wax na khuseeya maaha”.
Wasiirka khaarajigu isaga oo ka jawaabaya inay dawladda Ethiopia
kala hadlay kooxda Somaliland diidka ah ee la sheegay inay ku sugan
yihiin gudaha Ethiopia, waxaanu yidhi “Waxaanu dawladda Ethiopia
kala hadalnay dareeno aanu qabnay oo saamayn ku keentay xidhiidhka
labada dal, isla markaana dhiiri galisay kooxihii dhawaan
qalalaasaha ka sameeyey Magaalooyin ka mid ah bariga Somaliland sida
Buuhoodle, dhamaan arimahaas oo dhana waxaanu ka yeelanay is-fahan,
waxaananu isku afgaranay in dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ay
meel uga soo wada jeedsadaan wixii amniga labada dal wax yeelanaya”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaanu gaadhsiinay
dawladda Ethiopia ee aynu saaxiibka nahay in wixii ka soo baxay
Shirkii Taleex ka dhacay ay amni daro iyo xasilooni daro ka abuuri
karaan Somaliland iyo mandaqada-ba, waxaanay dawladda Federaalka
Ethiopia noo cadaysay inaanay taageerayn cid ala cidii falal amni
daro ka abuuri karta gudaha Somaliland iyo nabadgalada mandaqadaba”.
source:haatuf
|